Thursday, August 7, 2008

Minaad ka guurtay Geedi Xoor Ar Garoowe goof ma kuugu yaal.

Waxgaradka Abgaal (xafidahuallah) oo ka shiray kana biyo diiday bahdilka uu la damacsan yahay Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iyo Jufadiisa inay ku sameeyaan Ra'isalwasaaraha Qaranka Soomaaliya Mudane Nuur Xassan Xuseen - Nur Cade (xafidahuallah) (Minaad ka guurtay Geedi Xoor Ar Garoowe goof ma kuugu yaala- CAYAAR WAA GELIN DANBE), iyo Qabqable Cabdullahi Yusuf oo ka Xamaama Qaatay Mudulood (acazahumullaah) oo uu ku dhaartay inuusan mar danbe Xil u dhiiban doonin Beeshaas uuna markaan raadsanayo doqon Habargidir (sida Gacmadhere).



02 August 2008

Muqdishu: Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah nabadoonada Mudullood oo ka dhacay magaalada abgaal Town ee Muqdisho ayaa Beesha Mudulood ay si cad oon ganbasho ku jirin ay waxgaradkii ka soo qeybgalya uga soo horjeesteen talaabada uu ku dhaqaaqay Qaa'in Cabdullahi Yusuf oo u heysta iney mudulood wax garanba oo ninkooda sidii la doono lagu hor yeeli karo.

Waxaa waxgaradka Mudulood oo shirkaasi ka qeybgalay ay carabka ku adkeeyeen in dagaal ooge Cabdullahi Yusuf uu doonayo inuu iska horkeeno qabiilada dega muqdisho, halka uu nabad & barwaaqo ula doonayo deegaankiisa Puntland, isagoo safarkiisii u danbeeyey u sheegay beeshiisa inuu cadowgii oo uula jeedo Hawiye uu ka adkaaday, ayna yihiin kuwa aan isku tanaasulin oo nabad xumo ku abaaday sidaasna uu kala taliyey in deegaanada reer Puntland ay ka duwanaadaan oo ay nabad iskaashi ku waaraan.



Odayaasha Muddulood ayaa Hanjabaaddii ugu cusleyd u diray Qabiiliiste Yuusuf oo Muqdisho ku joogay Dabbaabbadka Tigreega iyo Taageerada qaar ka mid ah Beesha Muddulood, haddana uu duqu u soo dhigtay awood qeybsigii beeshooda ku soo aaday.

Shirqoolka uu qabqable Cabdullahi Yuusf u maleegay Ra'isalwasaare Nuur Cade ayaa noqoneysi Bukaanku ku weynayo Taageeradii yareyd ee naftu uga jirtay ee ka haystay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Muddulood, Haddaba Shirkaan ay Nabaddoonada Beesha Muddulood gaar ahaan Galmaax Yoonis ay ka yeesheen xaalada ku soo cusuboonaatay khilaafka nuur Cade iyo Duq Cabdullahi ay ka hadleen Nabaddoonada Beeshaas ayaa Cabdullaahi Yuusuf lagy sheegay inuu Gobolka banaadir ku joogay Tageerada Muddulood Haddana uu ka hor yimid rabitaanka beeshaas isagoo doonaya inuu Sanka ka geliyo wax uu isagu doono, Waxana ay ku Nuuxnuuxsadeen Qabyaalladda Cabdullaahi Yuusuf iney gaarsiisay inuu Gobollada uu ka soo jeedo uu gaar u yeesho, Madaxweyne u gooni ahna u sameysto, Gobolka Banaadirna uu wax ka yeesho wuxuu doonana ka sameeyo, iyagoo u sheegay inuu ama iska tago ama wixii ay rabaan dadka Mudulood uu sameeyo.


Odayaasha Beesha Mudulood oo ka xumaaday Mooshinka Baydhabo lagula gaaf wareegayo ee la doonayo in xilka looga qaado oo ku gacan seyray gacan ku dhiigle Cabdullahi yusuf.

FAALO: Cabdullahi Yusuf oo Abgaal isku adeegsada markuu doonayo inuu mid eryo, horena Geedi loogu adeegsaday beeshiisa, haddana Nuur Cade.

Muqdishu: Wararka naga soo gaaraya magaalada caasimadda ah ayaa xaqiijiya in Ra’isalwasaare Nuur Cade isaga cararay Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ku taala wadnaha magaalada Muqdishu oo ay sheegtaan iney iska leeyihiin Beesha Mudulood, taasi oo nin Mujrim ah oo ka yimid Puntland uu ku raaxeysanayo, kii u dhashayna laga bursaday sidii looga bursaday Prof. Geedi xiligii uu Ra’isalwasaaraha ahaa.

Mooshinka Baarlamaanka la hor dhigay ee ka dhanka ah Nuur Cade ayaa loo dhiibay Dalxa oo ka soo jeedo dadka laga tira badan yahay oo amar lagu siin kari inuu fuliyo Barnaamijyada aan sahciga aheyn, iyada oo lagu eedeeyey gudoomiyaha Baarlamaanka Mr Adan madoobe inuu ka cagajiidayo fulinta howlaha looga taqalusayo, taas oo ku tusineysa daciifnimada Prof; Dalxa oo ah call Box, oo markii ay kacag ku shubtaan jufada Cabdullahi Yusuf ay isticmaalaan, markii kalena ay ka tagaan, sideese iyada oo gudoomiyihiin Baarlamaanku uu joogo uu u shaqeyn karaa ku xigeenkiisa, waa arrin la yaab leh.

Ra’isalwasaare Nuur Cade ayaa ah nin degan oo aqoon siyaasadeed iyo mid diineedba lah, doonayeyna inuu nabad waarta ka dhex dhaliyo dadkiisa muddo uu dagaal sokeeye soo hungeystay, sidaasna uu diiday in afkiisa laga helo erayga ARGAGIXISO, isaga oo Alshabaab ku sheegay iney yihiin Wiilal Soomaaliyeed oo kacdoon ah keliya.

Wuxuu ku guukeystay inuu nabad ka aslaaxiyo Suuqa Bakaaraha oo hooy u ahaa maleeshiyada jufada Cabdullahi Yusuf halka ay u soo biliqo raadsadaan, iyadoo ,maalin kasta ugu yaraan 2 qof ku dhimanireen.

Wuxuu ku guuleystay in shirkii jabuuti ee kooxda dowlada sheegata iyo kuwa mucaaradka uu heshiis cajiib ah ka dhex dhaliyo, kaasoo weli qabya ah oo lagu balansanaa in lagu soo dhameystiro dalka barakeysan ee Sucuudiga, taasoo laga soo dhoweeyey aduunka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

Cabdullahi Yusuf ayaa u arkay Nuur Cade inuu Qatar ku yahay qorshihiisa xasuuqa hawiyeha iyo qabsashada deegaankooda, aminsanna usha nin aad ka qaadan karo u dhiibo, ayaa jagada Ra’isalwasaaraha muddo kula dhex wareegay beesha Mudulood oo uu gol jileec baday.

Dastuurka Qaran ku sheega ku meel gaarka ah ayaa u sameysan si uu Madaxweyne ku sheegu uu magacaabi karo, eryina karo gudoomiyeyaasha Gobolada, Madax sare ee Ciidamda, maxkamada, Safaradaha, iyo wixii la mid ah, taasoo awood la’aan ka dhigeysa ra’isalwasaaraha iyo xukuumadiisa oo aysan wax awood ah ku laheyn iney wax ka qabtaan xaalada qatarta ku ah nabadda oo hadba la soo gudboonaada, taasoo aysan cidna xilka ka qaadi Karin, cidkalana aysan xil u dhiibi Karin, ilaa uu qabiiliiste Cabdullahi Yusuf uu soo ogolaado.

Habka uu u sameystay Xeer Qaranka ayaa Mooryaan Cabdullahi Yusuf ayaa u sahashay inuu Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda iyo Xooga Dalka u dhiibto Saraakiil ku jufo ah, halka ku xigeenka Policekuna uu sidoo kale uu yahay ku jufo, Taliyehana uu yahay magic u yaal, taasoo u sahashay in qofkii aysan dooneynin jufadiisu ay kuwaasi u soo xirxiraan, qaar la qaarajiyo oo la waayo meydkooda iyo noloshooda, qaarna laaluush laga qaato oo sidaas looga lacageysto, iyagoo goobaha ganacsiga soo dhaca oo xoog uga dukaameysto.

Guushaas manta uu ku faanayo ayaa waxaa u soo hooyey beesha Abgaal oo iyagu isku jeeda ama u jeeda walaalahooda kale ee Habargidir oo intaas ku haya anukaa iska leh Caasimadda Soomaaliya, wax ay ku heystaana aysan jirin oo aan aheyn hortooda lagu bahdilo, marba mid lagu hor bursado, iyaga oo aan ka danqan, balse loo sheego xumaanta qofkaas si iyaga la isaga horkeeno.

Qabqable Cabdullahi Yusuf oo manta Beeshiisa u ah boqor maadaama uu Hawiye maxada ciidda u geliyey, uga aaray dadkiisii, kana dhigay mid la bursaday iyo mid aan sharaf ku nooleyn oo qaxooti ka ah gurigiisii, lagana dhacay maalkiisii oo laga dhigay mucsur aan waxba heysan.

Khilaafka soo kala dhexgalay Ra’isalwasaare Nuur Cade iyo Gacan ku dhiigle Cabdullahi Yusuf ayaa la mid ah midkii hore loogu qaarajiyey Prof. Geedi oo uu Cabdullahi Yusuf intii hore ku shaqeysan jiray iyada oo laga dhaadhicin jiray iney diidan yihiin oo ka soo horjeedaan Beesha Habargidir, sidaasna lagu xasuuqay dadkiisii laguna burburiyey magaaladiisa, iyadoo lala Kaashaday Mr Jeele oo shahaado lagu siiyey xasuuqa walaalihiis ka dibna la iska tuura labada waa Geedi iyo Jeele.

Markii laga taqulasayey Prof. Geedi ayaa waxaa Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iyo beeshiisu ay derseen dareenka Beesha Abgaal, waxa ayna soo ogaadeen in dareenkoodu inta badan uu taagan yahay waqtigii Gabyre uu tooganayey Siyaad Barre, oo la sheegay in lagula taliyey inuusan Gabre Dilin, iyadoo taasi ay keeni karto iney Abgaal ki kacaan oo halkaas dowladiisa lagu ridi doono, wuxuuna ku jawaabay goobta lagu tooganayo Gabeyre ha la keeno Barbaarta Shiribka Abgaal haddii ay ku shirbaan erayo ka soo horjeedo dowlada Siyaad Barre ha la sii daayo Gabeyre balse haddii ay ku shirbaan wax kale ha la dilo Gabeyre Abgaal ma kacsanee. Sidaas ayaa waxaa la keenay goobtii lagu tooganayey gabeyre Barbaarta Abgaal ee Shiribka, waxaana loo sheegay iney ka shirbaan sida ay u arkaan dilka Gen. Gabayre, waxayna Barbaartii Abgaal ku shirbeen (MINAAN LA TOOGAAN TOOSI MAAH), taasoo u cadeysay Siyaad Barre ineysan kacsaneyn Beesha Abgaal oo aysan waxba ka qabin toogashada gen. Gabeyre.

Waya aragnimo uu ka qabo Qabiiliiste Cabdullaahi Yusuf sida loo kala qeybiyo Hawiye, khaas ahaa beesha Abgaal oo midna jago been ah loo dhiibay, midna hortooda lagu bahdilo ayaa keentay in Prof. Geedi markuu fahmay qiyaanada dheer iyo shirqoolada uu la damacsan yahay dadkiisa Duq Cabdullahi uu durbaba uga soo horjeestay isagoo u sheegay Odagu inuu Bukaan yahay welibana uu duq yahay, uuna u dhalan magaalada Muqdishu, sidaasna haddii cid laga taqalusi karo ay noqon doonto duqa dhala dhaloobay, laakiin loo adeegsaday maxamed dheere, dhagaxtuur iyo kuwa kale oo dareenkoodu uusan amrna iska bedelin xil ka qaadista Prof. Geedi, sidaasna jidka lagu diray isaga oo qaawan oo dhaleeceysan, ceebtuna tahay in lagu bedelay mid kale oo Abgaal ah oo ay markiiba u tartameen in jagaas aan loo dhiibin mid aan aheyn Abgaal kale, halkii ay dhiidhiyi laheyn sida loo nahdilayo ninkoodii.

Arrintaan Maanta taagan ee ah khilaafka u dhaxeeye Nuur Cade iyo Qabqable Cabdullhi Yusuf ayaa ku socota isla wadadii lagu diray Jaale Geedi iyo Marxuum Gabeyre, iyadoo la doonayo in marka hore loo adeegsado Max’ed Dheere iyo Xulafadiisa, taasoo uu u jeedo Duq Cabdulaahi ineysan cabsi uga imaanin kacdoon ka dhasha magaalada Muqdishu ee Caasimadda Soomaaliya, oo halkaas dadka Mudulood u sii caburiyo ama u sii kala qeybiyo Max’ed dheere, ka dibna uu ka taqaluso Nuur Cade iyada oo Xukuumadiisa inta badan laaluush iyo balan qaad jagooyin danbe loogu adeegsanayo, laguna amri doono iney is casilaan, ka diban uu meesha ku soo hari doono Nuur Cade iyo Shan Wasiir ee Mutaxan, markii uu soo dhiso xukuumad Cusubna ay Baarlaan ku sheega Laaluush qaatayaasha ah ee xabsiga looga dhigay Bakhaarkii Galeyda ee Magaalada ay Baydhabo ay jidka u fadhiistaan, oo halkaas Xukuumadda Cusub loo ansixin waayo, taasina ay dhaliso in loogu Hanjabo Nuur Cade inuu is casilo ama lago soo oogo la xisaabtan lunsasho Hanti Qaran, ku tagri fal sharciga Qaranka iyo waxyaabo kale oo badan, taasoo ah wadadii lagu diray Prof. Geedi.

Beesha Abgaal oo uu u arko Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iney tahay Beesha keliya oo Hawiye lagu dhex baabi’in karo ayna tahay wadada keliya oo u furan oo laga soo geli karo, ayaa haddana iyagii isku adeegsaday, taasoo dhabr jab ku ah halgankii dheeraa ee awal Siyaad Barre oo ka wadanisan Duq Cabdullahi lagu la isaga saaray, haddana ay u Muuqato in dhib badan loo mari doono in lagu eryo Duq Cabdullahi Yusuf oo wadanka cadowgii ugu xumaa ee Itoobiya soo geliyey, dhanna Maeykanka ku beer laxawsanaya inuu jaal kala yahay dhanka la dagaalanka ARAGAGIXISADA oo uu Duq Cabdullahi ku sheego marna cidii ka hortimaada ee u dhalatay beelaha Muqdishu.

Si kastaba ha ahaatee, ka taqalusidda Ra’isalwasaare Nuur Cade ayaa ah Tijaabadii u danbeysay ee Bukaan Cabdullahi Yusuf uu ku tijaabinayey dareenka Abgaal, haddii uu taas uga Guuleysto Nuur Cadena ay u dhamaatay Mudulood ayna tilaabada xigta tahay inuu u sheego inay ku noqdaan dameera dhaamiska, xamaalkii iyo ka shaqeynta Kaawadii dhagax jebinta oo ay ku sheegaan meheradda keliya ee u furan Beesha Hawiye oo dhan.

Maxey tahay Bahdil ka weyn in Ra’isalwasaare dhan oo Qaran laga saramariyo Gudoomiye gobol. Shariciga Beerlaawe Cabdullahi Yusuf ayaa ah La jiifiyaahi Banaan la joojiyaahi banana.

Waxaa loo dhegataagayo waa halka uu ku danbeeyo khilaafka Nuur Cade iyo Quqa laclacay ee xafaayadu ugu jirto ee Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf.

Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Balaayo Hor Lihi Idinku Habsanin




Runtii garan mayno kalmado aanu ku cabbiri karno calool xumada iyo ciilka maanta naga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo murugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.
Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa?

War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane.

Waxaan idin leeyahay;
Damiir laawaha dagaal uun u taaganow
Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow
Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow
Miinada u duuga ee hooyadiis dilow
Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay
Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad.

Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin oo argagaxisada meel halooga soo wada jeesto. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen

AABIHII DAWLADDAAN A/LAHI YUSUF OO DAAQADDA LAGA TUURAY, IYO DEEGAANADA MUDULOOD OO DADKA LAGA DHEXEYN-SIIN RABO





Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas waxaa mar qura wada yiri dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka Banadir ahayna Duqa Magaalada Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere)

Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu Aabe ugu yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ah:

1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo buuxin kara xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant position) kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel gaarka ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof. Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed u sinneey.

2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiyay Jowhar, markaasay reer Jowhar ku soo dhoweeyeen Dwaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee?

Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran, guux hoosaad sheegaaya in loo danlee yahay deegaanadda Mudulood oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee gobalka Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North America) oo ahaay " deegan-keyga lihi, deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha.

Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha in uuka digtoonaado qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo Gabdhaha Soomaaliyeed.



MOhamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

TAAGEERO IYO BOOGAADIN KU SOCOTO GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR.

R'yi Jul 31/2008


KU: GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR MAXAMED CUMAR XABEEB"MAXAMED DHEERE".

WAXAAN AMAAN IYO BOOGAADIN HALKAAN UGU SOO JEEDINAYNAA ,GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR MAXAMED CUMAR XABEEB "MAXAMED DHEERE", ANAGOO KU AMAANEYNO HOWSHA ADAG OO UU QABTAY GOBOLKA BANAADIR IYO SOOMAALIDA KU ABTIRSATO GOBOLKAASI, XILLI ADAG OO QARANKA GUUD AHAANTIIS IYO GAAR AHAAN CAASIMADA MUQDISHO AY KA JIRAAN DHIBAATOOYIN BAAXSAN.
MAXAMED DHEERE WAAD MAHADSANTAHAY WALAAL WAXAANU KU LEENAHAY AJIR IYO XASANAADNA ILAHEY HA KAA SIIYO INTA AAD NOO QABATAY.
QURUXDA IYO HANAAKA,HABSAMIDA IYO WANAAGGA,KARTIDA IYO GEESINIMADA IYO FIRFICOONIDA OO KU MEEL MARIYAY WAAJIBAADKA KA SAARNAA UMMADIISA IYO GOBOLKIISA, SHARAFTA IYO QURUXDA OO U MAAMULAY GOBOLKIISA.
MAR LABAAD MAHADSANID MAXAMED CUMAR XABEEB.

WAXAA MAANTA NASIIB DARRO IYO SHARAF DARRO INOO AH HADII AYNU NAHAY BEELWEYNTA MUDULLOD IN AFAR WASIIR "KU SHEEG"AH OO JAAHIL AH OO AAN GARANEYNIN FASIRAADA AXDIGA KU MEEL GAARKA AH AMA AY YIHIIN KUWOO ANALFABET AH OO NUUR CADDE KA SOO ARUURSADAY SLAMS YADA KU YAALA MAGAALOOYINKA REER GALBEEDKA IN AY ISKU DAYAAN WAX AYNAN AWOODI KARIN
WAA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD,BEESHA ANAN DAQNANIN.
WAA NASIIB DARRO IN SHAQSIYAADKAAS AAN WAXBA AHAYN IN AY KUFIKIRAAN XILKAQAADISTA GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYAGO KA BADIN WAAYAY HOTEEL JIIF, AF LEERSHI IYO FADHI KU DIRIR INTA AY U ISTAAGI LAHAAYEEN GUDASHADA WAAJIBAADKA LOO XILSAARAY.
ARAG SIDA AY UGA DHAGA ADKEYNAYAAN IN AY SOO HOR'ISTAAGAAN GOLAHA SHACBIGA SI LOOLA XISAABTAMO.
OO MAXAA LALA XISAABTAMAA WAA ANALFABEETI LASOO ARUURIYAY.
WAA NASIIB DARRO IN NIN RA'IISULWASAARE HADDANA AY ISKU BEEL YIHIIN GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO U HORSEEDO IN UU GOWRACO WALAALKIIS WAA NASIIB DARRO KUSOO SAAIDAY BEESHA MUDULLOD,BEESHA ANAN DAQNANIN.
WAA SIYAASAD XUMO IN RA'ISULWASAARAHA UUSAN KA FIIRSANIN ARINTA UU KU DHAQAAQAY.WAA NIN ANAN U BISLEEN SIYAASAD.
WAA NASIIB DARRO IN UUSAN WELI FAFMIN QIYAAMADA UU DAMACSANYAHAY MASKA UU GUNTIGA GASHTAY.WAA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD.

WALAALAYAL MUDULLOD, DHIBAATADA,GARDARRADA IYO WUXUUSHNIMADA 18KA SANO LALA DULSAARANYAHAY DADKA AAN KA DHALANAY IYO GOBOLLADA AAN U DHALANAY ANNAGA AYAA U SABAB AH,ANAGA AYAAN WILI GARAN WAXA INOO DAN AH IYO WAXA INOO WANAAGSAN,ANAGA AYAA WELI GARAN IN MAANTA IYO SHEALAY INOO LA DIIDSANYAHAY NOLOL,INOO LA DIIDSANYAHAY IN CARUURTEENA AY HELAAN NOLOL, CAAFIMAAD, WAXBARASHO, IN DUMERKEYNA IYO HOOYOOYINKEENA AY NOLOL QURAX AY KU NOOLAADAAN IN AAN KA TALINO GOBOLLADA AAN KA SOO JEEDNO.
INTA AAN ANAGA IS XAG XAGANEYNO,INTA AAN WAX ISKU DIIDEYNO, INTA AAN CADAWTINIMO ISKU MUUJINEYNO,INTA AAN ISKALA QAYBINEYNO WALEE MEEL MA GAARNO.WAANA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD.
NUUR CADDE WAXAA LAGULA TALIYAY IN UU WALAALKIISA GOWRACO HASE YEESHEE ASAA LA GOWRACAY, WAA SIYAASAD OO LAGAA BADYAY.



"GUUL MAHAMAD DHEERE GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR".




A. HUSSEIN

RIYADII A C/SALAAN MARUNBAA





Marabo in aan ka hor dhaco waxa waqtigaan ka socodo wadanka Somaliya
laakin waxaa layiri ruxaan lasocon waxii la soo maray magarto marxaladda
waqigaan midaa waxaan ula jedaa midka donaya waxa lawada ogyahay in
maanta shacabka dib loogu soo celiyo oo ah dano QABIIL waan ognahay
qabiil in qaran uu noqon karin hadii qabiil wax lagu noqon karo 17 sano ayaa
wax lagu noqon lahaa waxase nasiib daro ah kuwa wali wax ku radinaya

Waxaan lawada soconaa oo ruux kasta ogyahay in waqti aan fogeeyn
Ahmed C/salaan iyo Qabiilka uu ka dhashay iyagoo ku socdo magac qabiil
in Itobiyo u tageen in Ahmed C/salaan R/wasaare laga dhigo laakin midaas
laguma guleysan waxaa lagu yir Somaliya 4/5 ayay wax ku qeybsatay ee
dad kiina dhica ka raaca waxii markaa ka danbeyay waxaa la filayay in
Ahmed uu dhaamo moryaanta wayoo wuxuu mudo ku noolay qurbaha
laakin nasiib daro waxaa kaliya uu soo bartay sida garabatiga loo xirto
midaana waa dhaqanka lagu yaqaano waraabaha wayoo waxaa layiri
Waraabaha wuu dhagor door soomaa laakin madabecad doorsoomo

Ahmed waxaan leyahay intaad baraneysay xirashada garabaatiga waxaa
shacbiga Somaliyeed inta badan bartay dhibatada uu qabiilka leyahay
waxase nasiib xumo ah in wali uu jiro qaar riyadaada run mooday oo
wali garan waxa maantay geedaha hoostoda gaajo lajiifa in uu qabiil yahay
waxa ka soo bara kiciyay guryahoodii walina u sacab tumaya qabiilkii

Ahmed C/salaan riyadiisa waxey la mid tahay qisadaan oo ah
Nin ayaa safar ku yimid magaalo uu dad ka aqoon waxaa uu arkay Nin
Magaalada dagen wuxuu ku yiri waxaan ahay musafur ee walaalow
caawa i marti gali sida dhaqanka Somaalida lagu yaqaanay wuu ka
aqbalay oo gurigisa ayuu ku marti sooray meel uu seexdo ayuu u
diyaarshay is wareysi ka did waa la seexday waxaa riyooday Ninkii martida
ahaay wuxuu ku riyooday asagoo dahab farabaden helay oo sariirta uu ku
jiifo barkinteda gashaday isgoo riyadii wali ku jira ayaa waagi baryay waxaa
ka soo toosay Ninkii martida loo ahaay wuxuu is yiri bal u sii diyaari martida

quraac isagoo wali ku guda jira hoowshii ayaa waxaa soo toosay Ninkii martida
ahaay islamakuu soo fadhiistay waxaa uu kor u qaaday barkinta uu dahabka
xalay gashaday wax ayuu ka wayay waxaa uu firiyay meshii uu jiifay Ninkii uu
u soo martiyay markuu wayay ayuu isyiri waxaa dahabkii labaxsaday Ninkii
isagoo feero qaawan ayuu bakoorad uu watay la soo booday gortuu ilinka ka
soo baxay ayuu arkay Ninkii oo daashka dhax taagan waxuu kula soo booday
bakoortii markuu mid ku dhuftay ayuu tii labaad iska qabtay wayoo Ninka loo
soo martiyay aad ayuu u xoog weynaa kadib ushii ayuu ka qaday oo isagii
dhulka dhigay oo ceego ku haayo ayaa diriskii qeylada ku soo baxay la kulmeen
ruux dhulka jiifo iyo mid ceego ku dhagan kadib markii laga qabtay nasiib daro
waa uu miir door soomay Ninkii soo martiyay wayoo cegadii ayaa wax u dhintay

waxaase la wareestay Ninkii loo soo martiyay wuxuu sheegay sida wax u jiraan
waxaana uu hadalkii ku bolaabay Anigoo ka imid Masjidka saladii MAQRIB ku
soo dukaday ayaa jidka iiga horyimid Ninkaan oo igu yiri waxaan ahay musaafur
ee caawa walaalow i marti gali sidaas ayaa guriga ku wada nimid raashin ayaan
wada cunay kadib waan sexanay goortaan soo toosay ayaa waxaa ku dhaqaaqay
inaan quraacdii u sii diyaariyo anigoo shaqadii ku guda jira waxaan arkay Ninkaan
marti sooray oo feero qaawan oo baakoorad madaxa iiga dhufay waana iska qabtay
waadna u jeedaan dhawaca uu ii geestay mid ka mid ah dhagestayashii ayaa yiri
ma ruxaad soo dhaweysay adigoon waxba u geysan ayaa ku dilaya waa cajiib

Mudo yar kadib markii biyo wajiga laga mariyay ayuu soo toosay Ninkii soo martiyay
waxaa la su,aalay sidey waxa u jiraan wuxuu yiri waxaan ka imid dhul dheer markaan
gabal dhicii magaalada imid ayaan Ninkaan iga horyimid waxaan ku iri walaalow musafur
ayaan ahay ee caawa imarti gali sidaas ayaan halkan ku imid kadib subaxii markaan soo
toosay ayaan waxaan wayay dahab barkinta hoosteda iigu jiray dahabkiina isagaa iga
qaatay wayoo cid nalama joogin ee hadaad nabad iga rabtaan Ninka xoolaheyga iiga
qaada waa layaabay mid ka mida dhagesta yashii ayaa ku yiri war Ninka hadaad marti
galisay dahabkiisa maxaad uga qadatay waxaa asgoo aad iyo aad u yaaban Ninkii loo

soo martiyay la soo booday wax dahaba uu watay ninkaan ma. arag ee ha udhaarto
in dahab aan ka dhacay waxaa hadalkii qaatay nin diris la. ah midka loo soo martiyay
oo aad u yaqaano ayaa yiri aniga mafilaayo in ruux u soo martiyay uu dahab ka dhacaaya
laakin sida uu sheegay waa in uu dhaartaa waxaa la su.aalay Ninkii soo martiyay madigaa
dharaneysid ama asagaa dhaarta Ninkii soo martiyay waxuu isyri hadii layiraahdo isaga
hadhaarto waa uu dharanayaa ileen mesha dahab majiree adiga dhaaro wuxuu go,aansaday
in uu dharto waxaa la keenay kitaab quraan ah waxa layiri gacanta midigta saar ee dhaaro
sigoo qoslaayo ayuu gacanta midig dul dhigay ayaa nin oday ah oo ka soo shaqeyay gobolada
in tooda badan oo dhaqanadooda aad u yaqaano ayaa yiri war Ninka haduu ka yimid gobol
heblaayo wuxuu leyahay dhaar u gaara waa layaabay oo waxaa layiri waa maxaay odayga
oo ah askari hore oo aad u yaqaana Ninkaan gobolkuu ka yimid sida looga dharto ayaa yiri

waxa yar isuga dadkii ayaa is weydiyay odayga muxuu Ninka ku dhaari doonaa kadib
Ninkii ayuu ku yiri waxaad ku dhaarataa makugu QODHAA IYO XERADAA in Ninkaan uu
kaa qaatay dahab aad adigu ledahay Ninkii ayaa ku jawaabay waxaan filayay in dhaartu
tahay kutub laakin midaan waan aqaan oo rag farabadan ayaa horay ugu dhaartay oo
dhibaato aad iyo aad u badan ka raacday sidaas ayuuna dhaartii ku diiday muran iyo
dood dheer ka dib waxey dantu ku laiftay in uu ruta sheego oo uu yiraahdo DAHABKA
RIYO AYAAN KU HELAY dhamaan dadkii goobta joogay waxey hambalyo iyo bagaadin aad u badan u direen ODAYGII dhariyay wayoo haduu kutub dhaartu ay noqon laheydwaxaa shaki ku jirin in uu ku dhaaran lahaa markaasna waxaa dhici lahaa in ruuxa loo soo martiyay in gurigiisa la siin lahaa Ninka ku dhaartay in dahab laga dhacay
Qisadaan ama sheekadaan waxey la mid tahay mida dhax taal Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamed Cumar (M/dheere iyo Ahmed C/salaan waxaan rajenayaa in arinku ku dhamaado Ninkii dhaarta ka dib yiri RIYO AYAAN KU HELAY.
ugu dan beestii riyada Ahmed C/salaan Marumoobi doontaa

Qore: Abdinur M Nur

af_rah_9@hotmail.com

Maxaa Nala Gudboon Haddaanu Nahay Mudulood?




Asalaam calaykum,Walayaal,Sida aanu Wada ogsoon nahay

Mudulood Maanta Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna,

Waayo Xilligaan Waxaanu Taagannahay Marxaladdii Ugu Xumeyd

Ee abid soo marta Taariikhda Beesha Mudulood.

Waxaanu Nahay Dadka Degaankooda(Xamar) Lagu Xasuuqayo Maatadoodii Walina La Rabo in La Sii Dhameystiro Intii Ka Badbaaday Gumaadkii Ay Geesteen Ciidamada Tigree Iyo Maleeshiyaadka ka Amarqaata Odayga Qabyaalada Ku Tisbiixsada

Ee Cabdilaahi Yusuf Ahmed.

Warar Hoose oo Aanu Helnay Ayaa Sheegaya In Cabdilaahi Booqashadii Uu Ku Tagay Garowe Lagu Soo Amray in uu Mudulood

Kala Qeybiyo Si ay Dhexdooda Iskugu Mashquulaan oo ay Markaas

Fududaato In si Sahlan Loo Maamulo Ayaga Iyo Degaankooda Taasoo Ku Saleysan Siyaasadii Ahey(Divid and Rule Policy) ama (Qeybi oo Xukun) Waxaase Wax Laga Murugooda ah In aan Fahmi la`nahay Siyaasada Reer Muduga ee Ku salaysan Qabyaalada Qaawan iyo Aargoosiga Qabiil.

Walalayaal,Arinta Ku saabsan In Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Xilka Laga Qaado Iyo In Kale Yaaney Noqon Mid Khilaaf Keenta Balse Ha Noqoto Mid aan Ka Qaadano Mowfiq Mideysan oo Hal ah,Ee aanu Niraahdo Waliba Si Cod Dheer ah oo aan Ganbasho Laheyn “Mudane Raysulwasaare Xilka Aad Ka qaaday Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) Hadaad La Rabto Nin Kale oo Mudulood Ah Waanu soo Dhaweyn,Hadii Kale oo aad La Dooneysid Nin aanan Mudulood Aheyn Anagu Waanu Diidnay Bahdilkaas.”.



Walaalayaal,Lama Joogi Waqti Aan Dhexdeena Is Qabqabsano oo aan is Khilaafno Cadowgeenu Wuu Badanyahay Waa Inaanu Muujinaa Walibana Adkeynaa Midnimada Mudulood OO Dhab ahaantii ah Mid Muqadas ah.



Walaalayaal,Odayga Qabyaaladeysan Ee Ina Yeey Ma Doonayo In Ay Muqadisho Nabad Noqoto Taana Waxaa Daliil U ah Is Hor istaaga uu La Damacsanyahay Dadaalada Nabadoonimo ee Uu Raysalwasaare Nuur Xasan

Huseen(Nuur cadde) oo aan u Aqaano Nuur Nabadoon Ku Howlan Yahay.



Nin aan Shantaada Kaa Celin Sharci Kaama Celiyo.!



Walaalayaal,Waxaa Jirta Arin Kale oo Qof Kasta oo Mudulood ah Qalbigiisa Hurineysa Waajibna ay Tahay In Laga Hadlo taas oo ah UGAARSIGA LAGU HAYO WAXGARADKA MUDULOOD.

Waxaa Muuqata In Aanu Noqonay Dad Iska aamusan oo aan Laheyn Shucuur Iyo Dareen Dadnimo Toona.

Reer shaatibo Badne ayaa Ku Mashquulsan Har iyo Habeenba Aargudasho Qabiil oo Laga Leeyahay Ujeedo Fog oo ah in Qalqal lagu abuuro Dadka u Dhashay Beesha.

Waxaa la Dilay Dhaqaatiir,Generaalo,Nabadoono Caan ah oo Ka soo Jeeda Beesha Anaguna Waxaanu Noqonay Dad Iska Daawada.

Arintaan Wuxuushnimada ah ee Lagu ugaarsanayo waxgaradkayaga Joojinteedu waa wax iska Fudud(waa iska simple) !.Waa anagoo raacna Hal waddo oo kaliya.



WAA MAXEY WADADAAS?



Walaalayaal,Qaniinyo Qaniinyo Baa kaa Fujisa Ayey Reer Koonfurtu Ku Maahmaahaan Marka Anigoo soo koobayo Waxaan leeyahay waa AARGUDASHO, Haa walaalayaal waxaa lagu joojin Karaa Ayada oo Loo Aaro dadka nalaga Dilo.!

Waxaan Hubaa oo Xaqiiqo ah in Maalintii sida Gardarrada ah loo Tooganayahay Nabadoon Macalin Haaruun Macalin Yuusuf (Janadii eeba allaha ka waraabiyee) aan u aargudi laheen in maanta General Axmed Jilacow Caddow(Allah u naxariistee) uusan Aduunka nagu cidleyn laheyn, Dr.Dahir Maxamed Geedina Uusan Isbitaalka AMISOM Dhaawac U Jiiifin Laheyn.

Mise Qof arintaas Sameeya ayaanu La`nahay???.

Labadaan Marxuum Waxaa Loo dilay Qabyaalad Lafaha iyo Dhiiga Gashay oo aan Dawo laheyn waayo Dowlad Xil uma ayan Qaban Waligood Waxaana Loo Dilay Maadaama AY ahaayeen Mudulood.!



Fadlan Hadii aad Tahay Qof ku Abtirsada Beel-weynta Mudulod Fikirkaaga Ku aadan Arintaan Ku soo Hagaaji Adigoo Mahadsan Emailkayaga oo ah sida tan
warsan-starnimo@hotmail.com.

Wabilaahi Towfiiq

warsan-starnimo@hotmail.com