Thursday, July 31, 2008

LABADII WAREEGTO EE RA`ISALWASAARE NUURCADE

BISMILAAH!

Raisal wasaare Nuurcade oo wareegtadiisii 2aad kasoosaaray magaalada muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra`isal wasaaranimada, su aashuse waxa ey tahay maxay kala yihiin labadaas wareegto ee Ra`isalwasaare Nuurcade ilaa iyo hada uu soo saaray:



1. Wareegtadii ugu horeysay waxa ey aheed sharciyeyntii kooxdii kusoo dhaweeyeen 21kii hoobiye maalintii ugu horeysay ee uu magaalada muqdisho soo cagadhigtay asigoo ximbaarsan xilka Ra`isal wasaaranimada isla markaasna kalabar magaalada muqdisho uu ku dhawaaqay in ey kooxdaasu maa mulaayaan eysana tigikarin ciidamada boliiska iyo maamulka gobalka banaadir midna.



2. Wareegtadii 2aadna waa mida maanta oo taariikhdu eytahay 29-07-2008 uu soo saaray, taasoo uuku sheegay in uu xilkii gudoomiyanimada iyo kii duqa magaalada muqdisho kaga xayuubiyay Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere).



Hadaba hadii aan mid mid falaqeyn ugusameyno waxaa mucjiso iyo waxlalayaabo kunaqatay dadki reer Banaadir iyo dhamaan soomaalidii indhaha kuheysay siyaasada soomaaliya in taba go aankii koobaad ee Ra`isal wasaaraha, sababtuna waxa eytahay sharciyeynta kooxdaas Ra`isal wsaaruhu wax uu ku bedeshay majirin, xataa in ey aqoonsadaan amaba ey dhahaan waamahadsanyahayna ha ahaatee.



Oo hadaba su`aashu waxa eytahay maxey aheyd ujeedada uu kalahaay Ra`isal wasaaruhu arintaas? Su`aashaan ayada ah waxa aan ubandhigayaa akhristayaashakale.



Wareegtadaan 2aad ee maanta uu soosaaray Ra`isalwasaaruhu ma aheyn mid lalayaabo maadaama uu horay ugu dhawaaqay Axmed Cabdisalaan oo wasiir ka ah dowlada islamarkaasna aan wada ognahay in uu kamid yahay kooxdaan suuqa bakaaraha loo sharciyeeyey in ey xukumaan.



Hadaba qodbka 2aad hadii aan falaqeyn ku sameyno magaalada muqdisho waxaa jooga ciidamadii Itoobiya, Ugaanda , Burundi, maleeshiyadii Cabdulaahi Yuusuf,maleeshiyadii Darwiish, iyo taliyihii boliiska soomaaliyeed Cabdiqeybdiid, iyo ugu dambeyntii kooxdii hoobiyayaasha ku garaaceen Ra`isalwasaaraha nafsadiisa, intaasoo koo xood oo aan kur kusoosheegay midna kama amarqaadsneynin Maxamed Dheere.



Hadaba su`aashu waxa eytahay yey aheyd Ra`isal wasaaruhu in uu xilka kaqaado? Wasiirka gaashaan dhiga, Darwiish, Cabdiqeybdiid, taliyaha iidamada Itoobiya, taliyayaash ciidamada Burundi, Ugaandh, taliyaha kooxta suuqabakaaraha Axmad Cadisalaan mise Maxamed dheere oo minashiibiyada xukumo? Hadaba su`aalahaanoo dhan waxaan u dey doonaa akhristayaasha kale.





Gabogabadiina Yuusuf Garaadka laanta afka soomaaliga ee BBCdana waxa aamusiyay oo xukuumada Nuurcade uu maqsuudka uga noqday ayadoo aan ognahay wixi cabaad iyo qeyladhaan afkiisa kasocon jiray xukuumadii Cali Maxamed Geedi, mar hadii Itoobiyaankii sidi u joogo Cabdulaahi Yuusufna googo waa su`aal kale ayadana waxaan udeyn doonaa akhrista yaash.

RIYADII A C/SALAAN MA RUNBAA.!!

Marabo in aan ka hor dhaco waxa waqtigaan ka socodo wadanka Somaliya
laakin waxaa layiri ruxaan lasocon waxii la soo maray magarto marxaladda
waqigaan midaa waxaan ula jedaa midka donaya waxa lawada ogyahay in
maanta shacabka dib loogu soo celiyo oo ah dano QABIIL waan ognahay
qabiil in qaran uu noqon karin hadii qabiil wax lagu noqon karo 17 sano ayaa
wax lagu noqon lahaa waxase nasiib daro ah kuwa wali wax ku radinaya

Waxaan lawada soconaa oo ruux kasta ogyahay in waqti aan fogeeyn
Ahmed C/salaan iyo Qabiilka uu ka dhashay iyagoo ku socdo magac qabiil
in Itobiyo u tageen in Ahmed C/salaan R/wasaare laga dhigo laakin midaas
laguma guleysan waxaa lagu yir Somaliya 4/5 ayay wax ku qeybsatay ee
dad kiina dhica ka raaca waxii markaa ka danbeyay waxaa la filayay in
Ahmed uu dhaamo moryaanta wayoo wuxuu mudo ku noolay qurbaha
laakin nasiib daro waxaa kaliya uu soo bartay sida garabatiga loo xirto
midaana waa dhaqanka lagu yaqaano waraabaha wayoo waxaa layiri
Waraabaha wuu dhagor door soomaa laakin madabecad doorsoomo

Ahmed waxaan leyahay intaad baraneysay xirashada garabaatiga waxaa
shacbiga Somaliyeed inta badan bartay dhibatada uu qabiilka leyahay
waxase nasiib xumo ah in wali uu jiro qaar riyadaada run mooday oo
wali garan waxa maantay geedaha hoostoda gaajo lajiifa in uu qabiil yahay
waxa ka soo bara kiciyay guryahoodii walina u sacab tumaya qabiilkii

Ahmed C/salaan riyadiisa waxey la mid tahay qisadaan oo ah
Nin ayaa safar ku yimid magaalo uu dad ka aqoon waxaa uu arkay Nin
Magaalada dagen wuxuu ku yiri waxaan ahay musafur ee walaalow
caawa i marti gali sida dhaqanka Somaalida lagu yaqaanay wuu ka
aqbalay oo gurigisa ayuu ku marti sooray meel uu seexdo ayuu u
diyaarshay is wareysi ka did waa la seexday waxaa riyooday Ninkii martida
ahaay wuxuu ku riyooday asagoo dahab farabaden helay oo sariirta uu ku
jiifo barkinteda gashaday isgoo riyadii wali ku jira ayaa waagi baryay waxaa
ka soo toosay Ninkii martida loo ahaay wuxuu is yiri bal u sii diyaari martida

quraac isagoo wali ku guda jira hoowshii ayaa waxaa soo toosay Ninkii martida
ahaay islamakuu soo fadhiistay waxaa uu kor u qaaday barkinta uu dahabka
xalay gashaday wax ayuu ka wayay waxaa uu firiyay meshii uu jiifay Ninkii uu
u soo martiyay markuu wayay ayuu isyiri waxaa dahabkii labaxsaday Ninkii
isagoo feero qaawan ayuu bakoorad uu watay la soo booday gortuu ilinka ka
soo baxay ayuu arkay Ninkii oo daashka dhax taagan waxuu kula soo booday
bakoortii markuu mid ku dhuftay ayuu tii labaad iska qabtay wayoo Ninka loo
soo martiyay aad ayuu u xoog weynaa kadib ushii ayuu ka qaday oo isagii
dhulka dhigay oo ceego ku haayo ayaa diriskii qeylada ku soo baxay la kulmeen
ruux dhulka jiifo iyo mid ceego ku dhagan kadib markii laga qabtay nasiib daro
waa uu miir door soomay Ninkii soo martiyay wayoo cegadii ayaa wax u dhintay

waxaase la wareestay Ninkii loo soo martiyay wuxuu sheegay sida wax u jiraan
waxaana uu hadalkii ku bolaabay Anigoo ka imid Masjidka saladii MAQRIB ku
soo dukaday ayaa jidka iiga horyimid Ninkaan oo igu yiri waxaan ahay musaafur
ee caawa walaalow i marti gali sidaas ayaa guriga ku wada nimid raashin ayaan
wada cunay kadib waan sexanay goortaan soo toosay ayaa waxaa ku dhaqaaqay
inaan quraacdii u sii diyaariyo anigoo shaqadii ku guda jira waxaan arkay Ninkaan
marti sooray oo feero qaawan oo baakoorad madaxa iiga dhufay waana iska qabtay
waadna u jeedaan dhawaca uu ii geestay mid ka mid ah dhagestayashii ayaa yiri
ma ruxaad soo dhaweysay adigoon waxba u geysan ayaa ku dilaya waa cajiib

Mudo yar kadib markii biyo wajiga laga mariyay ayuu soo toosay Ninkii soo martiyay
waxaa la su,aalay sidey waxa u jiraan wuxuu yiri waxaan ka imid dhul dheer markaan
gabal dhicii magaalada imid ayaan Ninkaan iga horyimid waxaan ku iri walaalow musafur
ayaan ahay ee caawa imarti gali sidaas ayaan halkan ku imid kadib subaxii markaan soo
toosay ayaan waxaan wayay dahab barkinta hoosteda iigu jiray dahabkiina isagaa iga
qaatay wayoo cid nalama joogin ee hadaad nabad iga rabtaan Ninka xoolaheyga iiga
qaada waa layaabay mid ka mida dhagesta yashii ayaa ku yiri war Ninka hadaad marti
galisay dahabkiisa maxaad uga qadatay waxaa asgoo aad iyo aad u yaaban Ninkii loo

soo martiyay la soo booday wax dahaba uu watay ninkaan ma. arag ee ha udhaarto
in dahab aan ka dhacay waxaa hadalkii qaatay nin diris la. ah midka loo soo martiyay
oo aad u yaqaano ayaa yiri aniga mafilaayo in ruux u soo martiyay uu dahab ka dhacaaya
laakin sida uu sheegay waa in uu dhaartaa waxaa la su.aalay Ninkii soo martiyay madigaa
dharaneysid ama asagaa dhaarta Ninkii soo martiyay waxuu isyri hadii layiraahdo isaga
hadhaarto waa uu dharanayaa ileen mesha dahab majiree adiga dhaaro wuxuu go,aansaday
in uu dharto waxaa la keenay kitaab quraan ah waxa layiri gacanta midigta saar ee dhaaro
sigoo qoslaayo ayuu gacanta midig dul dhigay ayaa nin oday ah oo ka soo shaqeyay gobolada
in tooda badan oo dhaqanadooda aad u yaqaano ayaa yiri war Ninka haduu ka yimid gobol
heblaayo wuxuu leyahay dhaar u gaara waa layaabay oo waxaa layiri waa maxaay odayga
oo ah askari hore oo aad u yaqaana Ninkaan gobolkuu ka yimid sida looga dharto ayaa yiri

waxa yar isuga dadkii ayaa is weydiyay odayga muxuu Ninka ku dhaari doonaa kadib
Ninkii ayuu ku yiri waxaad ku dhaarataa makugu QODHAA IYO XERADAA in Ninkaan uu
kaa qaatay dahab aad adigu ledahay Ninkii ayaa ku jawaabay waxaan filayay in dhaartu
tahay kutub laakin midaan waan aqaan oo rag farabadan ayaa horay ugu dhaartay oo
dhibaato aad iyo aad u badan ka raacday sidaas ayuuna dhaartii ku diiday muran iyo
dood dheer ka dib waxey dantu ku laiftay in uu ruta sheego oo uu yiraahdo DAHABKA
RIYO AYAAN KU HELAY dhamaan dadkii goobta joogay waxey hambalyo iyo bagaadin aad u badan u direen ODAYGII dhariyay wayoo haduu kutub dhaartu ay noqon laheydwaxaa shaki ku jirin in uu ku dhaaran lahaa markaasna waxaa dhici lahaa in ruuxa loo soo martiyay in gurigiisa la siin lahaa Ninka ku dhaartay in dahab laga dhacay
Qisadaan ama sheekadaan waxey la mid tahay mida dhax taal Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamed Cumar (M/dheere iyo Ahmed C/salaan waxaan rajenayaa in arinku ku dhamaado Ninkii dhaarta ka dib yiri RIYO AYAAN KU HELAY.
ugu dan beestii riyada Ahmed C/salaan Marumoobi doontaa

QORE
Abdinur M Nur

TAAGEERO IYO BOOGAADIN KU SOCOTO GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR

KU: GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR MAXAMED CUMAR XABEEB"MAXAMED DHEERE".

WAXAAN AMAAN IYO BOOGAADIN HALKAAN UGU SOO JEEDINAYNAA ,GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR MAXAMED CUMAR XABEEB "MAXAMED DHEERE", ANAGOO KU AMAANEYNO HOWSHA ADAG OO UU QABTAY GOBOLKA BANAADIR IYO SOOMAALIDA KU ABTIRSATO GOBOLKAASI, XILLI ADAG OO QARANKA GUUD AHAANTIIS IYO GAAR AHAAN CAASIMADA MUQDISHO AY KA JIRAAN DHIBAATOOYIN BAAXSAN.
MAXAMED DHEERE WAAD MAHADSANTAHAY WALAAL WAXAANU KU LEENAHAY AJIR IYO XASANAADNA ILAHEY HA KAA SIIYO INTA AAD NOO QABATAY.
QURUXDA IYO HANAAKA,HABSAMIDA IYO WANAAGGA,KARTIDA IYO GEESINIMADA IYO FIRFICOONIDA OO KU MEEL MARIYAY WAAJIBAADKA KA SAARNAA UMMADIISA IYO GOBOLKIISA, SHARAFTA IYO QURUXDA OO U MAAMULAY GOBOLKIISA.
MAR LABAAD MAHADSANID MAXAMED CUMAR XABEEB.

WAXAA MAANTA NASIIB DARRO IYO SHARAF DARRO INOO AH HADII AYNU NAHAY BEELWEYNTA MUDULLOD IN AFAR WASIIR "KU SHEEG"AH OO JAAHIL AH OO AAN GARANEYNIN FASIRAADA AXDIGA KU MEEL GAARKA AH AMA AY YIHIIN KUWOO ANALFABET AH OO NUUR CADDE KA SOO ARUURSADAY SLAMS YADA KU YAALA MAGAALOOYINKA REER GALBEEDKA IN AY ISKU DAYAAN WAX AYNAN AWOODI KARIN
WAA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD,BEESHA ANAN DAQNANIN.
WAA NASIIB DARRO IN SHAQSIYAADKAAS AAN WAXBA AHAYN IN AY KUFIKIRAAN XILKAQAADISTA GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYAGO KA BADIN WAAYAY HOTEEL JIIF, AF LEERSHI IYO FADHI KU DIRIR INTA AY U ISTAAGI LAHAAYEEN GUDASHADA WAAJIBAADKA LOO XILSAARAY.
ARAG SIDA AY UGA DHAGA ADKEYNAYAAN IN AY SOO HOR'ISTAAGAAN GOLAHA SHACBIGA SI LOOLA XISAABTAMO.
OO MAXAA LALA XISAABTAMAA WAA ANALFABEETI LASOO ARUURIYAY.
WAA NASIIB DARRO IN NIN RA'IISULWASAARE HADDANA AY ISKU BEEL YIHIIN GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO U HORSEEDO IN UU GOWRACO WALAALKIIS WAA NASIIB DARRO KUSOO SAAIDAY BEESHA MUDULLOD,BEESHA ANAN DAQNANIN.
WAA SIYAASAD XUMO IN RA'ISULWASAARAHA UUSAN KA FIIRSANIN ARINTA UU KU DHAQAAQAY.WAA NIN ANAN U BISLEEN SIYAASAD.
WAA NASIIB DARRO IN UUSAN WELI FAFMIN QIYAAMADA UU DAMACSANYAHAY MASKA UU GUNTIGA GASHTAY.WAA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD.

WALAALAYAL MUDULLOD, DHIBAATADA,GARDARRADA IYO WUXUUSHNIMADA 18KA SANO LALA DULSAARANYAHAY DADKA AAN KA DHALANAY IYO GOBOLLADA AAN U DHALANAY ANNAGA AYAA U SABAB AH,ANAGA AYAAN WILI GARAN WAXA INOO DAN AH IYO WAXA INOO WANAAGSAN,ANAGA AYAA WELI GARAN IN MAANTA IYO SHEALAY INOO LA DIIDSANYAHAY NOLOL,INOO LA DIIDSANYAHAY IN CARUURTEENA AY HELAAN NOLOL, CAAFIMAAD, WAXBARASHO, IN DUMERKEYNA IYO HOOYOOYINKEENA AY NOLOL QURAX AY KU NOOLAADAAN IN AAN KA TALINO GOBOLLADA AAN KA SOO JEEDNO.
INTA AAN ANAGA IS XAG XAGANEYNO,INTA AAN WAX ISKU DIIDEYNO, INTA AAN CADAWTINIMO ISKU MUUJINEYNO,INTA AAN ISKALA QAYBINEYNO WALEE MEEL MA GAARNO.WAANA NASIIB DARRO HAYSATO BEESHA MUDULLOD.
NUUR CADDE WAXAA LAGULA TALIYAY IN UU WALAALKIISA GOWRACO HASE YEESHEE ASAA LA GOWRACAY, WAA SIYAASAD OO LAGAA BADYAY.

AABIHII DAWLADDAAN A/LAHI YUSUF OO DAAQADDA LAGA TUURAY, IYO DEEGAANADA MUDULOOD OO DADKA LAGA DHEXEYN-SIIN RABO (Ra'yi)

Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas waxaa mar qura wada yiri dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka Mudulood ee Banadir ahayna Duqa Magaalada Abgaal Town ee Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere) Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu Aabe ugu yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ah:

1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo buuxin kara xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant position) kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel gaarka ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof. Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed u sinneey.



2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiray Jowhar, markaasay reer Jowhar ku soo dhoweeyeen Dwaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee? Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran, guux hoosaad sheegaaya in loo danlee yahay deegaanadda Mudulood oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee gobalka Mudulood ee Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North America) oo ahaay " deegan-keyga lihi, deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha. Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha in uuka digtoonaado qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo Gabdhaha Soomaaliyeed.

Taladii Axmed Cabdi Salaan iyo Sheekh Yuusuf Garaad oo Nuur Cadde ku hogaamisay Ceeb iyo Fashil siyaasadeed. {Faallo}.

Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Hadii uu jiro guri Ceebeed, waa kan uu hada Nuur cadde dhexda kasoo istaagay si uu uga baxana aanu garanaynin, maadaama isagoo og cida iska leh sharci ahaan in ay masuuliyiinta sar sre ee qaranka xilalka ka qaado uu isaga dhaqaaqay fulinta wax uu usoo yeeriyay Axmed Cabdi Salaan oo dhawaanahanba ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in uu Jeeb dambeedka ku ritay Nuur Cadde xaga siyaasada marka la eego.

Talooyinkii guracnaa ee Ina Cabdi Salaan iyo Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad waa kuwaa iminka Odaygan Nuur Cadde ah ku hogaamiyay ceebta iyo fashilka siyaasadeed.

Macnaha fashil siyaasadeed waxaa laga yabaa in dad badani aanay u fahmin sida uu yahay,laakin hadii aan sharaxaad ka bixiyo fashil siyaasadeed waxa uu yahay macnaha oo koobani waxaa uu noqonayaa “Siyaasiga wadadii uu maraba ay horay iyo gadaalba iska soo xirto oo meel uu kadib u ciirsadana garan waaya”.

Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu todobaadkan sheegay in uu xil ka qaadis sameeyay,laakin ceebta ugu daran ee heysataahi waxaa ay tahay talaabadii uu qaaday oo aan meel mar noqoneyn maadaama ay u baahan tahay in madaxweynaha qaranku saxiixo,iyadoo madaxweynuhuna uusan hada u diyaar ahayn in uu Nuur cade qaladkiisii ku taageero.

Sidaa daraadeed macnuhu waxaa uu noqonayaa in Halyey Maxmed dheere uu wali yahay maamulaha gobalka Mudulood ee Banaadir ee sharciga ah tan iyo inta laga helayo wareegto madaxweyne.

Waxyaabo fara badn oo is fasiraya ayaa halkaa ka muuqanaya waxaana ka mida iyadoo Axmed cabdi salaan uu laba bilood ka hor sheegay in Maxamed Dheere xilka laga qaadayo.

Tan kale waxaa ay tahay Idaacada Axmed Cabdi salaan ee Horn Afrik oo sheegtay in maxamed Dheere xilka laga qaadi doono xitaa ka hor intii aanay wareegtadu ka soo bixin ra’isul wasaaraha,iyadoo Cabdi Goob doon iyo qarandiid Yuusuf Garadna ay wax aan dhameystirneyn ula soo deg degeen saxaafada.

Waxyaabahaasi oo dhami waxaa ay muujinayaan in ay howshani tahay dhamanteedba howl uu qabtay Axmed Cabdi salaan oo in badan usoo joogay lugoysmada iyo hagar daameynta dowladda federalka Soomaaliya xiliyadii ay daganayd magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu talaabada nuur Cade u arko qalad weyn, islamarkaana uuba garan la’yahay halka uu odaygu wax uwado.

Qaladaadka waaweyn ee Nuur Cade uu galay waxaa ka mida in iyadoo uu madaxweynaha Qranaku joogo magaalada Abgaal Town ee Muqdisho uu qaado talaabo usan madaxweynuhu waxba ka ogayn,oo halkii isaga looga qaadan lahaa taalada ugu dambeysana uu ka weecday kana shidaal qaatay Axmed Cabdi Salaan.

Waxaa qalad kale ah in madaxwynaha qaranku wax uusan ogayn uu mar qura idaacadaha ka maqlo,taa macneheedu waxaa uu noqonayaa in xitaa loo gafay hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed oo hada ah ninka dalka ugu sareeya,xaqna u leh sida sharcigu qabo in uu masuliyiinta sarsare xilalka ka qaado shaqadisii la farageliyay isagoo aan waxna lala socodsiin.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaanu ka ogaanay in uu hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed ku gacan seyray shaqo ka joojinta Halyey Maxamed Dheere.

Dood: Xilka Masuulinta Sare ee DKMG ah Yaa ka xayuubin kara?

Ummad waliba waxay leedahay shuruuc iyo qowaaniin ay degsato ka horinta aysan dhisin maamuladeeda. DMKG ah waxay leedahay oo u degsanxeer KMG ah, kaas oo qeexaya awoodaha, waajibaadka iyo ciqaabaha xillagu waayi karo ama lagu heli karo.

Haddaba sida ku qoran xeerka federaaliga ee KMG ah (Transitional Federal Charter) wuxuu qeexayaa sida hoos ku qoran.

Dooddan ayaa jawaab u ah waresyi u shalay siiyey idaacadda VOA Mr. Abdi Hagi Goobdoon uuna kaga hadlayey – Xil ka qaadis Gudoomiyaha Gobolka Mudulood ee banadir ahna Duqa Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho Mudane Mohamed Omar Mohamed (M.Dheere).

Sida uu qeexayo Qodobka 44aad ee xeerka kmg ah (waajibaadka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya): Qodobka 44aad, lamber hoosaadka (e) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee xukuumadiisa iyo Madaxda Haya'daha dowladda kolkuumarkii ay soo jeediyaan golaha wasiirada.

Qodobka 44aad, lamber hoosaadka (f), Madaxweynuhu wuxuu magacaabidoonaa Jagooyinka Danjirayaasha, Diplomaasiyiinta, Qunsuliyadaha,Maamulada Gobolada (Gudommiyayaasha) – akhris kolkii ay soo jeediyaan golaha wasiirada iyo wasaaradaha sida gaarka ah ay u hoos tagayaan,sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xil ka qaadis ku sameynayaa kolkii ay soo jeediyaan Golaha wasiirada, ama wasaaradda ay hoos tagaan xilalkaasi.

Hadaba sida ku cad, qodobka 44aad ee xeerka DKMG ah, Raysal Wasaare Nuur Adde iyo Golaha Wasiiradu xil kama qaadi karaan, isla markaasna uma magacaabi karaan. Awooduudu waa soo jeedin qudh ah. Ugu dambeyn, Mudane Goobdoon waxaa ku haboon inuu akhristo xeerka DKMGah, isla markaasna iska ilaaliyo inuu fidiyo, baahiyo, ka tarjumo doodaan ku salaysnayn xeerka KMG ah.

Dr Abdullahi Hashime-m: drahashim@gmail.com

Madaxtinimada Gobolka Banaadir ayaa waxa garba duub uga jira Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta kana soo jeeda Gobolka Galgaduud.


Madaxtinimada Gobolka Mudulood ee Banaadir ayaa waxa garba duub uga jira Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta kana soo jeeda guriceel isagoo wata Maxamuud Cumar Tootow iyadoo la shegayo inuu kasoo duulay dalka Mareykanka isagoo haatana kusugan dalka Imaaraadka Carabta magaalada Dubai isagoo halkaasi kusugaya diyaaradii u qaadi lahayd dalka Somalia oo uu uga yeeray wasiirka .

Tootow ayaa waxa u yeeray Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportiga Mr. Axmed Cabdisalaam oo ay isku heeb yihiin .(Cayr)

Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Sportiga ayaan wax hawl ah ka qaban labada Wasaaradood ee uu madaxda ka yahay, wuxuuna ku mashquulsan yahay aargudasho isaga iyo idacadiisa Horn Afrik oo sannadkii tagay laga helay hub tiro badan, taasoo caradii uu ka qaaday dalka uga cararay dibna ugu soo laabtay markii Wasiirka laga dhigay iyadoo taasina usoo maray dadaal aad u dheer siduu wasiir ama ra'iisul Wasaare u noqon lahaa islamarkaana uga aarsan lahaa madaxdii ka danbaysay baaritaanka Idaacadiisa.

Axmed Cabdisalaam ayaa Idaacadiisa qeyb weyn ka qaatay bur burkii dalka iyo dagaladii kadhici jiray somaaliya maanta waa idacada ka been abuurta dowlada kana mid ah idacadaha dagaalka uga jira sidii loo bur burin lahaa dowlada federaalka kuwasoo ka been abuurta cidamada dowlada kuna sifeeya inay´Burcad yihiin markasta diyaarisa ceeb ku wajahan dowladda .


Wasiirka Warfaafinta iyo Cabdiqaasim oo cadaawad xun u qabay Maxamed Dheere iyo dadka degaanka u dhashay (Mudulood)ayaa marwalba ka sheqeeya sidii ay u babi'in lahayeen , Cabdiqaasim ayaa horey gobolka u dhiibay nin beeshiisa ah.

Maxamed Dheere oo saxaafada la hadlayay ayaa ka naxshay Yusuf Garad kasoo uu uga naxshay jawaabtii dib lomasiyeed uu siyay tasoo uusan Yusuf uusan ka fileen uuna ka dhumay waraysagii isagoo Yusuf uu ka naxay markii uu yiri waan ku qanacsanahay soo jeedinta Ra'iisul Wasaaraha waana soo dhaweynayaa diyaarna ayaan u ahay, sidoo kale uu sii raciayay maanta waxaan ku farxsanahay in maanta uu dalka leeyahay dowlad nina xilka laga qadayo nina xilka loo dhiibayo hadii xilka layga qaado loona dhiibo walaalkay waan soo dhaweynayaa gacmahaan is qabsanaynaa sidii uu samayeeyay Gudoomiyhii hore mudane Cade Xasan Gabow oo kale ayan samaynaynaa.

Hadalkaas ayaa waxaa soo dhaweyay Jaaliyadaha Mudulood ee ku kala nool dalalka dibadiisa iyagoo bilaabay inay kulamo ka yeeshaan isbadalka Gobolka Mudulood ee Banaadir oo xiriir nala soo sameeyey iyagoo Ra'iisul Wasaare Nuur Cade ku wargalinayaan in beelaha Mudulood aysan raali ka noqon una cuntami karin in xilkaasi qabiil kale lagu wareejiyo taasoo wiiqi karta hanaanka 4.5 ee uu ku dhisantahay dowladda federaalka inuu xilka Gudoomiyaha Gobolka Mudulood ee Banaadir u dhiibo beel aanan deegaanka degaan ku lahayn.