Monday, July 21, 2008

Maxkamadaha islaamiga oo caawa Bandow ku soo rogay Magaalada Abgaal town ee Jowhar

Saraakiisha Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku heysa Magaalada Abgaal town ee Jowhar ayaa caawa bandow ku soo rogay Magaalada Abgaal town ee Jowhar ee xarunta Gobolka Mudulood ee Shabellaha Dhexe.



Sarkaal lagu magacaabo Sheekh Aadan Xeefow oo Madax u ah Ciidamada Maxkamadaha ee ku sugan Gobolka Mudulood ee Sh/Dhexe ayaa sheegay in Bandowga uu bilaaban doono 9-ka fiidnimo ee caawa uuna ku ek yahay 10-ka subaxnimo ee salaada subaxa sida uu yiri.



Wuxuu Sheekhan ku macneeyay sababaha ay bandowga ugu soo rogeen Magaalada oo aanay jirin cid ka hortimaada ayaa wuxuu sheegay in ay arkeen Kooxo isu ekeysiiyay Ciidamadooda oo aanay kala garaneyn hadii ay ka tirsan yihiin, kuwaasoo Magaalada dhex wareega sida uu yiri.



Bandowga lagu soo rogay Magaalada Abgaal town ee Jowhar ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay Ciidamo ka tirsan maxkamadaha oo Indhacade ka amar qaata ay rasaas ku fureen dad mucaawino loogu qeybinayay Tuulada Jowhar soomaali ay ku dhinteen labo ruux oo mid ay aheyd Dumar iyo labo kale oo dhaawacmay.

No comments: