Saturday, August 9, 2008

Daarood (Jabarti+Faqash)VS Isaaq+IIdoor(somalidiid)

gabaygaan waxaa tiriyay nin daarood ah oo fakad la yiraahdo asagoo u jawaabaya in isaaq ah oo soo caytamay waa qabay qabyaaladeysan oo ninkaas qabyaalada lafaha ka qashay hadaba aqrisToow ilaa heerkee ayaad aaminsantahay MUDULOODNIMO ?waligaa school,jaamacad ma u dhistay ubadkaaga MUDULOOD ?,MUDULOOD daraadiis dagaal ma u gashay?,lacag waligaa maku taageertay difaaca MUDULOOD IYO DEGAANKIISA(XAMAR,SHABALADA HOOSE,SHABELADA DHEXE,MAREEG IYO QEYBTA UJEEJEENKA(XAFIDAHUMALLAH) KA DAGAN YAHAY HIIRAN)? WALIGAA MAKA SHAQEYSAY MIDNIMADA MUQADASKA AH EE MUDULOOD ADIGOO U TANAASULAYA WALAALKA AAD ISKU DHIIGA TIHIIN EE MUDULOOD? IYO ugu danbeyntii af Qura ma ku difaacday MUDULOOD(XAFIDAHUALAH)?
aqriso gabaygaan kadibna BAL isweydii adiga suaalah.
fadlan fikirkaaga ka dhiibo qeybta afkaaraha(comments).

Waayadan daliilkii wagliyo, daayey gabaygiiye
Kolba aniga oo diidanbaa, duul i kiciyaaye
Dibnahayga goortaan xidhay, damalo oogaane
Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa, mu’min daacad ahe
Abidkay dagaal waxaygu odhan, deris ma ceebayne
Degenaansho waw leenahiyo dul iyo iimaane
Hayeeshee dakanadayda, waan daba galaayaaye

Maantana war bay soo direen, Doxorkii Iidoore
Doc-ka-yeedhka hadalkoodii baa, soo dabayshadaye
Iyagoon dalkaba jooginbay, doonayaan libine
Dulligaa Isaaq waxaa ka dhigay, dawlad caasiga e
Intay gaalo dabaroorayeen, madhay dadkoodiiye
Dibba wax uma sii fiiriyaan, duulka waalaniye
Waa niman daroogiyo khamrigu, diiqad galiyeene
Waa niman dareenkii ka lumay oon, dawo lahayne
Waxa Dheeg daluumaha ka riday, waa damiinimo e
Malaha wuu deyeysnaa markuu, duubay heesaha e
Dawarsiga shisheeyaha kaliyo, Doolarkaa hodaye
Doqon dharagtay waa lagu yaqaan, daaca qudhunkaase
Dooliga firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
Ood dalaq ku odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
Intii aan dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta

Kolba dawdar waalani af-xumo, hayska diixsado e
Dacaayadaha ha u faafiyeen, dunida qaarkeede
Daba-dhilifka Ruush iyo Amxaar, ha u durbaan tumo e
Duulkooda soo hadhay safraha, hayska didiyeene
Dariiqyada intay joogsadaan, duurka iyo hawdka
Danbiil naagi ay sidato…………………………….
Dooliga firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
Ood dalaq ku odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
Intii aan dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta

Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay
Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay
Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin
Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

War Dir haddii aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene
Dab qaraabo idinkoon ahayn, haysku soo darine
Anigaaba kaa diir xigoon, duray wadaagnaaye
Doonbiro dirkii ay dhashayoo, duuban baa nahaye
Dad is raba inaad kala dishaan, waa habeen dumaye
Adunbaase dorraad nagu lahaa, duul kalana ahaye
Durriyadaydun noo sheegateen, diide maanatan e
Doolaaladii iyo Shariif, duubte Caliyow e
Labadaada daan iyo ilkuhu way, si durayaane
Ha dafirin duqii iidin dhaliyo, dihashadii hooyo
Inaan doorsimaad noogu timid, waa dariiq runahe
Dacaloon………., maanta waa kama dambaystiiye

Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay
Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay
Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin
Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

Dirridii Libaax Qawdhan iyo, dirirtii Buuhoodle
Haddii aan dagaaladii ka dhacay, dib uga faaloodo
Darandoori moogada tanaa, ooga sii darane
Dunta Habar Jecliyo Ciidagale, dacatigii gaadhay
Daan Dhagax dabaabadaha maray, dooxa kala jiidhay
Sacad Muusihii doobyi jiray, diiqadiyo yuuska
Dumayeeyda naagaha hayiyo, dumarka ooyaaya
Hablahiina ay dixan ilmadu, dililiqlaynayso
Haddii aan raggoodii la dilin, damac ma ooyeene
Asaydii u diidiyo inaa, duubcad loo xidho e
Lafta daadsan duumaha ka badan, duurka iyo geedka
Maydkaa dafuufiyo bakhtiga, dogob sidii yaala
Dacuun miyaa galay haddaan, diiradluhu leefin
Mise waad ku digan reerahaan, daniba kaa haynin

Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay
Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay
Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin
Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

War dalkaad sheegan dooxyaha Nugaal, dagalka Laascaano
Dusha Caynabaad iyo Burciyo, dixida Gaaroodi
Daaraha Taleex iyo Sanaag, darafka Boosaaso
Dogob iyo degmada Cabudqaaw, Doollo iyo Caado
Dusha Mudug Danood iyo Wardheer, Daaqatiyo Faafan
Dildilaaca Jarareed halkay, dabac ka foofaysay
Dirri Sheekh Xuseen Baali iyo, Diilimahaa Adari
Qabri Dahare daantaa Godey, dahabka Mooyaale
Dadabtaa Wajeer NFD, Koonfur dabadeeda
Dalsankii Kismaayo iyo Luuq, dawlad badanleyda
Durdurada Shabeele iyo Gebi, tan iyo Daalooti
Intaasuu tolkay daadsan yahay, kuna dakeeyaaye
Magaca aad sheegi waa, dawlad xoog badane
War Darood ku fuul kaama dago, daayin abidkaaye
Intaad dunida nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane
Dacay adag waxaan kuugu xidhay, daalinbaad tahaye
Haddaan dabarka kaa furi lahayn, amaanu kaa dayno
Duunyadii waraabuhu cuniyo, daayacbaad noqone
Dalanbaabiyahow meel xunbaad, dalaq tidhaahdaane
Nin Amxaaro Daafida u karin, amase Doofaarka
Dabeecuu u leeyahay Isaaq, gaalo daba jooge
Dilaal iyo hunguri waa wixii, dilay awowgoode
Dalkay gadan lahaayeen haddan, laga deyrayne
Bal inaan danbaabiyo inaan, run idin deeqsiiyey
Darwiishkiiba waa kii lahaa, duulku waa nacabe
Aniguna dugaag inay yihiin, waan kasoo digaye
Diiwaanka waxa loogu dhigay, Dabacayuun eega

Dalkoo nabad ah Soomaali oo, ul iyo diirkeed ah
Dab intay ku oogaan qabiil, way ku dumiyaane
Dululaati baw muuqda iyo, duuli lays wado
Bal dab aabahood la naar gali, Dabacayuun eega

Daqsi malagii galay baa ku dhaca, daamur iyo beyle
Dabka Baalalay waxa ku riday, waa diciifnimo e
Waa dawgal Iidoor wuxuu, noo damaaciyeye
Bal dab aabahood naar la gali, Dabacayuun eega

Afartaa daleeyeye, waa dooda gabaygee
Dacwad kalana maansada, bal aan idin durduuree
War Daarood Ismaaciil, waa dawlad xoog lehe
War Daarood Ismaaciil waa, deyrka qarankee
War Daarood Ismaaciil, calankaa dugsanayee
War Daarood Ismaaciil, daba-dhilif ma raacee
War Daarood Ismaaciil, duli yeeli maayee

War Daarood Ismaaciil, dad ma kala xigtaystee
War Daarood Ismaaciil, ma danaysto kaligiiye
War Daarood Ismaaciil, geesi daadaheeyiyo
War Daarood Ismaaciil, diric kama dhamaadee
Daarood Ismaaciil, adunbaa ka dudayee
Daarood Ismaaciil, dariiqooda soo raac
Haddii kale dameeryahow, dulligaa ku noolow .

gabagabo somali way is diidaye Mudulood ha noolaado cadawgiisana ha jabo.

No comments: