Thursday, August 7, 2008

Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Balaayo Hor Lihi Idinku Habsanin




Runtii garan mayno kalmado aanu ku cabbiri karno calool xumada iyo ciilka maanta naga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo murugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.
Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa?

War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane.

Waxaan idin leeyahay;
Damiir laawaha dagaal uun u taaganow
Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow
Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow
Miinada u duuga ee hooyadiis dilow
Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay
Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad.

Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin oo argagaxisada meel halooga soo wada jeesto. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen

No comments: