Thursday, August 7, 2008

Maxaa Nala Gudboon Haddaanu Nahay Mudulood?




Asalaam calaykum,Walayaal,Sida aanu Wada ogsoon nahay

Mudulood Maanta Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna,

Waayo Xilligaan Waxaanu Taagannahay Marxaladdii Ugu Xumeyd

Ee abid soo marta Taariikhda Beesha Mudulood.

Waxaanu Nahay Dadka Degaankooda(Xamar) Lagu Xasuuqayo Maatadoodii Walina La Rabo in La Sii Dhameystiro Intii Ka Badbaaday Gumaadkii Ay Geesteen Ciidamada Tigree Iyo Maleeshiyaadka ka Amarqaata Odayga Qabyaalada Ku Tisbiixsada

Ee Cabdilaahi Yusuf Ahmed.

Warar Hoose oo Aanu Helnay Ayaa Sheegaya In Cabdilaahi Booqashadii Uu Ku Tagay Garowe Lagu Soo Amray in uu Mudulood

Kala Qeybiyo Si ay Dhexdooda Iskugu Mashquulaan oo ay Markaas

Fududaato In si Sahlan Loo Maamulo Ayaga Iyo Degaankooda Taasoo Ku Saleysan Siyaasadii Ahey(Divid and Rule Policy) ama (Qeybi oo Xukun) Waxaase Wax Laga Murugooda ah In aan Fahmi la`nahay Siyaasada Reer Muduga ee Ku salaysan Qabyaalada Qaawan iyo Aargoosiga Qabiil.

Walalayaal,Arinta Ku saabsan In Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Xilka Laga Qaado Iyo In Kale Yaaney Noqon Mid Khilaaf Keenta Balse Ha Noqoto Mid aan Ka Qaadano Mowfiq Mideysan oo Hal ah,Ee aanu Niraahdo Waliba Si Cod Dheer ah oo aan Ganbasho Laheyn “Mudane Raysulwasaare Xilka Aad Ka qaaday Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) Hadaad La Rabto Nin Kale oo Mudulood Ah Waanu soo Dhaweyn,Hadii Kale oo aad La Dooneysid Nin aanan Mudulood Aheyn Anagu Waanu Diidnay Bahdilkaas.”.



Walaalayaal,Lama Joogi Waqti Aan Dhexdeena Is Qabqabsano oo aan is Khilaafno Cadowgeenu Wuu Badanyahay Waa Inaanu Muujinaa Walibana Adkeynaa Midnimada Mudulood OO Dhab ahaantii ah Mid Muqadas ah.



Walaalayaal,Odayga Qabyaaladeysan Ee Ina Yeey Ma Doonayo In Ay Muqadisho Nabad Noqoto Taana Waxaa Daliil U ah Is Hor istaaga uu La Damacsanyahay Dadaalada Nabadoonimo ee Uu Raysalwasaare Nuur Xasan

Huseen(Nuur cadde) oo aan u Aqaano Nuur Nabadoon Ku Howlan Yahay.



Nin aan Shantaada Kaa Celin Sharci Kaama Celiyo.!



Walaalayaal,Waxaa Jirta Arin Kale oo Qof Kasta oo Mudulood ah Qalbigiisa Hurineysa Waajibna ay Tahay In Laga Hadlo taas oo ah UGAARSIGA LAGU HAYO WAXGARADKA MUDULOOD.

Waxaa Muuqata In Aanu Noqonay Dad Iska aamusan oo aan Laheyn Shucuur Iyo Dareen Dadnimo Toona.

Reer shaatibo Badne ayaa Ku Mashquulsan Har iyo Habeenba Aargudasho Qabiil oo Laga Leeyahay Ujeedo Fog oo ah in Qalqal lagu abuuro Dadka u Dhashay Beesha.

Waxaa la Dilay Dhaqaatiir,Generaalo,Nabadoono Caan ah oo Ka soo Jeeda Beesha Anaguna Waxaanu Noqonay Dad Iska Daawada.

Arintaan Wuxuushnimada ah ee Lagu ugaarsanayo waxgaradkayaga Joojinteedu waa wax iska Fudud(waa iska simple) !.Waa anagoo raacna Hal waddo oo kaliya.



WAA MAXEY WADADAAS?



Walaalayaal,Qaniinyo Qaniinyo Baa kaa Fujisa Ayey Reer Koonfurtu Ku Maahmaahaan Marka Anigoo soo koobayo Waxaan leeyahay waa AARGUDASHO, Haa walaalayaal waxaa lagu joojin Karaa Ayada oo Loo Aaro dadka nalaga Dilo.!

Waxaan Hubaa oo Xaqiiqo ah in Maalintii sida Gardarrada ah loo Tooganayahay Nabadoon Macalin Haaruun Macalin Yuusuf (Janadii eeba allaha ka waraabiyee) aan u aargudi laheen in maanta General Axmed Jilacow Caddow(Allah u naxariistee) uusan Aduunka nagu cidleyn laheyn, Dr.Dahir Maxamed Geedina Uusan Isbitaalka AMISOM Dhaawac U Jiiifin Laheyn.

Mise Qof arintaas Sameeya ayaanu La`nahay???.

Labadaan Marxuum Waxaa Loo dilay Qabyaalad Lafaha iyo Dhiiga Gashay oo aan Dawo laheyn waayo Dowlad Xil uma ayan Qaban Waligood Waxaana Loo Dilay Maadaama AY ahaayeen Mudulood.!



Fadlan Hadii aad Tahay Qof ku Abtirsada Beel-weynta Mudulod Fikirkaaga Ku aadan Arintaan Ku soo Hagaaji Adigoo Mahadsan Emailkayaga oo ah sida tan
warsan-starnimo@hotmail.com.

Wabilaahi Towfiiq

warsan-starnimo@hotmail.com

No comments: