Thursday, August 7, 2008

FAALO: Cabdullahi Yusuf oo Abgaal isku adeegsada markuu doonayo inuu mid eryo, horena Geedi loogu adeegsaday beeshiisa, haddana Nuur Cade.

Muqdishu: Wararka naga soo gaaraya magaalada caasimadda ah ayaa xaqiijiya in Ra’isalwasaare Nuur Cade isaga cararay Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ku taala wadnaha magaalada Muqdishu oo ay sheegtaan iney iska leeyihiin Beesha Mudulood, taasi oo nin Mujrim ah oo ka yimid Puntland uu ku raaxeysanayo, kii u dhashayna laga bursaday sidii looga bursaday Prof. Geedi xiligii uu Ra’isalwasaaraha ahaa.

Mooshinka Baarlamaanka la hor dhigay ee ka dhanka ah Nuur Cade ayaa loo dhiibay Dalxa oo ka soo jeedo dadka laga tira badan yahay oo amar lagu siin kari inuu fuliyo Barnaamijyada aan sahciga aheyn, iyada oo lagu eedeeyey gudoomiyaha Baarlamaanka Mr Adan madoobe inuu ka cagajiidayo fulinta howlaha looga taqalusayo, taas oo ku tusineysa daciifnimada Prof; Dalxa oo ah call Box, oo markii ay kacag ku shubtaan jufada Cabdullahi Yusuf ay isticmaalaan, markii kalena ay ka tagaan, sideese iyada oo gudoomiyihiin Baarlamaanku uu joogo uu u shaqeyn karaa ku xigeenkiisa, waa arrin la yaab leh.

Ra’isalwasaare Nuur Cade ayaa ah nin degan oo aqoon siyaasadeed iyo mid diineedba lah, doonayeyna inuu nabad waarta ka dhex dhaliyo dadkiisa muddo uu dagaal sokeeye soo hungeystay, sidaasna uu diiday in afkiisa laga helo erayga ARGAGIXISO, isaga oo Alshabaab ku sheegay iney yihiin Wiilal Soomaaliyeed oo kacdoon ah keliya.

Wuxuu ku guukeystay inuu nabad ka aslaaxiyo Suuqa Bakaaraha oo hooy u ahaa maleeshiyada jufada Cabdullahi Yusuf halka ay u soo biliqo raadsadaan, iyadoo ,maalin kasta ugu yaraan 2 qof ku dhimanireen.

Wuxuu ku guuleystay in shirkii jabuuti ee kooxda dowlada sheegata iyo kuwa mucaaradka uu heshiis cajiib ah ka dhex dhaliyo, kaasoo weli qabya ah oo lagu balansanaa in lagu soo dhameystiro dalka barakeysan ee Sucuudiga, taasoo laga soo dhoweeyey aduunka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

Cabdullahi Yusuf ayaa u arkay Nuur Cade inuu Qatar ku yahay qorshihiisa xasuuqa hawiyeha iyo qabsashada deegaankooda, aminsanna usha nin aad ka qaadan karo u dhiibo, ayaa jagada Ra’isalwasaaraha muddo kula dhex wareegay beesha Mudulood oo uu gol jileec baday.

Dastuurka Qaran ku sheega ku meel gaarka ah ayaa u sameysan si uu Madaxweyne ku sheegu uu magacaabi karo, eryina karo gudoomiyeyaasha Gobolada, Madax sare ee Ciidamda, maxkamada, Safaradaha, iyo wixii la mid ah, taasoo awood la’aan ka dhigeysa ra’isalwasaaraha iyo xukuumadiisa oo aysan wax awood ah ku laheyn iney wax ka qabtaan xaalada qatarta ku ah nabadda oo hadba la soo gudboonaada, taasoo aysan cidna xilka ka qaadi Karin, cidkalana aysan xil u dhiibi Karin, ilaa uu qabiiliiste Cabdullahi Yusuf uu soo ogolaado.

Habka uu u sameystay Xeer Qaranka ayaa Mooryaan Cabdullahi Yusuf ayaa u sahashay inuu Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda iyo Xooga Dalka u dhiibto Saraakiil ku jufo ah, halka ku xigeenka Policekuna uu sidoo kale uu yahay ku jufo, Taliyehana uu yahay magic u yaal, taasoo u sahashay in qofkii aysan dooneynin jufadiisu ay kuwaasi u soo xirxiraan, qaar la qaarajiyo oo la waayo meydkooda iyo noloshooda, qaarna laaluush laga qaato oo sidaas looga lacageysto, iyagoo goobaha ganacsiga soo dhaca oo xoog uga dukaameysto.

Guushaas manta uu ku faanayo ayaa waxaa u soo hooyey beesha Abgaal oo iyagu isku jeeda ama u jeeda walaalahooda kale ee Habargidir oo intaas ku haya anukaa iska leh Caasimadda Soomaaliya, wax ay ku heystaana aysan jirin oo aan aheyn hortooda lagu bahdilo, marba mid lagu hor bursado, iyaga oo aan ka danqan, balse loo sheego xumaanta qofkaas si iyaga la isaga horkeeno.

Qabqable Cabdullahi Yusuf oo manta Beeshiisa u ah boqor maadaama uu Hawiye maxada ciidda u geliyey, uga aaray dadkiisii, kana dhigay mid la bursaday iyo mid aan sharaf ku nooleyn oo qaxooti ka ah gurigiisii, lagana dhacay maalkiisii oo laga dhigay mucsur aan waxba heysan.

Khilaafka soo kala dhexgalay Ra’isalwasaare Nuur Cade iyo Gacan ku dhiigle Cabdullahi Yusuf ayaa la mid ah midkii hore loogu qaarajiyey Prof. Geedi oo uu Cabdullahi Yusuf intii hore ku shaqeysan jiray iyada oo laga dhaadhicin jiray iney diidan yihiin oo ka soo horjeedaan Beesha Habargidir, sidaasna lagu xasuuqay dadkiisii laguna burburiyey magaaladiisa, iyadoo lala Kaashaday Mr Jeele oo shahaado lagu siiyey xasuuqa walaalihiis ka dibna la iska tuura labada waa Geedi iyo Jeele.

Markii laga taqulasayey Prof. Geedi ayaa waxaa Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iyo beeshiisu ay derseen dareenka Beesha Abgaal, waxa ayna soo ogaadeen in dareenkoodu inta badan uu taagan yahay waqtigii Gabyre uu tooganayey Siyaad Barre, oo la sheegay in lagula taliyey inuusan Gabre Dilin, iyadoo taasi ay keeni karto iney Abgaal ki kacaan oo halkaas dowladiisa lagu ridi doono, wuxuuna ku jawaabay goobta lagu tooganayo Gabeyre ha la keeno Barbaarta Shiribka Abgaal haddii ay ku shirbaan erayo ka soo horjeedo dowlada Siyaad Barre ha la sii daayo Gabeyre balse haddii ay ku shirbaan wax kale ha la dilo Gabeyre Abgaal ma kacsanee. Sidaas ayaa waxaa la keenay goobtii lagu tooganayey gabeyre Barbaarta Abgaal ee Shiribka, waxaana loo sheegay iney ka shirbaan sida ay u arkaan dilka Gen. Gabayre, waxayna Barbaartii Abgaal ku shirbeen (MINAAN LA TOOGAAN TOOSI MAAH), taasoo u cadeysay Siyaad Barre ineysan kacsaneyn Beesha Abgaal oo aysan waxba ka qabin toogashada gen. Gabeyre.

Waya aragnimo uu ka qabo Qabiiliiste Cabdullaahi Yusuf sida loo kala qeybiyo Hawiye, khaas ahaa beesha Abgaal oo midna jago been ah loo dhiibay, midna hortooda lagu bahdilo ayaa keentay in Prof. Geedi markuu fahmay qiyaanada dheer iyo shirqoolada uu la damacsan yahay dadkiisa Duq Cabdullahi uu durbaba uga soo horjeestay isagoo u sheegay Odagu inuu Bukaan yahay welibana uu duq yahay, uuna u dhalan magaalada Muqdishu, sidaasna haddii cid laga taqalusi karo ay noqon doonto duqa dhala dhaloobay, laakiin loo adeegsaday maxamed dheere, dhagaxtuur iyo kuwa kale oo dareenkoodu uusan amrna iska bedelin xil ka qaadista Prof. Geedi, sidaasna jidka lagu diray isaga oo qaawan oo dhaleeceysan, ceebtuna tahay in lagu bedelay mid kale oo Abgaal ah oo ay markiiba u tartameen in jagaas aan loo dhiibin mid aan aheyn Abgaal kale, halkii ay dhiidhiyi laheyn sida loo nahdilayo ninkoodii.

Arrintaan Maanta taagan ee ah khilaafka u dhaxeeye Nuur Cade iyo Qabqable Cabdullhi Yusuf ayaa ku socota isla wadadii lagu diray Jaale Geedi iyo Marxuum Gabeyre, iyadoo la doonayo in marka hore loo adeegsado Max’ed Dheere iyo Xulafadiisa, taasoo uu u jeedo Duq Cabdulaahi ineysan cabsi uga imaanin kacdoon ka dhasha magaalada Muqdishu ee Caasimadda Soomaaliya, oo halkaas dadka Mudulood u sii caburiyo ama u sii kala qeybiyo Max’ed dheere, ka dibna uu ka taqaluso Nuur Cade iyada oo Xukuumadiisa inta badan laaluush iyo balan qaad jagooyin danbe loogu adeegsanayo, laguna amri doono iney is casilaan, ka diban uu meesha ku soo hari doono Nuur Cade iyo Shan Wasiir ee Mutaxan, markii uu soo dhiso xukuumad Cusubna ay Baarlaan ku sheega Laaluush qaatayaasha ah ee xabsiga looga dhigay Bakhaarkii Galeyda ee Magaalada ay Baydhabo ay jidka u fadhiistaan, oo halkaas Xukuumadda Cusub loo ansixin waayo, taasina ay dhaliso in loogu Hanjabo Nuur Cade inuu is casilo ama lago soo oogo la xisaabtan lunsasho Hanti Qaran, ku tagri fal sharciga Qaranka iyo waxyaabo kale oo badan, taasoo ah wadadii lagu diray Prof. Geedi.

Beesha Abgaal oo uu u arko Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iney tahay Beesha keliya oo Hawiye lagu dhex baabi’in karo ayna tahay wadada keliya oo u furan oo laga soo geli karo, ayaa haddana iyagii isku adeegsaday, taasoo dhabr jab ku ah halgankii dheeraa ee awal Siyaad Barre oo ka wadanisan Duq Cabdullahi lagu la isaga saaray, haddana ay u Muuqato in dhib badan loo mari doono in lagu eryo Duq Cabdullahi Yusuf oo wadanka cadowgii ugu xumaa ee Itoobiya soo geliyey, dhanna Maeykanka ku beer laxawsanaya inuu jaal kala yahay dhanka la dagaalanka ARAGAGIXISADA oo uu Duq Cabdullahi ku sheego marna cidii ka hortimaada ee u dhalatay beelaha Muqdishu.

Si kastaba ha ahaatee, ka taqalusidda Ra’isalwasaare Nuur Cade ayaa ah Tijaabadii u danbeysay ee Bukaan Cabdullahi Yusuf uu ku tijaabinayey dareenka Abgaal, haddii uu taas uga Guuleysto Nuur Cadena ay u dhamaatay Mudulood ayna tilaabada xigta tahay inuu u sheego inay ku noqdaan dameera dhaamiska, xamaalkii iyo ka shaqeynta Kaawadii dhagax jebinta oo ay ku sheegaan meheradda keliya ee u furan Beesha Hawiye oo dhan.

Maxey tahay Bahdil ka weyn in Ra’isalwasaare dhan oo Qaran laga saramariyo Gudoomiye gobol. Shariciga Beerlaawe Cabdullahi Yusuf ayaa ah La jiifiyaahi Banaan la joojiyaahi banana.

Waxaa loo dhegataagayo waa halka uu ku danbeeyo khilaafka Nuur Cade iyo Quqa laclacay ee xafaayadu ugu jirto ee Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf.

No comments: