Saturday, August 30, 2008

Maxaad kala socota qaabka uu Indhacadde ula dhaqmo dadka Shabeelada hoose oo ay beeshiisa cayr xooga ku haysato.

Maxaad kala socota qaabka uu Indhacadde ula dhaqmo dadka Shabeelada hoose
Posted to the MOL August 29, 2008, 2:33 pm


Dadka dagan magaalada Marka iyo gobolka Shabeelada hoosaba waxaa haysata dhibaato joogta ah oo ay kuhayaan Mooryaanta Indhacade,kuwaas oo iyagu xalaashaday dadkaas iyo dhulkoodaba,Marka ugu horaysa indhacadde oo kamid ahaa qabqablayaashii Soomaaliya,ayaa sanadkii 2006 kii waxa uu helay fursad uu kaga mid noqday Midawgii Maxaakiimta Islaamiga ah,taasoo kadhigtay shakhi caadi ah oo aan wax dambi ah kasoo galin shacabka.

Midawgii Maxaakiimtu khaladkii ugu waynaa ee ay galeen ayaa ahaa in nin kamid ah dagaal oogayaasha Soomaaliya oo waliba saacaddaas faraha kula jiray dhiig shacab in maxkmadaha ay kusoo daraan,oo waliba ay ka dhiagaan wasiirka difaaca ee Midawga Maxaakiimta,midawgii maxaakiimta dhaliilihii badnaa ee Indhacdde awgii uga imaanayay dadwaynaha ayaa markii ay Indhacadde usoo jeediyeen in uu arinta wax ka badalo,waxa uu ciyaaray khiyaano kale oo waxa uu saxaafadda ka sheegay in uu ciidankiisii hubka ka dhigay dadkana uu ka dalbaday cafis,laakiin ciidankii uu sheegayay in uu hubka ka dhigay ee beeshiisa cayrka ahaa ayumbuu uxidhay cimaaamado,oo kadhigay ciidan daacad u ah Maxkamadaha,laakiin dad badani way dareensanaayeen in Indhacadde ciidankiisa lugna baqo ugu diyaariyay lugna dirir,Macnaha hadii Maxkamaduhu guusha ay gaadheen ay ku waaraan in maleeshiyadiisu noqoto ciidan maxkamadeen oo aan marna loogu soo faragalinin shabeelada hoose,hadii Maxkamadaha cid uun ay ka takhalustana in ay kunoqdaan sidoodii hore oo aan lagu soo faragalinin gobolkaas.

Midawgii mxakiimtu mayna Indhacadde kuma ayna faragalinin dhulkii uu gumayanayay,oo wali sidii ayay xalaal ugu sii ahayd,markii maxkamadihii laga qabsaday Koonfurta Soomaaliyana waxa uu ciidankii Indhacadde noqday maleeshiyo uun lamid ah kuwii ay wateen qaqablayaashii kale ee Koonfurta Soomaaliya.

Hadaan waxyar ka ifiiminno dhibaatooyinka ay ciidanka Indhacadde kuhayaan dadka Shabeelada hoose,marka hore ciidanka Indhacadde qaybta uqaabilsan qaadianka lacagaha qasabka ah waxaa layidhahdaa (Kuntu turaaban) oo dad aan waydiinay waxa loola jeedo magacaas ay ku sheegeen in shakhsi kastan oo dhulka ay ka taliyaan daggan uu ku qasban yahay in uu bixiyo canshuur,sidaas daraadeed qoy kasta iyo qof kasta oo dagan magaalada marko waxaa calaa guri laga qaadaa lacag aad ubadan,gurigaaga aad adigu leedahay inta qol ee uu leeyahay ayaa lagaa canshuurayaa,xataa musqusha,qiimaha calaa qol lagu canshuurana waxa weeye 500,000 oo shilin,shakhsiga iyadoo aan loo sii digin ayaa maalin maalmaha kamid ay soo kor istaagayaan Kuntu turaaban,hadii wakhtigaasba gacanta loo saari waayo lacgtii canshuurta ahayd waxaa madaxfurasho loo kaxaysanayaa ruuxa ka masuulka ah gurigaas rag iyo dumar midkuu doono ha ahaadee, dadka masaakiinta ah ee aan iyaguba haysanin wax ay cunaana waxa ay marayaan wadadaas oo aan looga jimcinaynin.

Dhibaatada haysata dadka shabeelada hoose majirto cid kale oo Soomaaliyeed oo ay haysato,dagaaladii Soomaaliya waxa ay noqdeen noocyo kale waxa ayna yeesheen wajiyo kayaraha duwan kuwii hore,laakiin Shabeelada Hoose majirto cidn Indhacadde iyo beeshiisa kula loolanta Shabeelada hoose, taas awgeed waxuu dadkaasi ku abaaday is adoonsi aan jimicsi lahayn.

Waxaa jirta makiinad shiidda cajiinka oo kutaala magaalada Marka,waxaa iska leh islaan kamid ah dadkii daganaa magaalada,islaantaas waxaa qasab lagaga dhigay in ay maalintii oo dhan shaqayso illaa habeenkii 9 fiidnimo,sidaas daraadeed lacagta ay maalinkii shaqayso waxaa loo qaybiyaa 4 qoys oo ay leeyihiin Kuntu turaabantu,waxa ay sidaas ku shaqaynaysay mudo dheer illaa iyo hadana waxa ay u qasban tahay Indhacadde.

Hadaba waxaa iswaydiin leh Indhacadde masheekhbaa mise waa uun hogaamiye kooxeed lamid ah,Maxamed dheere,muuse suudi iyo Qanyare,illaa iyo hadda maxkamadaha iyo Alshabaabba waxa ay sii wadaan khaladkoodii ahaa in ay Indhacdde u aaminsan yihiin nin sheikh ah oo kamid ah midawga dib uxoraynta Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo hadii maxkamadaha islaamiga ah iyo isbahaysiga dibuxoraynta Soomaaliyeed ay udanqanayaan umadda Soomaaliyeed waa in Indhacadde ay ka xoreeyaan masaakiinta uu 17 ka sano dusha ka saran yahay,isla markaana ay Indhacdde u aqoonsadaan waxa uu yahay ee runta ah,hadii kale cadhada alle ee sababta Indhacadde kutimaada waxa ay wada saamayn doontaa cid kasta,ee kaligii kuma ekaan doonto.

No comments: