Thursday, August 7, 2008

Minaad ka guurtay Geedi Xoor Ar Garoowe goof ma kuugu yaal.

Waxgaradka Abgaal (xafidahuallah) oo ka shiray kana biyo diiday bahdilka uu la damacsan yahay Qabiiliiste Cabdullahi Yusuf iyo Jufadiisa inay ku sameeyaan Ra'isalwasaaraha Qaranka Soomaaliya Mudane Nuur Xassan Xuseen - Nur Cade (xafidahuallah) (Minaad ka guurtay Geedi Xoor Ar Garoowe goof ma kuugu yaala- CAYAAR WAA GELIN DANBE), iyo Qabqable Cabdullahi Yusuf oo ka Xamaama Qaatay Mudulood (acazahumullaah) oo uu ku dhaartay inuusan mar danbe Xil u dhiiban doonin Beeshaas uuna markaan raadsanayo doqon Habargidir (sida Gacmadhere).



02 August 2008

Muqdishu: Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah nabadoonada Mudullood oo ka dhacay magaalada abgaal Town ee Muqdisho ayaa Beesha Mudulood ay si cad oon ganbasho ku jirin ay waxgaradkii ka soo qeybgalya uga soo horjeesteen talaabada uu ku dhaqaaqay Qaa'in Cabdullahi Yusuf oo u heysta iney mudulood wax garanba oo ninkooda sidii la doono lagu hor yeeli karo.

Waxaa waxgaradka Mudulood oo shirkaasi ka qeybgalay ay carabka ku adkeeyeen in dagaal ooge Cabdullahi Yusuf uu doonayo inuu iska horkeeno qabiilada dega muqdisho, halka uu nabad & barwaaqo ula doonayo deegaankiisa Puntland, isagoo safarkiisii u danbeeyey u sheegay beeshiisa inuu cadowgii oo uula jeedo Hawiye uu ka adkaaday, ayna yihiin kuwa aan isku tanaasulin oo nabad xumo ku abaaday sidaasna uu kala taliyey in deegaanada reer Puntland ay ka duwanaadaan oo ay nabad iskaashi ku waaraan.



Odayaasha Muddulood ayaa Hanjabaaddii ugu cusleyd u diray Qabiiliiste Yuusuf oo Muqdisho ku joogay Dabbaabbadka Tigreega iyo Taageerada qaar ka mid ah Beesha Muddulood, haddana uu duqu u soo dhigtay awood qeybsigii beeshooda ku soo aaday.

Shirqoolka uu qabqable Cabdullahi Yuusf u maleegay Ra'isalwasaare Nuur Cade ayaa noqoneysi Bukaanku ku weynayo Taageeradii yareyd ee naftu uga jirtay ee ka haystay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Muddulood, Haddaba Shirkaan ay Nabaddoonada Beesha Muddulood gaar ahaan Galmaax Yoonis ay ka yeesheen xaalada ku soo cusuboonaatay khilaafka nuur Cade iyo Duq Cabdullahi ay ka hadleen Nabaddoonada Beeshaas ayaa Cabdullaahi Yuusuf lagy sheegay inuu Gobolka banaadir ku joogay Tageerada Muddulood Haddana uu ka hor yimid rabitaanka beeshaas isagoo doonaya inuu Sanka ka geliyo wax uu isagu doono, Waxana ay ku Nuuxnuuxsadeen Qabyaalladda Cabdullaahi Yuusuf iney gaarsiisay inuu Gobollada uu ka soo jeedo uu gaar u yeesho, Madaxweyne u gooni ahna u sameysto, Gobolka Banaadirna uu wax ka yeesho wuxuu doonana ka sameeyo, iyagoo u sheegay inuu ama iska tago ama wixii ay rabaan dadka Mudulood uu sameeyo.


Odayaasha Beesha Mudulood oo ka xumaaday Mooshinka Baydhabo lagula gaaf wareegayo ee la doonayo in xilka looga qaado oo ku gacan seyray gacan ku dhiigle Cabdullahi yusuf.

No comments: