Thursday, August 21, 2008

Gaari uu Lahaa Imaam Maxamuud oo La Dhacay Iyadoo Xaaskiisa iyo Wiilkiisa looga Tegay Wado Cidla ah oo Ka tirsan Deegaanka Ceel Cadde…

Kooxo hubaysan oo aan la xaqiijin cidda ay ka amar qaataan ayaa saakayto aroortii 8:30 waxa ay si xoog ah kula wareegeen gaari uu lahaa Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka abgaal cisman ahna imaamka Beelaha Hiraab gaarigan oo noociisu ahaa Toyota Land Cruiser ayaa Maliishayadii dhacday waxay ku qaateen 2 qori oo nooca AK47 oo u sharciyaysnaa Imaamka ilaa waqtigii uu dalka ka talinayay Marxuum Siyaad Barre.


Gaariga Imaamka ayaa maleeshiyada qaadatay waxay u gashay wadada u dhaxaysa degmada Warsheekh iyo magaalada Abgaal Town ee Muqdishu gaar ahaan degaanka Ceel Cadde waxaana gaariga la socotay xaaska Imaamk Marwo Aamina Sheekh Maxamuud iyo wiil uu dhalay Imaamku oo wade ka ahaa gaariga oo lagu magacaabo Daahir iyagoo ka yimid tuulada Cadow Uul ee degamada Cadale waxayna ku soo socdeen magaalada Abgaal town ee Muqdishu iyadoo Muqdishu loogu diray gaari kale ooh ore u soo qaada ka gadaal markii kooxihii hubaysnaa meel cidlo ah ay uga dhaqaaqeen .

Lama oga halka lala aaday gaariga imaamka iyo sababta loo dhacay waxaase la ogyahay in deegaanka Ceel Cadde ee gaariga lagu dhacay uu ka mid yahay deegaanada dhaqan ahaan uu hoos yimaado Imam Maxamuud Imaam Cumar .

Waa markii ugu horeysay ee falkan oo kale lagula kaco Imaamka tan iyo markii la saaray Taajka imaamnimo sanadkii 1985 .