Friday, August 29, 2008

Maxaad ka taqaanaa Mareexan Gaajada ah ee Quulaha Ka Dharga Sagaaradana Dabta ee walina ah midgaha daarood!

Beesha Absame ayaa wada olole ay Magaalada Baardheere dib ugu hananayso

Waxgarad iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Absame oo iyagu ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa wada abaabulo ku wajahan magaalada Baardheere oo beeshaasu ay leedahay.

Magaalada Baardheere oo iyadu ah Magaalo uu wabigu maro kuna caan baxday khayraadka beeraha ayaa waxaa horey ugu magacownaan jiray beesha absame-cawlyahan, waxaana beeshaas oo iyagu ka mid ah beelaha taariikhda Soomaliya ku leh ay magaaladaas ka maqnayd intii kacaankii Maxamed Siyaad Bare uu dhashay iyo wixii ka danbeeyay.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre alaha u naxariistee ayaa loo aanaynayaa in uu isagu beeshiisa ku beeray magaalada Baardheere, iyada oo dhinaca kalana beesha haatan xooga ku joogta Baardheere, horeyna xooga ugu joogtay Kismaanyo ay ka soo jeedaan gobolka Galguduud, waxaana sida lagu yaqaanay jirtay magaalooyin ay lahaayeen amaba lagu yaqaanay beesha Mareexaan sida magaalada Dhuusa Mareeb taasoo aysan haatan gacantooda ku jirin.

Waxaa waxgarad badan oo ka soo jeeda beelaha Daarood ay la yaabanyihiin waxa beesha Mareexaan ku diray dhulkoodii, oo dhul aysan lahayn ugu dhimanayaan, amaba isugu dayayaan inay xoog ku joogaan.

No comments: