Tuesday, August 26, 2008

WAXAADAN AHAYN HADDAAD ISMOODO WAXAAD TAHAAD NOQOTAA.(kkkkkk)

walaalayaal waxaan dhammaan halkaan ka salaamayaa aqristayaasha sharafta badan ee webkaan Banadirland meel kastoo aad joogtaanba,

intaas dabadeed soomaalidu waxay ku maahmaahdaa baadi kugu raagtey bahdaa baad moodda,
waxaan aad ula yaabay beeshii dhiig miiratada ahayd ee lafaha dadka reer kismaayo dhuuxi jirtey taasoo katimd masaafo aad uga fog kismaayo oo ay isu soo nbahaysteen burcaddii isugu yeeri jirtey walaalaha galguduud oo iyadoo ay taageerayaan huwan kale oo ka soo dillaami jirtey muqdisho iyo agagaarkeeda oo u suura galisey in mareexaan lawareegaan kismaayo isuna maleeyaan inay awood ay leeyihiin ku haysteen kismaayo malaha odayaashoodii horena mar ama labo ku riyoodeen inay mar uun maqlaan mareexaan ku hadlaya war hebel mareerkismaayaad tahay, Cajiib?????

hadda waxaa qabsashadii kismaayo ay qabsadeen burcadda kale oo dadka kale u yaqaan gaaladu kuwaasoo ayana ah xaqiiqdii burcad xun oo waliba argagixiso ah kadib beeshii dhiig miiratada ahayd waxay koox koox u hobshaynayaan meelkasta oo ay joogaan iyagoo leh war kismaayo kawarama,kismaayo 12 sano ayaa lagu hayey oo gacan lagu siinayey oo ay dulmi iyo barakicin iyo baabi,in ku hayeen dadka iyo deegaanka jubbada hoose marka xaalkoodu waa baadi kugu raagtey bahdaa baad mooddaa,
waxaanna aamin sanahay kuwaasi inay ka baxaan meesha oo dhan gad lagaga saaro waa wax aad loogu farxo,waxaanna qabaa waxaa u dhaama dadka iyo deegaanka kuwaas gaalada u yaqaan waxaan iyaga ahayn oo iyaga qudhoodu huwan shaati aysan lahayn oo been ah oo marka la sheegayo qurxoon laakiin dhagar xambaarsan iyadoo aan qabiil ka maqnayn,

waxay doontaba ha ahaatee waa wax fiican in dhagar qabe dhadhamiyo wixii uu falay,malaha waxay hilmaansan yihiin inay dhammaatay walaalaha galguduud ee dulmi kunoolayaasha ahaa muddo farabadan.maanta waxaan leeyahay

waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye bal dayooy waraabahii barre huuraale waakaas sii dabayshadaye,
waxaana xaqiiq ah inaan abaalmarintii barre huuraale iyo xertiisa ilka yar aan wali fari ka qodnayn. ee ilaahoow xaqaaga u hiilli.

No comments: