Saturday, August 30, 2008

Nin Hadduu yimid Aan waxtarahayn, oo hadduu tagey Aan la tabahayn!!! Waakuma?

Dadka kale ha joogee su'aashani waxay ku socotaa oo jawabteeda maanta garanahaya waa dadka Reer Kismaanyo oo Allaheenna Subxaanu-WaTacaale uga gargaaray Gumeysigii ay ku haysteen "Wixii la oran jirey Dhurwaawayadii Galguduud?Ama Dooxataddii isu soo bahaystay dhiigga iyo Maalka Dadka Xorta ah ee Reer Jubbaland.

"Imaan la'aan ehel waa ku ilawsiisaa" Waxay hal ku dheg u ahayd Hees aan maqalay sannadkii 1976dii, macnahaas waxa lagu sifayn karaa Barre Hiiraale iyo Xulufaddiisii hore, sida Seeraar iyo maliishiyadoodii xaq darrada ku soo galay dal aysan lahayn, sida Jubbooyinka oo la yaqaan dadka taariikh ahaan iska leh:-

Iyo inaysan Mareexan iyo Cayr midna degaan ku lahayn Jubbooyinka iyo Shabeellooyinkaba ee ay iimaan la'aan darteed iyo boob markii horeba ku qabsadeen.

Haddii ay walaannimo, Muslinimo iyo Soomaalinimo ay joogi lahayeen anigu ma eedeyeen, laakiinse waxaan nebcaystay sidii waxashnimada ahayd ee ay ula dhaqmeen Reer Jubbaland, taasoo maangaabyadii Mooryaanta ku noqotay aakhirkii Nabsi iyagii ku gaddoomay, ee lagaga saaray dalkii ay Xaaraanta ku joogeen!! Iyagoo hilbana laga haray, Inkastoo aan jeclaan lahaa kana codsanahayo wadaaddadu inay daldalaan daallinka ina Faarax Taano ee an nolol lagu sii dayn waayo rag baban buu laayey.


Marka akhristow sow haatan ma aadan garan ciiddaan ula jeedo su'aasha cinwaanka kore ku dheehan?
Jawaabtu waa haah bay ila tahay: Hadiise mugdi kaaga jiro waa: Barre Hiiraale, iyo Maliishiyaddisii xaabada u ahayd ee uu dabka ku shidan jirey, Dawlad -Diidka tuugga ah oo Caabudwaaq degaankiisu ahaan jirey intuusan Walaan oo Kablalaxa la coloobin!!! Odagii maxaad ku ogayd?
Nin baa walaalkiis weydiiyey: Wuxuu ugu jawaab celiyey:"Indho la'aan", wuxuu se isna ugu afceliey:
Dad cunnimo ayuu ku sii darsaday!!! Maxaadse uga daalaysaa xukunkii Siyaad waa mid dhintaye)( Siad's legacy as it is dead now)!!

Aan tixda cinwaanka idiin dhammaystiree, waagii hore eeSoomaalidu caqliga badnayd, way nebcaayeen qofka inuu wax dhimo mooyee aan dadka iyo duunyada midna waxtarin: Waxaana hees hawloodkooda ka midd ahaa: Nin hadduu yimid aan waxtarahayn, oo hadduu tagey aan la tabahayn, Allow taqajimi!!! Hiirraalena caynkaas ayaa lkagu tilmaami karaa Nacaskii Daarood isku diray!!!

Ugu dambayhntii Reer Kismaayow guulaysataye bal is-ilaaliya taariikhda dambe si aan Waraabayaashii Galguud fursad dambe idiin ka helin idinka oo kala dadaadsan sidii hore!!!

Ciid wanaagsan ciida, Wa Ramadaan mubaarak.


WaLlaahu Aclam

No comments: