Thursday, July 31, 2008

LABADII WAREEGTO EE RA`ISALWASAARE NUURCADE

BISMILAAH!

Raisal wasaare Nuurcade oo wareegtadiisii 2aad kasoosaaray magaalada muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra`isal wasaaranimada, su aashuse waxa ey tahay maxay kala yihiin labadaas wareegto ee Ra`isalwasaare Nuurcade ilaa iyo hada uu soo saaray:



1. Wareegtadii ugu horeysay waxa ey aheed sharciyeyntii kooxdii kusoo dhaweeyeen 21kii hoobiye maalintii ugu horeysay ee uu magaalada muqdisho soo cagadhigtay asigoo ximbaarsan xilka Ra`isal wasaaranimada isla markaasna kalabar magaalada muqdisho uu ku dhawaaqay in ey kooxdaasu maa mulaayaan eysana tigikarin ciidamada boliiska iyo maamulka gobalka banaadir midna.



2. Wareegtadii 2aadna waa mida maanta oo taariikhdu eytahay 29-07-2008 uu soo saaray, taasoo uuku sheegay in uu xilkii gudoomiyanimada iyo kii duqa magaalada muqdisho kaga xayuubiyay Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere).



Hadaba hadii aan mid mid falaqeyn ugusameyno waxaa mucjiso iyo waxlalayaabo kunaqatay dadki reer Banaadir iyo dhamaan soomaalidii indhaha kuheysay siyaasada soomaaliya in taba go aankii koobaad ee Ra`isal wasaaraha, sababtuna waxa eytahay sharciyeynta kooxdaas Ra`isal wsaaruhu wax uu ku bedeshay majirin, xataa in ey aqoonsadaan amaba ey dhahaan waamahadsanyahayna ha ahaatee.



Oo hadaba su`aashu waxa eytahay maxey aheyd ujeedada uu kalahaay Ra`isal wasaaruhu arintaas? Su`aashaan ayada ah waxa aan ubandhigayaa akhristayaashakale.



Wareegtadaan 2aad ee maanta uu soosaaray Ra`isalwasaaruhu ma aheyn mid lalayaabo maadaama uu horay ugu dhawaaqay Axmed Cabdisalaan oo wasiir ka ah dowlada islamarkaasna aan wada ognahay in uu kamid yahay kooxdaan suuqa bakaaraha loo sharciyeeyey in ey xukumaan.



Hadaba qodbka 2aad hadii aan falaqeyn ku sameyno magaalada muqdisho waxaa jooga ciidamadii Itoobiya, Ugaanda , Burundi, maleeshiyadii Cabdulaahi Yuusuf,maleeshiyadii Darwiish, iyo taliyihii boliiska soomaaliyeed Cabdiqeybdiid, iyo ugu dambeyntii kooxdii hoobiyayaasha ku garaaceen Ra`isalwasaaraha nafsadiisa, intaasoo koo xood oo aan kur kusoosheegay midna kama amarqaadsneynin Maxamed Dheere.



Hadaba su`aashu waxa eytahay yey aheyd Ra`isal wasaaruhu in uu xilka kaqaado? Wasiirka gaashaan dhiga, Darwiish, Cabdiqeybdiid, taliyaha iidamada Itoobiya, taliyayaash ciidamada Burundi, Ugaandh, taliyaha kooxta suuqabakaaraha Axmad Cadisalaan mise Maxamed dheere oo minashiibiyada xukumo? Hadaba su`aalahaanoo dhan waxaan u dey doonaa akhristayaasha kale.





Gabogabadiina Yuusuf Garaadka laanta afka soomaaliga ee BBCdana waxa aamusiyay oo xukuumada Nuurcade uu maqsuudka uga noqday ayadoo aan ognahay wixi cabaad iyo qeyladhaan afkiisa kasocon jiray xukuumadii Cali Maxamed Geedi, mar hadii Itoobiyaankii sidi u joogo Cabdulaahi Yuusufna googo waa su`aal kale ayadana waxaan udeyn doonaa akhrista yaash.

No comments: