Tuesday, July 29, 2008

DEREJO AAN DAA'IN KUU QORIN, DOONDOONISTEED DAL DHAN U DUMMI, MA DIRAC-NIMAA MISE WAA DOQONIMO???.

Soomalidu malaha sir ukala qarsoon haba yaraatee, qolo kasta iyo qabiil kastana waa lala socdaa qorsha hoosaadkooda ( ambition), waxey ayagu doonaan dunida ha maqashiiyaanee, kuwa danaha guracan wata shaley waxay dhehaayeen " cadkaanow amba ku cuney maba ku ciideeyey, maantana waxay leeyihiin culumada Soomaliyeed ayaan wakiil ka nahay ee ciidda Soomaliyeed aan saan doono ka yeelno", ee Soomaliyeey derejo aan daa'in kuu qorin doon-doonisteed, dal dhan ku dummi ma diracnimaa mise waa doqonimo?, waa arrinta Soomaliya u cakirin tahay, laga soo billaabo riditaankii regiimkii Dawladdii Militeriga aheyd ee uu hoggaamin jirey Allaha unaxariistee marxuum Gen. Mohamed Siad Barre, October 21st, 1969kii - December 31st, 1990kii.

Labadii asbuuc ee la soo dhaafay waxaan la maqlin dilal qorsheysan oo aay fuliyeen reer gafuur-duub Soomaliya oo dhan, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho, sababta hakisay dilalkii qorsheysnay ee reer gafuur-duub, aad ayaa loogu muran-san yahay, dad badan ayaa aaminsan sababtu in aay tahay kala jabka ku dhacey isbaheysiga dib uxoreynta Soomaliya oo keentay inaay kala shakiyaan dhalinyaraddii loo adeeg-san jirey laynta dadka wax ku ool-ka ah ee Soomaliyeed, gaar ahaan beelaha: Mudulood 95%, Murusade, Digil iyo Mirifle, Shiiqaal, Xawadle iyo harti Daarood.

Dad kalana waxaay sheegayaan sababta hakisay dilalkii qorsheysnay ee reer gafuur-duub, inay tahay magaalada Qaahira ee wadanka Masaarida oo shir qarsoodi ah uga socoyo reer Guri-ceel, sida aay sheegayaan dad ku sugan meesha shirku ka soconaayo,shirka waxaa guddoominaayay Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan wadanka Masaarida, waxaana khadka teleefonka uga qeyb galay shirkaas madaxda gafuur-duubta Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Jan. Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kala joogey Asmara iyo Soomaliya, sida laga soo xigtay qof si qarsoodi ah aay ugu suurta gashay in uu ka qeyb galo shirkaas wuxuu sheegay in shirkaas looga hadlay seddexd (3) ajando ( three agendas) 1) Sidii laga yeeli lahay kala jabka ku yimid Isbaheysigii dib u xoreynta, 2) Gurigga Dr. Cabdqaasim Salaad ee Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho oo si isdaba joog ah aay Ciidamada DF u baaraan, 3) Sidii dib loogu soo celin lahay dhalinyaro wax yar ka og hawl-galka reer gafuur-duub oo dhowaan ka goostay taliska ceelasha biyaha iyo aagga waqooyiga Magaalada Abgaal Town ee Muqdishu oo ku laabtay deegaanaddii ayka soo jeedeen, ka gadaal markii Ceelasha biyaha si bareer ah loogu dilay Taliyihii aagga waqooyiga Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho oo la oran jirey Kobo-geed oo ka soo jeeday beelweynta Iska leh gobolka banadir ee Mudulood.


Derejo aan daa'in kuu qorin, doon-doonisteed dal dhan u dummi, ma diracnimaa mise waa doqonimo dadyohow Soomaliyeey?.

No comments: