Friday, July 4, 2008

MIXNADA LALA MAAGANYAHAY MUDULOOD

Waxaa muuqata in dadaalo xoogan loogu jiro sidii loo hanti lahaa loona gumeysan lahaa dagaan aan ab iyo isir toona loo laheyn, dadaaladaas oo ey ku jiraan beesha dul saarka u ah gobolka mudulood ee banadir.
Dadaaladaas dhul balaarsiga ah ayaa waxaa ku mashquulsan dad ka soo hayaamay dhulkoodii doonaya iney boobaan dhulka mudulood kuna tarmaan si berri ka maalin ay u sheegtaan in ayaga dhulkaasi leeyihiin..Sidii ku dhacday dadka loo yaqaan “red Indians “ ee qaarada Amerika iyo”aboroginiska qaarada Australia”.

Sida lawada ogsoon yahay noolaha parasite-ka loo yaqaan EE DHIIG MIIRADKA AH oo ku dul nool noolayaasha kale in uu culeys weyn ku haayo noolaha uu guest-ga u yahay ama martida u yahay sidaas oo kale ayaa beesha dulsaarka ku ah gobolka mudulood ee banadir waxey dhibaatooyin baaxad leh ku heysaa dadka Marti looyahay ee mudulood.
Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo aan la soo koobi Karin ayaa waxaa ka mid ah in gobolka mudulood ee banadir oo ka mid ahaa gobolada ugu xasilnaanta badan uguna bilicsanaa geesta afrika loo rogay mid ka mid ah magaalooyinka aduunka ugu qatarsan. (One of the most dangarous cities on the face of the earth)!
Magaalada muqdisho waxey aheyd meel nolol wanaagsan loo soo doonto oo somalida inta creative ka ama waxqalka ah ey ku noolaan jireen balse waxaa yimid mooryaan aan waligii arkin magaalo markuu yimidna hadal ka bilaabay meeshaan anaa leh! Anaa xureystay!
War sideed ku yeelatay magaaladaan 1000 sano ka hor bey jirtaye!
War cawaanku miyuusan ogeyn in meesha geel aan la kala dhaceyn dhulkuna yahay dhul mudulood Martina uu ku yahay sida beelaha kale Martida ugu yihiin gobolka banadir.
Intaas kaliya kuma ekaan beesha dulsaarka ku ah gobolka banadir balse waxey u ruqaansatay dhinaca dabargoynta waxgaradka mudulood sida generalaada, dhaqaatiirta, injineerada, ardayda iyo waliba culumaa udiinka.
Shirqoolkaas ayaa ah argagax qorsheysan (organized terror) ujeedadiisuna tahay in marka la dabargooyo waxgaradka mudulood loo soo jeesto in dhulkoodii lagu maamulo kuwa aan aqoonta sare laheyn.
Tusaake waxaa noogu filan dilka GENERAL CALASOW DHEERE IYO GENERAL AXMED JILICOW (alle janadiisa fardowso ha ka waraabshe dhamaantood) iyo kuwo kale oo aan halkaan ku soo koobi Karin.
Siyaasada (ANTI-MUDULOODNIMO) ayaa ah mid lafaha iyo dhuuxa ka gashay kooxdaas dulsaarka ku ah gobolka mudulood ee banadir.
Siyaasadaas kansar ka ku noqotay kooxdaas ayaa dulucdeedu tahay in la is hortaago danaha iyo horumarka mudulood iyo in Nin mudulood ah madaxweyne ama raisulwaraahe dalka uusan ka noqon BAL EEG isku dayadii faraha badnaa ee lagu qaarijin rabay raisulwasaarihii hore ee SOMALIA PROF.DR CALI MAXAMED GEEDI iyo diidmada dadaalada NABADOONIMO ee uu ku howlan yahay RAISULWASAARE COLONEL NUUR HASSAN HUSSEIN (NUUR CADE).

Waxba yuusan hadalku ILA durkine, waxaan ku soo koobi hadalkeygu maxaa keenay in maanta Ra’isul Wasaare Xigeenka Dowlada Somalia Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan inuu ka hadlo arinta gobolka mudulood ee banadir asaga oo 1000 KM meel ka fog gobolka banadir ka yimid?
Arinta maamul u sameynta gobolka banadir waxaa laga tashan dadka gobolka leh cabdisalaana wuxuu u muuqdaa in fulina siyaasadii dhicisoowday ee caydiid ee ahayd in mudulood Marti ka noqdo dhulkiisa.
Dowlada ku meel gaar ah ee somaliya waa mid federal ah oo qof waliba gobolka uu ka soo jeedo inuu ka taliyo ayuu dhigayaa dastuurka dowlada uu mudane cabdilaahi yusuf madaxweynaha ka yahay.
Dhamaan aqoonyahanada,siyaasiyiinta,culumaa’ udiinka,haweenka ,dhalinyarada mudulood waa inaan jawaabta ku haboon ka bixinaa hadalka ka soo yeeray wasiirka warfaafinta dowlada federalka ah axmed cabdi salaan xaaji aadan.


dahir maxamud gaabow

No comments: