Thursday, July 31, 2008

RIYADII A C/SALAAN MA RUNBAA.!!

Marabo in aan ka hor dhaco waxa waqtigaan ka socodo wadanka Somaliya
laakin waxaa layiri ruxaan lasocon waxii la soo maray magarto marxaladda
waqigaan midaa waxaan ula jedaa midka donaya waxa lawada ogyahay in
maanta shacabka dib loogu soo celiyo oo ah dano QABIIL waan ognahay
qabiil in qaran uu noqon karin hadii qabiil wax lagu noqon karo 17 sano ayaa
wax lagu noqon lahaa waxase nasiib daro ah kuwa wali wax ku radinaya

Waxaan lawada soconaa oo ruux kasta ogyahay in waqti aan fogeeyn
Ahmed C/salaan iyo Qabiilka uu ka dhashay iyagoo ku socdo magac qabiil
in Itobiyo u tageen in Ahmed C/salaan R/wasaare laga dhigo laakin midaas
laguma guleysan waxaa lagu yir Somaliya 4/5 ayay wax ku qeybsatay ee
dad kiina dhica ka raaca waxii markaa ka danbeyay waxaa la filayay in
Ahmed uu dhaamo moryaanta wayoo wuxuu mudo ku noolay qurbaha
laakin nasiib daro waxaa kaliya uu soo bartay sida garabatiga loo xirto
midaana waa dhaqanka lagu yaqaano waraabaha wayoo waxaa layiri
Waraabaha wuu dhagor door soomaa laakin madabecad doorsoomo

Ahmed waxaan leyahay intaad baraneysay xirashada garabaatiga waxaa
shacbiga Somaliyeed inta badan bartay dhibatada uu qabiilka leyahay
waxase nasiib xumo ah in wali uu jiro qaar riyadaada run mooday oo
wali garan waxa maantay geedaha hoostoda gaajo lajiifa in uu qabiil yahay
waxa ka soo bara kiciyay guryahoodii walina u sacab tumaya qabiilkii

Ahmed C/salaan riyadiisa waxey la mid tahay qisadaan oo ah
Nin ayaa safar ku yimid magaalo uu dad ka aqoon waxaa uu arkay Nin
Magaalada dagen wuxuu ku yiri waxaan ahay musafur ee walaalow
caawa i marti gali sida dhaqanka Somaalida lagu yaqaanay wuu ka
aqbalay oo gurigisa ayuu ku marti sooray meel uu seexdo ayuu u
diyaarshay is wareysi ka did waa la seexday waxaa riyooday Ninkii martida
ahaay wuxuu ku riyooday asagoo dahab farabaden helay oo sariirta uu ku
jiifo barkinteda gashaday isgoo riyadii wali ku jira ayaa waagi baryay waxaa
ka soo toosay Ninkii martida loo ahaay wuxuu is yiri bal u sii diyaari martida

quraac isagoo wali ku guda jira hoowshii ayaa waxaa soo toosay Ninkii martida
ahaay islamakuu soo fadhiistay waxaa uu kor u qaaday barkinta uu dahabka
xalay gashaday wax ayuu ka wayay waxaa uu firiyay meshii uu jiifay Ninkii uu
u soo martiyay markuu wayay ayuu isyiri waxaa dahabkii labaxsaday Ninkii
isagoo feero qaawan ayuu bakoorad uu watay la soo booday gortuu ilinka ka
soo baxay ayuu arkay Ninkii oo daashka dhax taagan waxuu kula soo booday
bakoortii markuu mid ku dhuftay ayuu tii labaad iska qabtay wayoo Ninka loo
soo martiyay aad ayuu u xoog weynaa kadib ushii ayuu ka qaday oo isagii
dhulka dhigay oo ceego ku haayo ayaa diriskii qeylada ku soo baxay la kulmeen
ruux dhulka jiifo iyo mid ceego ku dhagan kadib markii laga qabtay nasiib daro
waa uu miir door soomay Ninkii soo martiyay wayoo cegadii ayaa wax u dhintay

waxaase la wareestay Ninkii loo soo martiyay wuxuu sheegay sida wax u jiraan
waxaana uu hadalkii ku bolaabay Anigoo ka imid Masjidka saladii MAQRIB ku
soo dukaday ayaa jidka iiga horyimid Ninkaan oo igu yiri waxaan ahay musaafur
ee caawa walaalow i marti gali sidaas ayaa guriga ku wada nimid raashin ayaan
wada cunay kadib waan sexanay goortaan soo toosay ayaa waxaa ku dhaqaaqay
inaan quraacdii u sii diyaariyo anigoo shaqadii ku guda jira waxaan arkay Ninkaan
marti sooray oo feero qaawan oo baakoorad madaxa iiga dhufay waana iska qabtay
waadna u jeedaan dhawaca uu ii geestay mid ka mid ah dhagestayashii ayaa yiri
ma ruxaad soo dhaweysay adigoon waxba u geysan ayaa ku dilaya waa cajiib

Mudo yar kadib markii biyo wajiga laga mariyay ayuu soo toosay Ninkii soo martiyay
waxaa la su,aalay sidey waxa u jiraan wuxuu yiri waxaan ka imid dhul dheer markaan
gabal dhicii magaalada imid ayaan Ninkaan iga horyimid waxaan ku iri walaalow musafur
ayaan ahay ee caawa imarti gali sidaas ayaan halkan ku imid kadib subaxii markaan soo
toosay ayaan waxaan wayay dahab barkinta hoosteda iigu jiray dahabkiina isagaa iga
qaatay wayoo cid nalama joogin ee hadaad nabad iga rabtaan Ninka xoolaheyga iiga
qaada waa layaabay mid ka mida dhagesta yashii ayaa ku yiri war Ninka hadaad marti
galisay dahabkiisa maxaad uga qadatay waxaa asgoo aad iyo aad u yaaban Ninkii loo

soo martiyay la soo booday wax dahaba uu watay ninkaan ma. arag ee ha udhaarto
in dahab aan ka dhacay waxaa hadalkii qaatay nin diris la. ah midka loo soo martiyay
oo aad u yaqaano ayaa yiri aniga mafilaayo in ruux u soo martiyay uu dahab ka dhacaaya
laakin sida uu sheegay waa in uu dhaartaa waxaa la su.aalay Ninkii soo martiyay madigaa
dharaneysid ama asagaa dhaarta Ninkii soo martiyay waxuu isyri hadii layiraahdo isaga
hadhaarto waa uu dharanayaa ileen mesha dahab majiree adiga dhaaro wuxuu go,aansaday
in uu dharto waxaa la keenay kitaab quraan ah waxa layiri gacanta midigta saar ee dhaaro
sigoo qoslaayo ayuu gacanta midig dul dhigay ayaa nin oday ah oo ka soo shaqeyay gobolada
in tooda badan oo dhaqanadooda aad u yaqaano ayaa yiri war Ninka haduu ka yimid gobol
heblaayo wuxuu leyahay dhaar u gaara waa layaabay oo waxaa layiri waa maxaay odayga
oo ah askari hore oo aad u yaqaana Ninkaan gobolkuu ka yimid sida looga dharto ayaa yiri

waxa yar isuga dadkii ayaa is weydiyay odayga muxuu Ninka ku dhaari doonaa kadib
Ninkii ayuu ku yiri waxaad ku dhaarataa makugu QODHAA IYO XERADAA in Ninkaan uu
kaa qaatay dahab aad adigu ledahay Ninkii ayaa ku jawaabay waxaan filayay in dhaartu
tahay kutub laakin midaan waan aqaan oo rag farabadan ayaa horay ugu dhaartay oo
dhibaato aad iyo aad u badan ka raacday sidaas ayuuna dhaartii ku diiday muran iyo
dood dheer ka dib waxey dantu ku laiftay in uu ruta sheego oo uu yiraahdo DAHABKA
RIYO AYAAN KU HELAY dhamaan dadkii goobta joogay waxey hambalyo iyo bagaadin aad u badan u direen ODAYGII dhariyay wayoo haduu kutub dhaartu ay noqon laheydwaxaa shaki ku jirin in uu ku dhaaran lahaa markaasna waxaa dhici lahaa in ruuxa loo soo martiyay in gurigiisa la siin lahaa Ninka ku dhaartay in dahab laga dhacay
Qisadaan ama sheekadaan waxey la mid tahay mida dhax taal Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamed Cumar (M/dheere iyo Ahmed C/salaan waxaan rajenayaa in arinku ku dhamaado Ninkii dhaarta ka dib yiri RIYO AYAAN KU HELAY.
ugu dan beestii riyada Ahmed C/salaan Marumoobi doontaa

QORE
Abdinur M Nur

No comments: