Wednesday, July 2, 2008

Guddoomiyihii Maxkamada Madaniga ee Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe oo iska casilay xilkiisa


Muqdisho, Arbaco, July 02 2008



Sheekh Maxamuud Axmed Xuseen Guddoomiyahii Maxkamada Madiniga degmada Jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa iska casilay xilkaasi kadib markii mudo bil ah uu hayay jagadaasi.Guddoomiyahii Maxkamada Madiniga degmada Jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa iscasilaadiisa ku dhawaaqay, waxana uu istiqaaladiisa u gudbiyay gudiga Madiniga ee degmada Jowhar, iyadoo is casilaadiisa timid kadib markii uu gudan waayay waajibaadkiisa ku aadan Ciidamada Madaniga..Sheekh Maxamuud Jilcanay ayaa muddo bil ka hor waxaa xilka umagacaabay maamulka madaniga ee Magalaada Jowhar oo ay sameeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya.Waa masuulkii ugu horeeyay ee iska casila xilka uu ka hayay magaalad Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ee ay u magacaabeen Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed, mana jirto wax hadal oo ka soo baxay Guddoomiyaha gudiga Madaniga ee degmada Jowhar sheikh Muuse Cumar Cabdi ayaan wali faah faahin ka bixin arrintaas.

No comments: