Thursday, July 31, 2008

Nin la dhashay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Prof Geeddi oo Qabiil ahaan loo dhaawacay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xun oo shalay gelinkii Kooxo Hubeysan oo Qabyaaladeysan ay u geysteen Nin la dhashay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.


Wararka ayaa sheegaya in ninkan la dhashay Cali Maxamed Geeddi ay Kooxo Bastoolado ku hubeysan ku weerareen Deegaanka Ceelasha Biyaha xilli uu saarnaa Gaari uu watay.


Ninkan ayaa lagu magacaabaa Daahir Maxamed Geeddi, iyadoo la sheegayo in dhaawaca uu qabo ay tahay mid halis ah, waxaana haatan lagu soo waramayaa in dhaawaciisa la geeyay Cusbitaalka Keysaney.


Lama oga sababta ka dambeysa dhaawaca loo geystay ninkaas la dhashay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo xilka Ra'iisul Wasaarenimada isaga degay dhamaadkii sanadkii hore balse waxaa la leeyahay waa aarsi Qabiil oo ay ku kaceyso beesha Dul saarka ku ah Gobolka Mudulood ee banadir.

No comments: