Tuesday, July 29, 2008

Wiil Baraxleey ku dhashay Canshuur Hakaa Qaado Xamar Waa Nasiib Daro Muuse Suudi & Qanyare

Oct. 13, 2005
Salaaama Calaykum dhamaan Aragtidda Somaliweyn waxaa rabaa inaa ka hadlo aragtideeda dheer ee xaq aqoon iyo mid Taariqi ah Magaaladdii magac iyo maamuska lahaaa ee Muqdisho iyo maanta

Sida la socon Dalka soomaaliya iyo xaaladiisa maanta waa dareemi karnaaa heerka ay marayso inkastoo uga wacan tahay Sababo badan oo runtii u baahan in bulshada la tuso xag aqoon iyo mid theory ah hadaba anigoo ka soo bilaabayo Ururkii Usc ee 1987 lagu aasaasay magaaladda Roma Ragii maskaxda iyo maalka iyo aqoonta lahaa ee aasaasay

sida Cali Wardhiigleey.Dr Ismaaciil jimcaale Alaha u wada naxariisto iyo Xuseen Cali shido oo maanta ah Retired

Halgame.Runtii mabda ururkaasi iyo sida loo dhisay ma ahayn Dil Dhac iyo Kufsi .waxaa ka tirsanaa Soomaali badan oo kala qabiil ah.Hadafkooda ma ahayn in Dagaalo sokeeyo iyo dhibaato dhacdo dalka soomaaliya balse Ururka yaa wiiqay yaa horseeday dhibaatadda weyn.Hadaba1989 bishii may 04 ayay ahayd Shirkii 3 Geesoodka ah ee lagu sameeyay Magaaladda Mustahiil Jen Caydiid, Cumar Jees, C/raxmaan Tuur kaaso ahaa mid ka masuul ah dhibaatadda xooga leh iyo Dagaaladda sokeeya ee dalka ka dhacay iyo nidaam la, aanta maanta jirto.

16 sano kadib waxaa la dhaxlay Dagaalo sokeeya iyo Dowlada awood lahayn sida Tii Cali Mahdi ee burburiyaya Jen Caydiid oo dhiig badan ku daatay .dowladda C./qaasim oo dhaafi waysay Degmadda Hodan taaso ugu wacneed Siyaasad xumo iyo iimaan daro C/qaasim .Dowlada Kenya ee C/laahi yusuf oo ku wada jiraan Hogaamiyayashii Usc balse maanta xaalad xun iyo wax qabad la,aan soo foodsaartay inkastoo u dhamaan doonto Wadadii kuwii hore oo kale maxaa yeeelay kala qaybsanaan weyn iyo mucaarad baa hortaagan iyadoo loo baahnaa Dib U heshiisiin iyo Balantii C/laahi oo ahayd in oday soomaaliyeed wanaaga ka talin doona dhibka ka qaado shacabka soomaaliyeeed nasiib daro waa mid ku guuldareestay mid siyaasad iyo bulsho..

Mowduuc kor ku xusan marka u soo laabto Nasiib Daro soo foodsaartay Muuse Suudi, Maxamed Qanyare

ama Abgaal Iyo Murusade.Wiil ka yimid Baraxleey inuu Canshuur ka qaado Dadkii Degaanka lahaa waa arin runtii murugo leh Muqdisho waxay ahayd meel loo soo martiyo , Martida lagu soodhaweeyo taariqda xustay dadka degaan ahaaan u leh yahiin Dad martida Soorto degaan ahaan Reer Xamarta ,Abgaal iyo Murusade sida dhabta ah ee ku qoran qarnigii 9 aad.Muqdisho oo soo martay marxaladda kala duwan xiligii 1967 waxaa xasuustaa dilkii C/rashiid Cali sharmaarke ee magaaladda Laascanod in meydkiisa la keenay magaaladda Xamar si loogu duugo waxay keentay buuq badan iyo xitaa loo diido in lagu duugo dhulka Beeshii lahayd ee Murusade waxay qaadatay mudo markii danbe la xaliyay oo si habsami ah looga duugay C/rashiid Cali Sharmaarke Alaha u naxariisto. Qabuuraha Qaranka ayay ahayd xiligaa waxay ahayd Goof markii danbe waa laga gaday ninkii Murusade ee lahaa Goofkaa kadib lagu duugay Alaha u naxariisto C/rashiid Cali Sharmaarke runtii arintaasi oo gaartay Ragii siyaasiyiinta Majeerteen ka xumaadaan balse lahaanshaha Dhulka waa mid in la taxgaliyo mudan ..

Hadaba Dagaaladda Sokeeya iyo dhaxalkiisa Waxaa la socona in maxamed siyaad bare dowladiisa ridin kuwii Usc Mustahiil lagu sameeyay balse ahayd arin Kacdoon shacab oo ka dambeeyeeen Usc Roma fikradooda. Markaas kadib waxaa soo Hayaamay Ciidamo ka yimid Galkacyo, Galgaduud iyo meelo kale isbedelo badan kadib waxau keentay in xamar loo soo qaxo mid geel raaci jiray iyo mid abaar soo foodsaartay la yiri xamar waa meel dad lahayn ka soo tag.

Maanta waxaa dhacday in lagu heshiiyay in isbaarada xamar daadsan la qaado dhamaan Muuse Sudi, Qanyare, Osman cato iyo kuwa kale waxaa la wada soconaa in Qanyare iyo muuse suude markiiba Qaadeen si Dadyowga degan nabad u helaaan inkastoo Beeshii Osman Caato iyo Xuseen Caydiid ay Arintaasi ka soo horjeesteen BBC waxaa laga wareestay Osman Caato Afkiisa ka yiri Wiilsha Isbaaro u taal maalintii waxay helaan 25 malyan ee meel hala saaro,Taariqda markaa dib u fiirisid Dagaalkii 2aad waxaa la xasuuqay Yahuud badan kadib ka soo carareen Nazigii Hitler. Maanta hormar ay gaareen waa la wada ogsoon yahay in la xuso sanad walbo oo Magdhow la siiyo maraykanka iyo yurub xataa dowladda Jarmal baa waajib ku ah inay bixiso hadaba Hadalkii Osman Caato ee BBC waxay ka turjumaysaa sidii Yahuuda maanta loo siiyo Magdhow in la siiyo, Maxaa yeelay wiilashaasi meel ay u laabtaan ma laha Dhaqaalo uma hayaaan ama hadii kale waa isbaaradda taaso maanta weli taagan tahay.Wiilasha Baraxleey ka yimid ee canshuurta ka qaado Wiiilasha ama Gabarta Caanaha ka keento Balcad iyo Afgooye ee Abgaal&Murusade waa nasiib daro Beelweynta Abgaal&Murusade .Waxaa la wada soconaa in Galkacyo Canshuur ka Qaadaan Maamulka Puntland Garoonka Airport ku yaala Dhinaca Beesha Sacad ee maamulaan Maamulka Puntland Wiilka Sacad markuu u gudbaya Dhanka Puntland in hubka dhigo Sharcigana Raaco Canshuurta baxiyo maxaa keenay in Wiil ka yimid Baraxleey oo maanta dhul uu lahayn Canshuur ka qaado.???

Hogaamiyayaasha Abgaal iyo Murusade Waa in shiraaaan sidii loo xalin lahaaa Qilaaafaadka yar yar ee ka dhaxeeya lana xaliyo wax kasto ha qaadato. Abgaal/Murusade waa dad dagaal iyo nabad soo wada maray halgan dheer ka dhaxeeya waa Dad 100 sano ka hor dhalasho iyo dhaqan ka dhaxeeya Wiilka Abgaal/Murusade runtii mar walbo aragto waa labo is laha Xiriirka ka dhaxeeya Gudaha iyo dibadda waa mid ka sareeyo qowmiyadaha kale Hadaba Aqoonyahanka iyo Waxgaradka labadaasi beelood waa inay bilaabaan Gudaha iyo Dibadda sidii looga hadli lahaaa inkastoo Dibadda ka bilaabatay sidii loo soo celin lahaa Walaaltinimadda iyo Wadadhalashadda iyo dhaqanka Abgaaal/Murusade .

Hadaba Waxaa iga talo ah Walaaltinimadda Hawiye waxay qiimo iyo sharaf leedahay marka la isku tixgaliyo Deegaanka leeyahay .Beesha H/gidir waxaa kula talin lahaaa inay dib uga laabtaan dhulkooda.Dulqaadka Abgaal/Murusade ee 16 sano waa garan waydeen Dagaal waxa loo galay waa H/gidir iyo dhibka lagu hayay Dowladii Siyaad bare runtii sida aaminsanahay marka Walaaltinimadda waa inaa Sharaftaa Xamar ma ahan Degaan Hawiye ama mid H/gidir oodhan maamulkeeda waxaa iska leh Dadka u dhashay Xoog waa aragtay Guuldaro mooyee wax kale lama kulmin waxaa talo ah Osman Caato.Husein Caydiid iyo dhamaan Bahda H/gidir waa inay arinta xamar faraha kala baxaan dulqaad danbe waa dhamaatay Anigoo aaminsan waxaa ugu wacan Abgaal.Murusade oo lagu dhex jiro balse dhamaan doonto Qanyare/Muse Sudi Waxaa kula talinaa Waa aragtaan Howshii Xamar inay ka soconwaysay Wiil Galkacyo/Galgaduud ka yimid ee Dantiina waa inaa idinka horta heshiisaan dhamaan labada beeel kadib Wax ka qabataan Mid ka yimid Galkacyo/Galgaduud inuu Canshuur ka qaado Caanaha Iyo Qoryaha keeno Xoog ku heesto Beero’

Wasalaama Calaykum

1 comment:

Unknown said...
This comment has been removed by the author.