Wednesday, July 16, 2008

Waaxdii Bulaacadaha ee dawladda Hoose ee maamulka Gobolka Mudulood eeBanaadir oo bilowday
















Waaxdii Bulaacadaha ee dawladda Hoose ee maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir oo bilowday inay furto Marinadii ay mari jireen Biyaha Wasaqaysan si Badda loo raacsiiyo. Iyadoo ay dhawaan Dib u Hawl bilaawday Waaxdii Bulaacadaha ee dawladda Hoose ee maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir ayaa waxaa haatan mar kale dib loo furay Mid ka mid ah Dhumihii Qaadi jiray Biyaha wasaqda ah iyo Qashinka ee ku tiilay degmadda C/Casiis ee magaalada Abgaal Town ee Muqdisho.Waaxdda Bolaacadaha ee Dawladda Hoose ayaa waxay dhawaan hawlo Dib u habeyn iyo Dayactir isugu jira ka bilaawday Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Mudulood ee Banaadir, ka gadaal markii ay magaaladda Abgaal town ee muqdisho Noqotay Goobo Badan biyo qabatin leh , isla marakaasna ay Noqdeen Goobo ka mid ah degmooyinka gobolka Mudulood ee Banaadir Meel ay maritaankeeda ka caagaan gaadiidka iyo dadka labaduba, ayana noqdeen meel ay isugu yimaadaan Biyaha ka dhasha Roobabka koone ka koonana ay iskaga yimaadaan isla markaasna ay fadhiistaan Goobo badan oo ku yaalla magaalada Abgaal Town ee Muqdisho, taas oo keentay in ay hal meel iskugu soo uruuraan ayna ka dhashaan cuduro iyo nadaafad dari tii ugu xumeyd.Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa dhawaan waaxdda bulaacadaha ee dawladda hoose ee hawlahaasi ku guda jirtay in dhaweyd ayaa waxay masuuliyiinta waaxdaasi waxay ku casuumtay Qeybo ka mid ah warabaahinta gudaha iyo dibadda si ay u arkaan waxqabadka waaxdaasi.Warbaahinata lagu casuumaya ka sukow waxaa isna ahalkaasi lagu casuumay mid ka mid ah ku xigeenadda Maamualka Gobolka Mudulood ee Banaadir ee dhinaca arimaha bulshadda Maxmed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur) maadama la sheegay in ay arimaha bulshadda ay waaxdaasi toos ah u hoos tagto, wuxuuna uu halkaasi dhigay dhagixii ugu horeyay ee lagu muujinaayay hawlahaasi, iyadoo durbaba ay hawshaasi horay u idlaatay, roobabkii dhawaantaan ka da'aayayaana ay biyihii ka dhashay ay marinadaasi si too ah badda ugu shubeen, taasi oo noqotay mid laga gaaray ujeedaddi laga lahaa .Hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay Md. dhagaxtuur ayuu ku gubaabiyay hawlwadeenadda gacanta ku haya hawshaasi in ay laba laabaan si looga gaaro ayuu yiri ujeedkii laga lahaa dib u dacyactirka iyo dib ua habeeynta qeybo ka mid ah bulaacadaha ku yaalla magaaladda Abgaal Town ee Muqdisho.

No comments: