Saturday, July 19, 2008

Olole Nadaafadeed oo socon doona Muddo 10-Maalmood ah oo maanta ka bilowday xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Abgaal Town ee Mogadishu.






Waxaa manta si rasmi ah xarunta Villa Soomaliya uga bilowday Olole nadaafadeed oo socon doona Muddo 10-cisho ah, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan Boqlaal dadweyne oo ka kala socday lix Degmo oo Gobolka Mudulood ee Banadir Hoos taga.

Boqlaalkaan dadweyne ayaa waxey ahaayeen Degmooyinka ay ka kala socdeen Waaberi, Xamar Jajab,X/Weyne,C/Casiis, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, kuwaasoo ay horkacayeen Gudoomiyaashooda.

Ololahaan nadaafadeed ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya gaadiid loogu tallogalay in lagu fogeeyo qashinka laga nadiifiyo, kaasoo la geynaayo goob cayiman si loo dhowro nadaafadda Guud iyo Bilicda Magaalada Abgaal town ee mogadishu.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay iska arkeen Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir, waxeyna si weyn uga wada hadleen sidii loo qaadi lahaa ololahaan nadaafadeed oo lagu qurxinaayo bilicda magaalada Abgaal town ee mogadishu.

Dadweyne gaaraya Boqolaal ruux oo ka kala socday lixdaasi degmo ayaa durbadiiba bilaabay inay ku dhaqaaqaan ololahaasi, waxaana hadalo dar daaran ah u jeediyay Maxamed Cusmaan Cali Dhagax Tuur, oo ku booriyay in Mudada 10-ka Maalmood ah ay si habsami ah uga qeyb qaataan howshaas baaxadda leh.

Sidoo kale Md.dhagaxtuur waxa uu sheegay in lagu qiimayn doono degmo kasta sida ay howsha ay u qabato, waxaana degmooyinka lagu wargeliyay in tartankaasi ay ku jiraan abaal marintana la siinaayo degmadii hoshaasi ku guulaysta.

No comments: