Monday, July 21, 2008

Maxay tahay ujeedada ka dambeysa Bandowga Maxkamadaha ku soo rogeen Jowhar


Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa soo maray maamulo badan oo is bad badalay kuwaas oo awood kala duwan ku socday ka soo bilow maamulkii Maxamed Dheere oo mudada 5 sanno iyo 3 billood majaraha u haayey maamulka gobolka oo gaar siisay amaankii ugu fiicnaa ee uu gobolka helo Min Jowhar ilaa iyo dhulka xeebta Warsheik iyo Caddale, sidoo kale maamulkii ka dambeeyey ee Maxkamadaha islaamiga ee lixda bilood ee ay dalka ka talin jireen sidoo kale aan sii raaciyo Maamulkii DFKMG ay gobolka u soo magacaabeen ee uu Guddoomiye Deelle horkacaayey intaa oo maamul mid walba dhaliisha ayaa uu lahaa iyadoo xagga amaanka iyo maamul wanaaga ay ku kala duwanaayeen Maamuladaas.



Haddaba marka laga soo gudbo intaa oo dhan waxaa manta gobolka ka jira maamul la’aan, waana gobolka kaliya ee ay ka arrimiyaan maxkamadaha islaamiga haddana sidaa ay tahay waa ay adag tahay in ay ka dhisaan maamul la isku raacsan yahay waxaana gobolka uu muuqada dayacaad xagga maaamulka iyadoo ay maxkamadaha islaamiga hore u kala direen Maamulkii Madaniga ee Magaalada Jowhar iyo Ciidamadii uu lahaa sidoo kale kama muuqdo dhexdooda isku kalsoonaan iyadoo uu jiro is barbaryaac oo aan jirin amar kala xaddeyn kara iyadoo wadaad kasta uu ciidankiisa u gaar yahay.



Dadka deegaanka ayaa marka aad la sheekeysato ay kuu sheegayaan in aad u cabsi u dareemayaan maalmahaan maadaama uu soo batay ciidamada maxkamadaha oo qaarkood ay yihiin kuwa aan hore loogu arkin deegaanka waxayna tan keentay in ciidamada maxkamadaha laf ahaantooda ay cabsi ku abuurmatay iyagoo la kala garan la’ yahay ciidamada is barbaryaacayo waxayna ugu dambeyn sababtay in la soo rogo Bandow aysan dadka deegaanka garan sababta iyo micnaha ka dambeysa



Mid ka mid ah ganacsatada deegaanka oo diiday in magaciisa la xuso ayaa yiri waa xukun kala talis oo kale ma aqaan sababta keentay in Bandowgan la soo rogo waxaana filayaa in uusan jirin isku kalsoonaan xagooda wuxuu shaqsigaan hadalkiisa ku gaba gabeeyey malaha waa maamul xumadoodii ay nagu hayeen mudada 6 bilood ee ay koonfurta soomaaliya ka talinayeen



Gobolka ayaa iminka uu ku jiraa xilligii ugu adkaa inta maamul ee uu soo maray iyadoo iminka ay gobolka gebi ahaan isaga baxeen shaqaalaha hey’adaha sidoo kale mamnuuc la saaray in diyaarada Qaramada midoonay iyo kuwa reer yurub ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee Jowhar waxaana taa ay ku sifeeyeen inuusan jirin maamuul lagala xaajooda arrimaha ban’aadanimo ee loo qabanayo dadka deegaanka oo iyagoo tacabkii ku xumaa ay ugu darsameen sicir barar iyo qaxooti xoogan oo ka yimid magaalada Jowhar



Dhinaca kale ayaa jira warar la isla dhex maryo oo sheegayaa in Bandowga uu ka dambeeya cabsi ku timid ciidamada maxkamadaha kadib markii ay soo gaartay in ciidamada miliatari iyo boliis isugu jira ee dalka Ethiopia lagu soo tababaray ay qaarkood ku soo fool yihiin gobolka oo la rabo in soo galbiyaan maamuul uu wasaarada arrimaha gudaha la filayo inuu u magacaabo gobolka

Haddaba waxaa ilaa iyo hadda si buuxda loo garan la’ yahay waxa ay ciidamada maxkamadaha ay ka damacsan yihiin gobolkaan shabeelaha dhexe oo ah gobolka xagga wax beerida caan ku ah

No comments: