Wednesday, July 2, 2008

Maxaa nabadda xamar cirbad ceel ku dhacday ka dhigay

Waxaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo xaaladda aan kor ku soo sheegay anigoo daba joogo qoraal bogga Dayniile ku soo baxay oo ahay (Beesha USC oo ka dhamaan la`sameynta ururo aan laheyn waxqabad) oon aniguna aan leehay suubinta guddiyo aan wax lagu dheefin.
Waxaa aniga ii muuqato in dadka deggan Xamar ey eheyn dad dantooda yaqaano run ahaatiina aan ku fikireyn in magaaladaasu nabad naqato, waa dad aan ku xisaabtamin xaaladda dhibka badanleh oy maalinwalba ku suganyihiin sidii ey uga bixilahaayeen waxeyna qafas ama xero ugu jiraan dad dantooda u arko in silicaan lagusii jiro kuwaasoo aan u arkaayo iney kala yihiin
1-Nimanka siyaasiyiinta isku sheego ama wasiirada hubeysan hase ahaatee weli magacoodi hore wato oo ahay dagaal ooge taasna aad ka fahmeysid ficiladooda.iyagoo dhegta loogu sheegay in haddii ey dalka ka dhalato dowlad sharci ah ey weyhaayaan xoolaha iyo saldanada ey hadda heystaan welibana lagula xisaabtamidoono ficiladii ey geysteen intii dalku dowlad laĆ anta ahaay kuwaasood arkeysid markii aad istiraahdid nabadaa soo dhaw qeelo dhaan aan waxba ka jirin u ololeeyo dadkana ku jaha wareerio si aan looga fikirin wax qabad la aantooda tusaale ahaan balankii ey ku qaadeen iney Xamar iyo nawaaxigiisa ka qaadaayaan jid gooyoyinka nabadna ka dhigaayaan arrintaasoo soconweyday wax cudurdaar ahna aan shacbiga la siin shacbiga naftiisa isweydiin meeshi ey ku dambeysay arrintaas.
2-Meediyada Xamar sida (Raadioyaasha, Tvyada .Wargeysyada iwm) oo kuligood u shaqeeyo dana gaar ah leeyihiina dad gaar ah weligoodna aan u sheegin dadka dhegeysto waxa runtu tahay sheegana oo kali ah waxa ninka leh iyo jufadiisa u dan ah majiro ogaantey mid ka min ah meediyadaas aan kor ku soo sheegay oo dadka ku hanuuniyo dantooda iyo sidii ey isaga qabanlahaayeen kuwa af duubka ku heysto majiraan doodo leesa horkeeno dagaal ogayaalka iyo shacabka.
3-Ururo isku sheego iney bulshada wakii ka yihiin hadana aan wa qaban , si toos ah ama dadban ula shaqeeyo dagaal ogayaasha weli ma maqlin mana arkin banaan baxyo ey qabanqaabiyeen kuwa isku sheegaayo iney bulshada Xamar wakii ka yihiin oo looga soo horjeedo falalka gurracan oo ey ku kacaan dagaal ooga yaasha mamaqlin ayagoo migrofana qaatay oo bulsha ku hanuunihaayo sidii afduubka lagu heysto uga bixilahaayeen.
4-Maxkamado isku sheego iney yihii Islaami hase ahaatee qabiili ah oo u shaqeeyo danaha qabiilada ey ka soo geedaan kuna been abuurahaayo diinta islaamka waase si ey raliga dadga masaakiinta ah oon wax garan uga faaiideystaan tusaale ahaan maxkamad ka falgelikarto majirto meel ama deegaan owna degganeyn qabiilkooda wase hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah lagula xisaabtamidoono ficiladooda guracan
Xaalka Xamar aniga sidaas ow iila muuqdaa waxaase isweydiin leh dadkaasu wax maku heshiinkaraan oo eheyn in xaaladdu sidaas iska sii ahaato?
Markii aan u soo naqdo ururka USC waxey aniga ila tahay in dadka urukaas ku abtisado eyna weligood wax ku heshiinkareyn haddii ay ku heshiiyaana eyna fulikareyn taasoo ey sabab u tahay dadkaas oon isku ujeedo eheyn iskudanna eheyn ururka waxaa ku wadajiro dad rabo in wadciga hadda lagujiro laga baxo dowlad qarana lahelo,waxaa kale oo kujiro kuwo dantooda u arko in sidaan lasii ahaado oo qorsho walbo oo nabad lagu gaarikaro kala daadihaayo qoshahooduna yahay inaan dowlad la heli iyo kuwo aanba ogeyn waxa eyrabaa marbana meel raaco
Waxaan ugu dambeystii ururkan dadkiisa u arkaa inta rabto in dhibka lagusii jiro ey ka fificoontahay inta rabto in dhibka laga baxo.

Qore M.M.(Geeddow)
E-mail geddow@hotmail.com

No comments: