Wednesday, July 16, 2008

Itoobiyo walaalaan nahay dadka xamarna waa cadow

Markaad fiiriso habdhaqanka taageerayaasha u adeega gumeysiga ee uu madaxda u yahay Col Cabdulaahi Yuusuf waxay hal qabsi ka dhigteen ciidamada Itoobiya aan walaalnahay ayaa howlgal ay sameyeen ku soo laayey rag Soomaaliyeed oo Cadow ah oo ka soo hor jeeda danaha reerkeena iyo kan Itoobiya.
Waxaa cajiib ah walaalnimada Itoobiya laga raadinaayo oo Soomaalida kale laga raadineynin waxaase cajiib ah hadii xoogag shisheeyey cid waxa ku noqoneyso maa lagu tusaalo qaato Xamiid Karsaay iyo Dalabaaniga Ciraaq oo iyagu muda ku haayey in ay xoog wax ugu maquuniso dowlada aduunka ugu weyn ee Mareykanka ..
Dadka Soomaalida ayaa aad ula yaaban xalka ay Itoobiya Majerteen wax ugu qabaneysa oo Ogaadeen wax ugu qaban ladahay mise waxaa ka dhaadhacsan in Itoobiya uur is kala soo baxeen Maxamuud Saleemaanka xukunka ku waashay .


Bal fiiri aqli xumada Maxamuud Saleemaan Gaalkacayaan qad cagaaran ka sameynayaa dadka ka yimaada magaalada Abgaal town ee xamarna xoog iyo taangi Itoobiyaan baan ku xukumaa ma noqon kartaa aqli u cutami karo dadka wax garta ee xiligaan la soo jeeddo sida madaxaweynha sheegtay in uu soo jeedo habeen iyo maalin
Waxaase wax laganaxo ah markaad aragto shaqsi Soomaali ah oo ooyaayo hadii Itoobiyaanka wax la gaarsiiyo hadana farxaayo hadii Soomaali wax la gaarsiiyo taasoo ku tusineyso cadaawada qotoda dheer ee dadkaasi ku jirta, arinta hadda taalo waa Keygana anaa leh kaagana kula lihi Haday Itoobiya wax u qabaneysa Soomaaliya kuway gumeysaneysay 100ka sano bay wax u qaban lahed waxaana meeshaasi ka muuqan lahaa wanaagay qabatay taana waxay Soomaalida kala ka kulmi laheyd in caleemo qooyan lagu soo dhaweeyo taana ma dhicin nasiib xumo iyadoo dhiigii walaahaha Soomaaliyeed Afka ku wadatay tiim waxaana laga hor geeyo xabad kale.

No comments: