Tuesday, July 8, 2008

Maamulka Gobolka Banaadir oo si xoog leh u difaacay Bur Burinta uu ku hayo dhul ku yaal Degmada C/casiis

Maamulka Gobolka Banaadir oo si xoog leh u difaacay Bur Burinta uu ku hayo dhul ku yaal Degmada C/casiis ee magaalada Abgaal town ee Muqdisho.Iyadoo ay maalmahaan danbe jireen cabashooyin iyo qeylo dhaan ka soo yeeraysay qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada C/Casiis , gaar ahaan xaafadda Lowya cadde,taas oo maamulka Degmada C/Casiis, Shaqsiyaad gaar ahaaneed iyo Maamulka Gobolka Banaadirba ay bur burin ku hayeen dhulkaas.Dadweynaha ku dhaqan Degmadaasi ayaa waxy maalmihii ugu dambeeyay ay ka cabanayeen iyagoo ka hadlaayay warbaahinta gudaha ah, sheegayayna in dhul ay dagaanaayee muddo 70-sanno ka badan haatan cagaf cagafyo la geliyay, iyagoo sheegay inaysan heysan meel kale oo ay ku hoydaan, iyagoo ku andacooday in maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir doonayo inuu dib u cabiro siiyana shaqsiyaad kale oo aan shaqo ku lahayn.Qeyla dhaanta dadkaasi ka soo yeeratay awgeed ayuu Gudoomiyaha Gobolka Mudulood ee Banadir waxa uu xafiiskiisa ka soo saaray qoraal cad oo saxaafda loo qeybiyay kaasoo u qornaa sedan:



No comments: