Tuesday, July 29, 2008

Magaalada Jowhar oo lagu uruurinayo ciidamo daacad u ah garabka Jabuuti ee Isbaheysiga Xoreynta iyo Masuuliyin laga yaabo halkaasi in ay gaaraan.

Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi si xoogan ay kaga socdaan olole maleeshiyaad lagu uruurinayo kuwaasi oo si toos ah kaga amar qaadan doona Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabka Sheekh Shariif ee Jabuuti.

Maleeshiyaadkaasi la uruurinayo ayaa loo ballan qaaday lacago mushaaraad ah iyadoona hub fara badan lasoo gaarsiiyay,xilli magaalada Jowhar dhaman la sheegayo dhalintii joogtay in ay isku wada qoreen ciidankaasi.

Saraakiil ku heyb Hogaamiyaha Isbaheysiga garabka Jabuuti Sheekh Sharif ayaa howlahaasi cidan uruurinta wada,waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in haatan boqolaal maleeshiyo ah la hayo.

Warar kale ayaa sheegaya in saraakil sar sare oo ku sugan Jabuti in ay kuso fool leeyihin magaalada Jowhar halkaasi oo ay ka abaabulayaan olole xoogan waxaa la sheegaya in laga yaabo beesha Caalamka in ay usuuragaliso xubnaha jabuuti in ay xarun rasmi ah ka dhigtaan magaalada Jowhar.

No comments: