Friday, July 4, 2008

Horta waa Kuma Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi?? weligaa ma is weydiisay???


Zakariye isagu waa Ayo?
Zakariye wuxuu ka mid yahay dadka aaminsan in diinta islaamka aan wax lagu xukumin, waxaana taa kuu cadeynaya waa shakhsiga keliya ee isu soo taagay doorashada Mayor-ka LONDON, inkastoo ay ka aheyd halagu arko oo qof walba ogsoonyahay in Zakariye oo heerka uu Soomaaliya ka joogo la ogyahay aysan macquul noqon Karin in LONDON Mayor looga dhigo, hadana ujeedadeydu waxay tahay qofkaa isu soo taagay arrintaas ma kula tahay in Diin Islaam aaminsan yahay? Waxaa sidoo kale lagu xantaa, in uu la shaqeeyo Dowladda Masar oo ah saaxiib aad ugu weyn mareykanka iyo la dagaalanka diinta Islaamka.
Zakariye waa shakhsiga ugu dhoofista badan Soomaalida, waxaana lagu qiyaasaa hantida ku baxda hoteelada iyo dayuuradaha uu isaga goosho caalamka iy ay ku dhowdahay 500,000 oo doolarka mareykan ah sanadkii.
Dhaqaalaha intaa le'eg xaggee ka keeni karaa qof aan shaqeyn, caruurtiisuna qaxootinimo ku nool yihiin wadamada yurub?
Soomaalida waxyaabo badan ayaa isaga khaldan; waxaad arkeysaa mid xuurteysan oo ku leh Mujaahid Zakariye. Ma ka hor-imaanshihii uu ka hor yimid Sh. Shariif ayuu Mujaahid ku noqday? Cajiiiib!!!.
Zakariya iyo xuseen ceydiidba waxay ka mid ahaayeen maamulka KMG ah ee C/laahi Yuusuf madaxda ka yahay.
Wuxuu Zakariye aad u baadi goobay siduu uu wasiir uga noqon lahaa maamulkaa. Waxaase la haray madaxweynaha hadda C/laahi Yuusuf oo geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay in Zakariye uusan dowladdiisa ka mid noqon.
Kadib xanaaqii Zakariye wuxuu keenay in uu soo qaato shaar Muqaawamo, taas oo dadka aan anigu ka mid ahay fajiciso ku noqotay. Su'aasha qof walba is weydiinayo waxay tahay Zakariye muxuu Kacdoonkii ku biirshay? Xitaa wiil uu abti u yahay ma keenay? Lacag halkeeda ha joogtee…. Muxuu hadda ka yahay, muxuuse ku soo kordhin karaa? Marka sow arintu ma aha haddii prof. Caddoow yimaado Zakariye daaqadduu ka baxaa.
zakariya waa nin daarood ah oo raba in dagaalku sii socdo si hawiye loo gumaado balse aan aragno meesha ay ku dhamaato.

No comments: