Tuesday, July 29, 2008

Jaaliyadda Beesha Mudulood ee Dalka Ingiriiska oo Maanta Lacago Deeq ah uqaybiyay Barakacayaasha Waqooyiga Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho.




Deeqdaan oo ay soo dhiibeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol ee dalka ingiriska ayaa waxa ay gaareysay ilaa 2.280$ Doolar iyadoo la gaarsiiyey kaamamka ay ku noolyihii dadka tabaalaysan ee mirinaayo,iyo sh/cali cabdulle iyo isbitaalka kaydsaney oo ay jiifaan dad dhaawacya qaba.

Deeqdaan oo ay soo dhiibeen jaaliyadda soomaaliyeed eek u nool magaalada Bristol ee dalka ingiriska ayaa waxa ay gaareysay ilaa 2.280$ Doolar iyadoo la gaarsiiyey kaamamka ay ku noolyihii dadka tabaalaysan ee mirinaayo,iyo sh/cali cabdulle iyo isbitaalka kaydsaney oo ay jiifaan dad dhaawacya qaba
Deeqdan oo ay soo dhibeen jaaliyadda mudulood ee Britain ayaa waxaa loo soo marsiiyey dadka kala ah: Axmed Nuur Fiidoow, C/laahi Maxamed Nuur ‘Shuuci’, Bile Faarax Salaad, Cumar Xaashi Sabriye iyo Cabdi Muxiidiin cali.



Deeqdaan qaybinteeda ayaa waxa loo soo wakiishay madaxa maamulka isbitalka keysaneey Dr Cali yuusuf Maxamuud (cali bille) isagoona gaarsiiyay kana qaybiyay kaamka mirinaayo,dadka waalwaalan iyo kuwa xanuunsan eek u jira mowlaca sh/cali cabdulle iyo isbitaalka kaydsaney oo uu kala gaarsiiyay deeqdaasi lacageed oo qayb waliba ay ku soo aaday in ka badan 760$ oo u dhigmaysay 25 milyan iyo 600 sh.so ah
Deeqda ay soo dhiibeen jaaliyadda UK ee beelweynta Muddulood meelhii la gaarsiiyey waxaa ka mid aha kaamka sheelh cali cabdulle halkaas oo ay joogeen dad dhibaataysan oo ay ka muuqatay dhibaato aad u culus iyo gaajo aan yareyn, iyadoo dadkaasi ay muujinayeen farxad la xiriirta lacagtan deeqda ah oo la soo gaarsiiyay waxaana dadkii lacagtaan u soo direy ilaah uga wada baryeen in ilaah uu ugu badallo wax ka khayr badan.
Labada kaam iyo isbitaalka keydsaneey ayaa midkiiba waxaa la geeyey lacag dhan 760$ qayb kasta , iyadoo aanay dabooli Karin baahida ka jirta xeryaha iyo isbitalka kaydsaney baahidii ka jirtay iyadoo la moodo in la iska ilaabay dadka barkacayaasha ah iyo kuwa liita eek u nool qaybahan haatan deeqda la gaarsiiyay

No comments: