Tuesday, July 29, 2008

Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir Max’ed Dheere oo Xilka Laga Qaaday (Faahfaahin


Golaha Wasiiradda oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho ayaa looga dooday Arimaha Gobalka Mudulood ee Banadir waxayna kusoo Gaba gabowday xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Mududlood ee Banaadir ahna duqa magaalada Abgaal Town ee Muqdisho Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed.Dheere".
Xilka qaadistaani ayaa waxaa cod aqlibiyad ah ku aqbalay golaha Wasiirada waxaana kasoo qeyb galay kulankaani 11 Wasiir iyadoo aysan soo xaadirin afar Wasiir halka sedex aanan wali la magacaabin waxaana codkii la qaaday 7 ka mid ah ay go'aan ku gaareen inuu xilka iska dhigo Maxamed Dheere halka ay laba diideen labana ka aamuseen.


Golaha Wasiiradda Go'aankaan ay maanta Qateen ayaa waxa horay warbahinta uga sheegay in uu miiska u saran yahay Golaha wasiirada Maxamed Cabdi salaan wasiirka warfaafinta ahna wasiirka dhalinta iyo isboortiga tasoo uu ka caradooday hadalkaas Gudoomiyaha markii uu warbahinta uu sheegay wasiirka goor hore "Maxamed.Dheerena uu ka jawaabay , arinka maanta weli kama uusan hadlin xil ka qaadista lugu sameeyey ,balse dad badan ayaa dhowraya Gudoomiyaha gobalka Mudulood ee Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb inuu ka hadlo kuwasoo dhagta u wada tagaya sidii ay u maqli lahayeen hadalkiisa .



Maxamed Dheerre ayaa waxa uu ka mid ahaa Xubnaha talada laga weydiiyo Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho ,wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ay aadka isugu dhow yihiin Madaxweyne Cabduullahi yusuf walow ay jirtay inay mararka qarkood ay isku dhaceen sidoo kale wuxuu si aad ah uga soo horjeeday weerarada lugu qaado dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.


Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha ayaa ku guulaystay inata aysan ka sarin maxkamadihii midow Magalada Mudulood ee Jowhar inuu kadhigo magaalo amaankeeda si weyn loo adkeeyay tasoo kaliftay dowladda ku meelgaarka ah inay ka dhigato xarun ku meel gaarka ah .

Gudoomiyaha gobolka ayaa waxaa sidoo kale uu wax ka qaban wayay amaanka Magalada Abgaal Town ee Muqdisho kasoo uu noqday amaanka maalin maalinba ka danbeeyo mid amnigeeda uu gacanta ka sii baxo tasoo ay ugu wacan tahay isdhaxyaaca ka jira dowlada federaalka iyo taliyaha Boliiska Cabdiqaybdiid iyo taliyayaasha amaanka oo aysan dacad ka aheen inay amaanka wax ka qabtaan ayna qayb ka yhiin amaan darida ka jirta magaaladda iyagoo u wada shaqaynayay sidii inay weli yahiin hogaamiye koxeed nidaamkana aysan waxba ka aqoon qaarkoodna ay xirteen garado aysan laheen .


Xil ka qaadistaan maanta lugu sameeyey Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sidoo kale waxaa loo bahan yahay in xil ka qadis lagu sameeyo dhamaan qaybaha ku guul daraystay wax ka qabashada amaanka Gobolka uuna kusoo xigsado Talyiha Cidanka Booliska Cabdi qayb diid sidoo kale dhamaan hay'adaha ku fashilmay inay wax ka qabtaan dhinaca nabad galyada magaladda Muqdisho sidoo kale madaxda Cidanka xooga dalka ee cidankooda ka dhigay moore xoolo ku xaraysan oo markii la doono loogu soo dhaco oo wixii la rabo laga dilo maalinkiina ku mush quulsan inay isbaaro dhigtaan ay dadweynaha dhacaan.

Golaha Wasiiradda ee maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho kana dooday Arimaha Gobalka Mudulood ee Banadir talabadaan ay maanta qadeen ayaa waxaa looga bahan yahay inay qadaan dhamaan talaboyinka ku haboon in laqaado hadii ay ku ekadaan talabadaan oo kaliya waxa ay noqonaysaa mid aan waxba soo kordhindoniin talabada ay maanta qadeen wadciga amaan darana aan waxba ka badeli donin kuwa amaandarada ka sheqeeya ee ku kala jira qaybaha dowlada ayaa arinkaan waxa uu u noqonaa mid ay ku gulaystaan amaandaradii jirtay inay kasii darto .

No comments: