Tuesday, July 8, 2008

Maamulka Gobolka Banaadir, Hey'adaha Samafalka iyo Talyaasha Qeybaha Ciidamada oo maanta Yeeshay Kulan xaasaasi ah




Kulan balaaran oo si weyn loogu lafaguray arrimaha amniga iyo Howlaha Gar gaar ee Hey’adaha UN_ka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada abgaal town ee Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Hotel Global ee magaalada Muqdisho.Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyasha Qeybaha kala gedisan ee Ciidamada iyo xubno ka socday Hey’adaha hoos taga UN-ka ee kala ah UNICEF, WFP , Iyo WHO .Kulankaasi ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sheegay in uu u baahan yahay Gobolka Mudulood ee Banadir in loo tababaro Ciidamada Sugaya Amniga, Lana siiyo Qalabka Isgaarsiinta ee ay ka howlgeli lahaayeen ciidamadaasi, in sidoo kale laga kaalmeeyo dhisida wadooyinka bur bursa nee saahda gar gaarku martu, Dekadaha, Eriboorada iyo tababarada Ciidamo u ek kuwa Madaniga.Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo Koronto iyo Biyo Nadiif oo dhamaystiran, si loo hormariyo arrimaha Gobolka, wuxuuna sidoo kale maamulku u gudbiyay Hey’adaha baahida uu u qabo In loo dhiso Musqulo Kaamamka ay ku jiraan dadka barakacay, kadib markii la ogaaday baaritaan la sameeyay in inta badan cudarada ay ka mid yihiin Shuban biyoodka, Koleeraha, Malaariyada inay ka dhashaan goobaha ay ka jirto nadaafad dairida sida Kaamamka oo aan lahayn Musqulo ku filan, sidaas awgeed ayuu maamulku ka codsaday Hey’adda UNICEF balanqaadyadii ay horay u bixisay.Madaxa Hey’adda WFP ee Soomaaliya Axmad Maxamuud maxamed (Maareey) oo ku hadlaayay magaca Hey’adahaasi ka qeyb galay kulankaasi ayaa warbixin Guud ka soo jeediyay Howlaha Hey’adaha hoos taga UN-ka eek u sugan magaalada Abgaal town ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in caqabada koowaad ee yaraysay howlahooda amni xumo iyo dhibaatooyinka ka dhasha dagaalada soo noq noqda ee aan dhamaadka lahayn, taasoo uu sheegay inay curyaamisay dhaq dhaqaaqii iyo waxqabadkii ku aadanaa wax u qabashada Bulshada Soomaaliyeed.Ugu dambayntii in wax qabadka Hey’adaha samafalka ah ee ku sugan ee Muqdisho uu waxqabadkoodu yahay mid aad u hooseeya, waxaana amaan loo soo jeediyay Hey’adaha WFP, UNICEF iyo WHO oo iyagu la xusay inay Bulshada u hayaan howlo Muhiim ah, loona baahan yahay inay Toban jiraan howlaha ay bulshada u hayaan.

No comments: