Thursday, July 10, 2008

Maamulka gobolka Mudulood ee banadir iyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo iska kaashaday soo qabashada alaabo laga dhacay hay.adda Concern







Xarunta gaadiidka boliska ayaa maanta lagu soo bandhigay alaabo laga dhacay hay'ada Concern oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka boliska iyo maamulka gobolka Mudulood ee banadir oo sikashaday
Galinkii hore ee Shalay ayaa shir jaraid waxaa si wada jir ah ugu wada qabtay xarunta Gaadiidka ciidanka booliiska Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho afhayeenka ciidanka booliiska isla amrkaana ah taliyahaciidanka boliska ee qeybta Waliyoow Cadde Col C/llaahi Xasan Barise iyo gudoomiye ku xigeenka duqa Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho ee dhinaca arimaha amaanka Cabdifataax Ibraahin Cumar sabriye ( ina shaaweey )
Xarunta gaadiidka boliska ayaa lagu soo bandhigay manta alaabo ay sheegeen in ay gancanta ku soo dhigeen oo ay laheeyd hay'ada Concern oo ay dheceen waxayna sheegeen in kooxo aan la aqoon balse ay ku raad joogaan ay ka soo dhiciyeen waxaana lagu wareejiyey hay.aadda concern .
Jawaano gaaraya 1450 oo ay ka buuxeen macuunta noocyadeeda kala duwan ayaa lagu soo bandhigay iyada oo ay mas.uuliyiinta halkaa ka hadashey ay cadeeyeen in laga so qabtay xaafada madiina isla markaana lakala iibsaday laba jeer tanina ay tahay markii saxaad
Ku xigeenka duqa Magaalada Abgaal Town ee muqdisho ee dhianca arimaha amaanka ayaa ugu baaqay in hay'adaha samafalka hadii aanay ku soo wargaliyaan ciidamada Ammaanka xiliyada ay howlaha gargaar ka bilaabayaan gobolka Mudulood ee Banaadir iyo daafihiisa anay si aysan wax dhibaato ah ula kulmin.
C/fataax Ibraahin Cumar Zabriye oo maanta la hadlayay warbaahinta qaarkood ayaa waxaa uu sheegay in hay'adaha samafalka looga baahan yahay in ay maamulka gobolka Mudulood ee Banaadir ku soo wargaliyaan xiliyada ay ku gudo jiraan howlaha deeq bixinta hadii ay taasi ka dhaga fureystaana ay iyaga masuuliyadeeda qaadi doonaan wixii laga dhaco .
Hadalada ka soo yeeray maamulka gobolka Mudulood ee Banaadir iyo taliska ciidanka booliiska ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Abgaal Town ee Muqdisho iyo daafeheda ay ka howlgalaan hay'ada gargaar oo deeq u qeybiya dadka dhibaateeysan iyagoo aan ku soo wargalin maamulka gobolka iyo ciidamada dowlada taasi oo Mararka qaar keenta in dhac iyo boob ay kala kulmaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada iyo kooxo dableey ah oo aan cidi ka amar qaadan.
Xarbi Axmed Nuur oo sheegtay in uu ka mid yahay Maamulka hay.adda Concern ayaa daboolka ka qaaday in bishaan 3 sadaxdeedii arimo amaan darted alaabadaan u suurtoobi weysay in ay geeyaan tuulada afgooye yarey sidaan loo geeyey xarunta C.I.d ee Magaalda Abgaal Town ee Muqdisho waxaana ku xigtay in isla bishaan 7 deedii lagu dhacay Ex control afgooye wuxuuna intaa raciyey in 9ka bishaan ay mar kale ku soo noqotay gacantooda ka dib iskashi ay sameeyeen maamulka gobolka banadir iyo ciidanka boliska waxaana is goobtii lagu wareejiyey 1450 jawaan oo ay ka buuxeen alaabo maacuunta nool walbo leh.



No comments: