Friday, July 4, 2008

halyeey Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) Ra,isul wasaaraha umada somaliyeed.


Nuur xasan xuseen (Nuur cadde) ACCAZAHULLAH. waa ra,isul wasaaraha jamhuriyada somalia, waana shaqsi si wayn taagero uga haysta bulshada somaliyeed oo dhan. Md.Nuur cadde ACCAZAHULLAH. waxa ay dadka somaliyeed o haystaan shaqsi u taagan nabada iyo dib u heshiisiin dalka somalia ka hirgasha. Hadaba maqaalkan ayaan doonaynaa in aan kaga war bixino shacbiyada Md.Nur cade ACCAZAHULLAH. iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka somaliyeed. Markii la magacaabay Md.Nuur caddeACCAZAHULLAH. waxaa magalada muqdisho ka dhacay xaflado iyo isku soo baxyo balaaran oo dadku ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsan yihiin shaqsiga cusub ee loo magacaabay hogaaminta xukumada somalia. isku soo baxyadaasi ayaa ka tarjumayay in Md.Nuur cadde ACCAZAHULLAH.uu yahay shaqsi taagero ku leh bulshada dhexdeeda. Marka taas laga soo tago ayaan waxaan isku daynay in aan ogaano sida ay shacabka somaliyeed u taagersan yihiin Md.Nur Cadde ACCAZAHULLAH. ra,isul wasaaraha xukumada somalia. xafiska muqdisho ee wariyaha banadirland.blogspot.com ayaa socdaal ku maray goobo fara badan oo ku yaala magalada muqdisho dhexdeeda si uu u ogaado dadka iyo taageradooda Halyeey Nuur cadde ACCAZAHULLAH. "Md.nuur cadde ACCAZAHULLAH.waa shaqsi aad u qiimo badan, waxan aniga u aaminsanahay in uu horseed u noqday xal laga gaaro dhibaatada dalka ka jirta, waxaana taas u leeyahay in aan aragnay sida uu ugu heelan yahay wax ka qabashada xaaladaha dalka" sidaana waxaa yiri oday somaliyeed oo aan kula kulmay deeganka hodan isagoo ku sugnaa goob uu wax ku iibiyo. ma ahan odaygan oo kaliyah dadka aaminsan in ra,isul wasaraha jamhuriyada Md.Nuur cadde ACCAZAHULLAH. uu yahay shaqsi si wayn ay ula dhacsan yihiin shacabka somaliyeed. Haweney ka mid ah kuwa ka xamaasha suuqa bakaaraha ayaa iyaduna waxa ay ka warantay fikirkeeda ku aadan ra,isul wasaare Nuur cade ACCAZAHULLAH. "si kasto ay uga soo horjeestaan kooxaha aan nabada rabin Md.Nuur cade ACCAZAHULLAH. waa oday nabadeed , waana aqoonyahan wax ka qaban kara dhibaatada ka jirta magalada muqdisho" ayeey tiri haweneydan. sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo isaguna ka mid ah dadka ku dhaqan magalada muqdisho ayaa ku tilmaamay ra,isul wasare Md.Nuur cade ACCAZAHULLAH. mas,uul somaliyeed oo qiimo ku dhex leh bulshada somalida ah. "aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada somliyeed waxaan u arkaa Md.Nuur cadde ACCAZAHULLAH. in uu yahay qof ixtiraam ku leh bulshada somaliyed" ayuu yiri wiilkan oo isagu si wayn u taageray ra,isul wasaaraha somalia. si kastaba ha ahaate mas,uulka sharafta ku dhax leh dadka ayaa noqon kara qofka kaliyah ee hogaamiya dadka iyo dalka, sidaasi oo kalena Md.Nuur cadde waxa u noqday mas,uul si wayn utaagersan yihiin shacabka somaliyeed. nabad diidka hadaladooda qiimaha daran oo ay ku sharaf dilayaan madaxda somalia ayaana ahayn kuwo wax taraya maadama ay shacabka somaliyeed muujinayaan sida ay u taagersayihiin ra,isul wasaarah somalia Nuur cadde ACCAZAHULAH. mas,uul waxaa ahaan kara midka loo riyaaqo marka uu la joogiyo marka uu ka tagayaba dadku ay u maqsuudaan magaciisa la sheego mowlihii ina uumow madaxdeyna maanta magacooda raaji cadowgana ka meel mari midigtood ha sareeyso aamiin aamiin aamiin

No comments: