Friday, July 25, 2008

Maxkamadaha Islaamiga oo mar kale mamnuucay in Hub lagu qaato Magaalada Abgaal Town ee Jowhar


Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa mar kale waxay ku dhawaaqeen in ay mamnuuceen in Gudaha iyo agagaaraha Magaalada Abgaal Town ee Jowhar lagu qaato Hubka.



Tallaabada ayaa ka dambeysay kadib markii hareeraha Magaalada Abgaal Town ee Jowhar lagu arkay Kooxo aan cidna ka amar qaadan oo Hub sita, taasoo keentay in Maxkamadaha go'aan ka soo saaraan.



Sheekh Aadan Axmed Xeefow ayaa sheegay in go'aankaas ay farayaan dhamaan dadka ku dhaqan Jowhar iyo hareeraheeda, isagoo sheegay in cidii lagu arko Hub ay kala wareegi doonaan hubkaas.



Sidoo kale wuxuu Sheekhu sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan cid alaale cidii ay ku qabtaan Hub

Maxkamadaha oo mar kale ku dhowaaqay inay mamnuuceen in hub lagu dhex qaato gudaha iyo agagaarka magaalada Abgaal Town ee jowhar.



Dadka qaar ayaa go'aankan ka wada yaabiyay, iyadoo horay u jirtay in Maxkamadaha u mamnuuceen in hub lagu dhex qaato Magaalada, waxaana la is weydiinayaa sababta la keentay in mar kale ay ku dhawaaqaan in Hub Magaalada lagu dhex qaadan, xilli aysan jirin gacan kale oo kula loolameysa Gudaha Magaalada Abgaal Town ee Jowhar.



Ammaanka Magaalada Abgaal town ee Jowhar ayay Maxkamaduhu aad u adkeeyeen, iyadoona Magaalada ay saaran tahay Bandow aan waqtiyeysneyn, kaasoo galay Maalintii 5aad.

No comments: