Sunday, July 27, 2008

Taratanka Ciyaaraha Fudud ee Koobka Janaraal Daa'uud 2008-da oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho




Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Abgaal Town ee Muqdisho uga furmay taratanka Ciyaaraha fudud ee koobka Janaraal Daa'uud, iyadoo furitaankaasi tartankaasi ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin Isborti, marti sharaf kale.

Tartankaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya kooxaha ay ka mid yihiin Bil Kheyr,Barwaaqo, Heegan, Jubba iyo shabeelle, waxaana tartankaasi kooxaha ay ku tartami doonaan oradada kala ah: 400 Mitir, 800 Mitir, 1500 Mitir, 3000 Mitir,100-ka mitir iyo 2oo Mitir, sidoo kale waxaa la ciyaari doonaa Boodada Hoose oo wiilal iyo Gabdho ah.

Xogahaya Ciyaaraha fudud Faarax Cali Macalin ayaa ugu horayntii halkaasi ka hadlay, wuxuuna soo jeediyay inay naadiyadu u dhabar adeegaan tartankaan mudada uu socdo, wuxuuna sheegay in 18-ciyaaryahan ay ka qeyb galayaan tartamadaasi, wuxuuna sheegay inay soconayaan muddo 5-maalmood.

Xoghayaha Ciyaaraha fudud waxa kale oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan tartanka ciyaaraha Olombikada Aduunka oo sanadkaan lagu qaban doono Dalka Shiinaha, isagoo xusay inay Soomaaliya taratankaasi ka qeybgalayaan Wiil iyo Gabar oo iyagu oradaya tartamo kala duwan oo orado ah.

Sidoo kale wuxuu xusay Xohayaha inuu rajaynaayo inuu taratankaasi ku soo idlaado sidii loogu tallo galay, wuxuuna ciyaaryahanada ku booriyay inay dhowraan shuruucda ciyaaraha.

Furitaanka tartamadaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka dhinca xiriirada heer Qaran ee GOS Xaji cabdi Cilmi Warsame oo ugu horayntii sheegay inay maanta wacan tahay inuu ka soo qeybgalo furitaanka tartanka Koobka Janaraal daa'uud ee Ciyaaraha Fudud.

"Nasiib ayaad leedihii hadii maad fursad u hesheen inaad ka soo qeybgashaan Tartanka loogu magic daray Halyey Janaraal Daa'uud Cabdulle Xirsi" ayuu yiri Xaaji cabdi Cilmi Warsame oo halkaasi ka hadlay.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah ku simaha Gudoomiyaha Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir, iyadoo uu ugu dambayntii uu tartankaasi xariga ka jaray Gudoomiye ku xigeenka GOS islamarkaasna ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Waxaa halkaasi lagu bilaabay tartamadii Isboorti ee koobka Janaraal Daa'uud, waxaana lagu oraday tartamo kala duwan oo kala gooni gooni ah, iyadoo gaba gaabada tartankaan aan balanqaadayno inaan u soo bandhigno bahda Isboortiga.

No comments: