Thursday, July 31, 2008

Madaxtinimada Gobolka Banaadir ayaa waxa garba duub uga jira Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta kana soo jeeda Gobolka Galgaduud.


Madaxtinimada Gobolka Mudulood ee Banaadir ayaa waxa garba duub uga jira Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta kana soo jeeda guriceel isagoo wata Maxamuud Cumar Tootow iyadoo la shegayo inuu kasoo duulay dalka Mareykanka isagoo haatana kusugan dalka Imaaraadka Carabta magaalada Dubai isagoo halkaasi kusugaya diyaaradii u qaadi lahayd dalka Somalia oo uu uga yeeray wasiirka .

Tootow ayaa waxa u yeeray Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportiga Mr. Axmed Cabdisalaam oo ay isku heeb yihiin .(Cayr)

Axmed Cabdisalaam oo ah Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Sportiga ayaan wax hawl ah ka qaban labada Wasaaradood ee uu madaxda ka yahay, wuxuuna ku mashquulsan yahay aargudasho isaga iyo idacadiisa Horn Afrik oo sannadkii tagay laga helay hub tiro badan, taasoo caradii uu ka qaaday dalka uga cararay dibna ugu soo laabtay markii Wasiirka laga dhigay iyadoo taasina usoo maray dadaal aad u dheer siduu wasiir ama ra'iisul Wasaare u noqon lahaa islamarkaana uga aarsan lahaa madaxdii ka danbaysay baaritaanka Idaacadiisa.

Axmed Cabdisalaam ayaa Idaacadiisa qeyb weyn ka qaatay bur burkii dalka iyo dagaladii kadhici jiray somaaliya maanta waa idacada ka been abuurta dowlada kana mid ah idacadaha dagaalka uga jira sidii loo bur burin lahaa dowlada federaalka kuwasoo ka been abuurta cidamada dowlada kuna sifeeya inay´Burcad yihiin markasta diyaarisa ceeb ku wajahan dowladda .


Wasiirka Warfaafinta iyo Cabdiqaasim oo cadaawad xun u qabay Maxamed Dheere iyo dadka degaanka u dhashay (Mudulood)ayaa marwalba ka sheqeeya sidii ay u babi'in lahayeen , Cabdiqaasim ayaa horey gobolka u dhiibay nin beeshiisa ah.

Maxamed Dheere oo saxaafada la hadlayay ayaa ka naxshay Yusuf Garad kasoo uu uga naxshay jawaabtii dib lomasiyeed uu siyay tasoo uusan Yusuf uusan ka fileen uuna ka dhumay waraysagii isagoo Yusuf uu ka naxay markii uu yiri waan ku qanacsanahay soo jeedinta Ra'iisul Wasaaraha waana soo dhaweynayaa diyaarna ayaan u ahay, sidoo kale uu sii raciayay maanta waxaan ku farxsanahay in maanta uu dalka leeyahay dowlad nina xilka laga qadayo nina xilka loo dhiibayo hadii xilka layga qaado loona dhiibo walaalkay waan soo dhaweynayaa gacmahaan is qabsanaynaa sidii uu samayeeyay Gudoomiyhii hore mudane Cade Xasan Gabow oo kale ayan samaynaynaa.

Hadalkaas ayaa waxaa soo dhaweyay Jaaliyadaha Mudulood ee ku kala nool dalalka dibadiisa iyagoo bilaabay inay kulamo ka yeeshaan isbadalka Gobolka Mudulood ee Banaadir oo xiriir nala soo sameeyey iyagoo Ra'iisul Wasaare Nuur Cade ku wargalinayaan in beelaha Mudulood aysan raali ka noqon una cuntami karin in xilkaasi qabiil kale lagu wareejiyo taasoo wiiqi karta hanaanka 4.5 ee uu ku dhisantahay dowladda federaalka inuu xilka Gudoomiyaha Gobolka Mudulood ee Banaadir u dhiibo beel aanan deegaanka degaan ku lahayn.

No comments: