Tuesday, July 29, 2008

Dilalka Qorsheesan ee Gobolada Sh/dhexe Gobalka Banadir ilaa Sh/hoose dadka degan ay Marqaatiyaal ay ka naqdeen in malin walba mid latoogto .

Dilalka Qorsheesan ee Gobolada Sh/dhexe Gobalka banadir ilaa Sh/hoose (All Mudulood Land) dadka degan ay Marqaatiyaal ay ka noqdeen in malin walba mid hortooda lagu latoogto,Galabnimadii maanta ayaa laba qofood oo Bistoolado ku hubeeysan waxaa ay bartamaha Suuq Bacaad ku toogteen Oday da'ah .

Sidoo kale ninkale ayaa maanta lagu dilay deegaanka Siinaay,halka saakayna nin rayid ah lagu dilay isgoyska Sanca

Tirada dadka ee siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Abgaal Town ee Muqdisho 24-kii saac ee ugu danbeeysay ayaa waxa ay garaysaa ilaa 9-qofood marka lagu daro labadan qof ee galabta la dilay,falalkan dilalka ah ayaa qeeyb ka ah amaandarida kusii bahaysa magaalada Abgaal Town Muqdisho.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haaya Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale waxaa lasoo gudbonatay arrimo amaan daro iyagoo bilaabay in ay amaanka wax ka qabtaan Gudaha Magaalada Abgaal Town ee Jowhar.

Cidamada Maxkamadaha ayaa Gacanta ku dhigay Dad gaaraya ilaa Lix ruux oo sida la sheegay lagu tuhmayo in loo soo adeegsaday arrimo kala duwan oo ay rabeen inay fuliyaan , taasoo ay Maxkamaduhu ay sheegeen in ay Maxkamad soo taagi donaan wixii shareecada ay qabtana la marsiin doono.

Afhayeenka Maxkamadaha C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in raga ay qabteen ay Maxkamad soo taagi doonaan, waxaana uu carabka ku dhiftay in ay marsiin doonaan waxa ay qabto shareecada Islaamka.

Sidoo kale wuxuu Afhayeenka ku eedeeyay ragaas in ay isku dir ka dhex wadeen Beelo ku dagaalamay Gobolka oo u dhaxeeya dilal ku saleysan aanooyinka qabiil

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadaha Islaamiga ayaa Magaalada Abgaal Town ee Jowhar ka waday arrimo la xiriira sugida amaanka, iyagoona Magaalada ku soo rogay Bandow habeenkii ah.

Lixda Ruux oo qaarkood aad looga yaqaano deegaanka oo ay ku jiraan kuwo qaarkood ka soo shaqeeyay Maamuladii Magaalada soo maray, sida ay xaqiijiyeen dadkii arkay .

Idaacadaha qaarkood ayaa iyagana waxay wadaan marin Habaabin been ka shegida dhacdada rasmiga ah ee jirta kana sheega war aan marnaba u hiilineen dadka shacabka ah ee dhibaatada loo gaysanayo malin walba iyagoo dhacdada u sheega siyaabo ka duwan sida ay u dhacday Fal danbiyeedka ay geestaan koxaha Burcadda ah una xawila qaab siyasadeed taasna ay dhirigalin siiso inay sii badato dhibaatada burcada ay shacabka ku gumaadayso kuna sii helaan dhiri galin ay burcado mar walba ku dhirato inay wax dilaan mar hadii dhacdaaas siyaabo kale oo ka duwan sida ay u dhacday loo shegaayo sidoo kalena lagu abuuro qabiilo walaalo ah inay kala caradoon markii ay iska togtaan shaqsi ay jecelyihiin kadibna ay isgacan saraan tasoo looga Fa'iidaysto siyaasad ahaan .

Shacabka ku dhaqan Gobalka Mudulood ee Banadir ilaa inta u dhaxaysa Gobalka sh/hoose ila sh/dhexe(All Mudulood Land) waa inay ka sheqeyaan wax kasta ay ku qadato qaabkii ay amaankooda u sugi lahayeen ayna iska qabtaan shaqsiga bistoolada wato ee boqolka dolar jeebka loo soo galiyay laguna soo heshiyay dhawac culus 50 dolar dhimasho 100 dolar hadii shaqsigaas gacanta lagu dhigo lana toogto waxaan suurtagal ah in la waayo mid danbe inuu naftiisa uu ku dhiri galiyo inuu ficil kaas sameeyo mar hadiinaftiisa la goynaayo ayna u roontahay inuu siyaabo kale wax u raadsado .

No comments: