Tuesday, July 8, 2008

Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir oo kormeer ku kala Bixiyay Maanta Goobo ay ka socdeen Hawllo Muhiim u ah Bulshadda ku dhaqan Gobolka
















Gudoomoye ku Xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshadda ee Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir Maxamed Cusmaan (Dhagax tuur) ayaa maanta waxa uu kormeer Shaqo ku soo kala bixiyay afar goobood oo ku kala yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudulood eeBanaadir, kuwaasi oo kala ahaa Saldhigga Ciidanka Booliska Degmadda Xamar jab jab, dhismaha Cusub ee Dugsiga hoose dhexe ee isla degmadaasioo uu haatan ka socdo hawlo dib loogu dhisaayo iyo kaamka lagu magacaabao kaamka degmadda x/jab jab ee degmdaasi oo lagu quudiyo in ka badan 600 oo Qoosas oo ah dad dhibaateysan oo soo barakacay.Gudoomiye ku Xegeenka intii uu kormeerka shqo ku maraayay goobahaasi waxaa uu halkaasi warbxino guud kaga dhageeystay gudoomiyaha degmadaasi X/Jab Jab Axmed Sh. Maxamuud (Qoorleex), isagoo faah faahin ka bixiyay hawlaha kala duwan ee ka socda degmdaasi kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax tar balaaran u leh bulshadda ku dhaqan degmdaasi haday noqon laheyd, dhanka waxbarashada, Nabadgalayadda iyo Noloshadda guud ee dadka danyarta ah ee ku dhibaateysan degmadaasi.Ku-Xegeenka dhinaca arrimaha Bulshadda Md Dhagaxtuur oo isna kormeerkaasi shaqo kadib la hadlayay hawladeenadda gacanta ku haaya hawlahaasi ayaa u sheegay in ay yihiin kuwo, loogu adeegaayo dadka loona baahan yahay in uu qaf kasta kaalintiisa ka qaato si ay hawlahaasi u noqdaan kuwo lagu guuleeysto.Sidoo kale md Dhagaxtuur waxaa kaloo uu isla maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Cusbitaala laansaleeti ee degmadda kaaraan halkaasi oo dhawaan qeyb ka mid ah oo loogu talla galay haweynka iyo caruurta ayna dayactir ku sameeyeen qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka, kaas oo ay dayactirtay Hay’adda IIDA , waxaana haatan dayactir kale u baahan qeybo kale oo badan sida qeybta Dhimirka, Qeeybta TBda, Qeybta Juudaanka iyo kuwo kale, balse haatan aanan loo haynin cid wax ka qabata.Custitaalka laansaleeti ayaa waxaa uu isagu ku fadhiyaa dhul dhan 2KMT iyo 200 mitir, waxaana haatn ka muuqdda burbur baaxad leh mana jirto cid haatan u taagan in ay wqax ka qabato, waxaana uu dhagaxtuur ugu baaqay hay’adaha Caalamiga ah in ay wax ka qabtaan si ay meesha uga baxddo baahidda haatan ka jirta cusbitaalkaasi oo ay u qabaan dadka soomaaliyeed.





No comments: