Monday, July 21, 2008

SIR CULUS OO KU SAABSAN AAYAHA GOBOLKA SHABELADA DHEXE





Sir culus oo ku Saabsan aayaha Gobolka Sh/dhexe


Anigoo Ka mid Ah Dhalinyarada Ka soo jeeda gobolka shabelada dhexe si weyne ula socda waxyaabaha ka dhacaya gobolka sh/dhexe ,ayaan waxaan rabaaa inaan ogeysiiyo dadkeyga iska hurda shirqoolada uu cadawgu u maleegayo gobolka sh/dhexe.



Sida aanu wada ogsoonahay Gobolka Waxaa ka jiray Maamul Dimoqraadi ah oo eey dowlada federaalka ah u soo Magacaawday Waxaana Gudoomiye ka ahaa Max`ed Cumar Delle.

Dadweynaha Gobolka Waxey Si Wayn u soo Dhaweeyeen Maamulkaas oo ay Ku Amaaneen Sida uu Wax ugu qabtay Amaanka iyo kala Danbeynta Gobolka.

Waxaase la yaab Noqotay in Muddo Yar Gudahood uu Maamulkaas isaga Baxo Gobolka sh/dhexe Waa Maxay Sababtu?.



Shirkii Guriceel



Kulan Garsoodi ah oo ay albaabadu u xiran yihiin ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Kulaankaas oo ahaa mid Xasaasi ah ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Rag Culus oo eey ka mid ahaayeen General Yusuf Siyad Indhacade oo ah u qaabilsanaha Howlaha Militaarka Beesha Cayr,Xuseen Wehliye Cirfo oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ee Maamulkii Indhacade Hadana ah u Qaabilsanaha Arimaha Maaliyada Beesha Cayr iyo Shan Nin oo Facaatuug ah kana soo jeeda Gobolka sh/dhexe.



Kulankaas ayaa waxaa lagu lafa guray arimaha ku saabsan Gobolka sh/dhexe iyo waxa laga yeelayo maadaama uu ka jiro Maamul xambaarsan Afkaaraha dowlada federaalka ah.

Dood iyo Falanqeyn Dheer Kadib ,Ayaa Waxaa laysku Afgartay in si deg deg ah loo burburiyo Maamulkii Dimooqraadiga ahaa ee gobolka Sh/dhexe Isla Markaana Gobolka sh/dhexe iyo Kan Galgaduud Lays raacsiiyo.!!



Arinta Ku saabsan in laysku daro labada Gobol ,ayaa waxaa Cabasho ka keenay Shantii Nin ee Facaatuuga ahaa Shirkiina Wuxuu ku Dhawaaday Fashil.

Si arinta loo Qaboojiyo ayaa waxaa hadalkii qaaday Xuseen Wehliye Cirfo asagoo Miiska soo saaray Boorso ay ku jirto Lacag Dhan $900,000 oo Kun oo Dollarka Mareykan ka ah Wuxuuna Yiri “Waad inaad Qaadataan Lacagtaas oo aad aqbashaan arrintaan!” Wuxuuna asagoo Dhoola cadeynaya Sharaxaad Ka bixiyay Qaabka uu u Maamuli jiray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelada Hoose Xilligii Maamulka Indhacadde “ Degmada Afgooye Mudadii aan ka talin jiray Waxaan ka dhigay Degmada ugu Nabdoon Degmooyinka Somalia,Waxaana Ka fuliyay Mashaariic Fara badan oo lagu Hormarinayo Degmada Ha ahaado Mid Dhaqaale,Waxbarasho iyo Caafimaadba.



Shirkaas oo ahaa mid socday in kabadan 8 Saacadood oo Xiriir ah ayuu Xuseen Wehliye Cirfo Ku soo Bandhigay Fikirkiisa Ku aadan Gobolka Sh/dhexe asagoona yiri “ Waxaan rajeynayaa Inaan Mustaqbalka Dhaw si dadban u Maamulo Degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe” Maadaama buu yiri uu si Qoto dheer ah u Garanayo Sida loo Kasbado Taageerada Odayaal Dhaqameedyada Degaanka.!



General Yusuf Siyad Indhacade oo asagana ka hadlay shirqoolkaas ayaa Wuxuu Muujiyay sida uu ugu Faraxsanyahay Kulaankaan ay isugu yimaadeen Waxuuna Sheegay in uu aad u Daneenayay Muddo dheer Rag uu Kala tashado Aayaha Gobolka Sh/dhexe oo uu dhab ahaantii sheegay inuu yahay Gobol Istraatiija u ah isu socodka Magaalada Moqdishu iyo Gobolada dhexe ee somaliya.

Asagoo hadalkiisa sii wata Wuxuu yiri “Maxamed cumar xabeeb (Maxamed dheere) iyo Muuse Suudi Yalaxow Dhab ahaantii Waxey ahaan Labada Nin ee iga Hortaagnaa inaan Maamulo Gobolka Sh/dhexe Hada oo ay Meesha Ka maqan yihiina Waxaan Diyaar u ahay inaan Xaga Militariga idinka Caawiyo Idinkana aad Heli doontaan Jagooyinka Sar sare ee Maamulka Gobolka aan u Dhisi doono”



Gabagabadii Shirqoolkaas oo ay Qodobo fara badan ka soo baxeen ayaa hadana waxaa ugu muhiimsan AFAR GODOB oo kala ah:-



1. In Xididada loo soo Siibo Sida ugu dhaqsiyaha Badan Maamulka Gobolka Sh/dhexe.



2. In Dadka Degan Gobolka sh/dhexe la cadaadiyo si eey isu Dhiiban oo ayan Dulmiga uga hadlin.



3. In Genaral indhacade iyo Beeshiisa si Qarsoodi ah u Maamulaan Gobolka Sh/dhexe,Gobolka laga dhigo Maxmiyad Cayr( Ayr protectorate).



4.Iyo kan ugu Danbeeya oo ah in Beesha Genaral indhacade u soo guurto Gobolka Sh/dhexe.



Waxaa Muuqata in Qodobka kowaad Lagu Quuleystay Fulintiisa Waayo Waxaa Afka Ciida loo daray Maamulkii Gobolka,sidoo kale Qodobka labaad Fulintiisa ayaa Hadda si Xowli ah u socda waayo DIL,DHAC,KUFSI iyo BOOB aan tilmaan laheyn ayey Maleeshiyo ey isku haybyihiin General indhacade ka wadaan Gobolka Sh/dhexe.



Fal danbiyeedyada Ka dhanka ah Bini-aadanimada oo ay geysteen Maleeshiyaad Indhacade Waxaa ka mid Xasuuqii Ka dhacay Tuulo ku Dhaw Degmada Balcad oo dhalinyaro ciyaar dhaqameedka loo yaqaano CAWEESKA ku guda jirta rasaas ooda looga qaaday waxaana xasuuqaas ku naf waayay 10 qofood oo dumar u badan halka dhaawacuna uu kor u dhaafay tobaneeyo.



Sidoo kale,Dad ka soo barakacay Dagaalada caasumada mogadishu ka socda oo ay Hay`ada WFP Cunto ugu Qaybineeysay Tuulada JOWHAR SOMALI oo hoos tagta Magaalo Madaxda Gobolka Sh/dhexe ee Jowhar ayey Ciidamo Daacad u ah Indhacade Hal usbuuc Guduhiis Labo jeer ku Laayeen dad tiradooda gaareyso 8 qofood dadkii la xasuuqay waxey u badnaayeen Haween iyo Caruur.



Arinta ah Qabsashada ay Beesha uu ka soo jeedo indhacade Ku Dooneyso iney Xoog Ku Qabsato Gobolka Sh/dhexe Ma ahan Mid Cusub Laakin Waa Mid Soo Jiitameysay Sanadooyin Farabadan Waxana Ka mid ahaa isku daygii Cabdi Qaasim Salaad Xasan(ina Salaad Boy) Xilligii uu Hogaaminayay Dowladii Carta Ku Doonayay inuu Qabsado Gobolka Sh/dhexe Gaar ahaan Degmada balcad asagoo soo hubeeyay General Maxamud Nuur Galaal oo ay isku Jufo Hoose yihiin laakinse ,waxaa Xabad kala hortagay oo Dhagta Dhiiga u daray Mujaahidiin Daacad u ah ,Al-Xaji Muuse Suudi Yalaxow,Dagaalkaas oo ahaa Guul Weyn oo u soo Hooyatay Dadka degaanka, baal dahabna ka gashay taariikhda Degmada Balcad iyo Dhamaan Gobolka Sh/dhexe.

CIRFO IYO INDHACADE WAA RAG CAYNKEE AH?



Xuseen Wehliye Cirfo waa Ninka Xilligii uu Gudoomiye ka ahaa Degmada Afgooye Biyaha Wabiga ka Gadi jiray Beelaha Wada Dega degmada ee kala ah Galadi ,Muduloodka Dega afgooye(Wacdaan Cusman) iyo biyamaal.(Halmaan Hadal kuma jiro).

Indhacadese waa Ninka Ku soo Rogi jiray Bandow Habeenkii Degaanka Tisxiile ee Gobolka shabelada Hoose oo ay Beesha Harti Abgaal Gaar ahaan harti abgaal Warsangali degto inkastoo uu joojiyay bandhawgaas ka dib markii Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) xilligii uu ka talin jiray Jowhar uu Ugaarsi kula kacay Darawalada ka soo jeeda degaanka Guriceel ee ka shaqeysta Wadada isku xirta Muqdishu iyo Galgaduud ee dhex marta Magaalada Jowhar.



Waxba uusan Qalinku ila turturoonine,Tix gabay oo uu leeyahay Salaan Maxmed Xirsi "Salaan Carrabey" ayaa ahaa



Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane



Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge.



Waxaan leenahay Indhacade iyo wixii la fikir ah taariikhda dib ha u eegeen hana ku quus qaateen wixii ku dhacay dadkii ayaga ka horeeyay.



Waxaan hubaa inuu hadalkeyga dhibaayo inta ay boog ku taal, aniguna waxaan u bareerey inaan runta u sheego tolkeyga, oo aan u gubto habeen iyo maali waxaase iga talo ah in fiiro gaar ah loo yeesho dadka aan u dhalan gobolka waloow ay fiicantahay in laga cayriyo dadka aan u dhalan gobolka.



ugu danbeyntii waxaan leeyahay geesiyow ha guban , dhulkeyga barakeysanoow samir Mudulood waa soo socdaaye

No comments: