Monday, July 21, 2008

Jaaliyada Beesha Mudulood UK oo wada qorshe lagu caawinayo dadka ku qaxay W/Muqdis

Kadib kulan mudo soo socday oo ay lahaayeen Jaaliyada Beesha Mudulood ee UK ayaa waxaa la isla gartay in la caawiyo daka kumanmaanka ah ee ka cararay rabshadaha Muqdisho deeganadana ka sameystay Ceel Macaan , Cisileey iyo Galgalato .

Kulanka intuu socday waxaa la soo xuliyo Gudi kormeer ku aaday Dalalka kale ee Yurub si risaalada la isla fahmay ay u gaarsiiyaan.

Dadkii isku yimid ayaa munaaqasho iyo wadatashi badan kadib waxaa ay Gudoomiye u doiorteen Cali Max'ed Jimcaale "Ooyaaye" oo ah Ninkii ay maskaxdii ka soo maaxatay in dadkaa W/Muqdisho la caawiyo.

Cali Ooyaaye oo doorsahdiisa kadib Khudbad jeediyey waxaa uu sheegay in uu ku dadaali doono sidii xilkaa loo doortay uu uga soo dhalaali lahaa dadkaasna wax loo gaarsiin lahaa.

Waxa uu kaloo sheegay in uu la xiriiri doono Hay'adaha si dadkaas loo caawiyana uu kala hadli doono .

Talaabadaan ayaa hadeey noqtay mid taabo gala waxaa ka faa'ideysan doonaan Kumanaan qof oo w/Muqdisho ay ku hayso gaajo , Hoy la'aan iyo rafaad

No comments: