Friday, July 4, 2008

Halyeey Maxamed Dhere aabaha qaran jeceylka iyo halgamaaga nabada.


Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb (maxamed dheere) ACCAZAHULLAH waa halgamaa somaliyeed oo ku caanbaxay jeceylka nabada iyo gacan siinta qaranka somaliyeed. Maxamed dheere waxa uu leeyahay taariikh inteeda badan ku salaysan jeceylka nabada iyo taageerada bulshada somaliyeed iyo qarankaba. Waxa uu leeyahay sumcad iyo sharaf xoogan oo bulshada somaliyeed dhexdooda ah. Ka hor inta aan soo gudbin sida ay umada somaliyeed u taageersanyihiin Halgamaa Maxamed Dheere waxaan jecelnahay sida uu Maxamed uga soo qayb qaata taageerida dowlada somalia in aan si kooban u soo gudbino. Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii somaliyeed ee ka qayb galay shirwaynihii ka dhacay magalada Nairobi ee lagu soo dhisay dowlada somalia , isagoona ahaa hogaamiyaha kaliyah ee u hamuun qabay in uu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa ku aadan la shaqeynta dowlada. Si taas uu uga jawaabo waxa uu Halyeey Maxamed Dheere ku dhaqaaqay soo dhaweynta dowlada somalia waxana uu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee marti qaada dowlada. Magalada Jowhar ee gobalka mudulood ee Sh/dhexe oo uu markaas maamul ka ahaa ayuu Maxamed Dheere u furay in ay soo caga-dhigtaan xubnaha dowlada somalia isagoo si farxad leh ula shaqeyay dowlada somalia. Taas ayaa ahayd mid uu Maxamed ka doonayay in uu ku taageero qaranka isla markaana uu ugu fudeeyo dowlada in ay ka hortagto dhibaatada ka jirtay xiligaas dalka somalia. marka taas laga soo tago ayuu Maxamed Dheere ACCAZAHULLAH waxa uu kaloo ka qayb galay halgankii adkaa ee loogaga soo horjeeday maamulka la magac baxay Maxkamadaha ee ay lahaayeen kooxaha argagaxisada kaas oo mar ka dhisnaa magaalada muqdisho. Maxamed Dheere oo horkacayo guutooyin ciidamo ah ayaa waxa uu soo galay gobalka Hiiraan isagoo ka yimid dhanka xadka dowlada aan walaalaha nahay ee Ethopia ka dib markii laga adkaday kooxdii argagaxisada maamulkoodii. Waxa ay taas keentay in dowlada somalia ay si fudud u soo gasho dalka somalia. Marka laga soo tago taariikhdaas ayaa hada Maxamed waxa uu ku howlan yahay howlo amaanka lagu sugayo oo uu ka wado magalada caasimada ah ee Muqdisho isagoo ah gudoomiyaha gobalka Banadir iyo duqa Muqdisho. "maxamed dheere waa mas,uul qiimo gaar ah ku leh bulshada waxana uu ahaa nin mar walba jecel in dalka ay ka dhalato dowlada somaliyeed" sidaana waxaa yiri oday somaliyeed oo ku dhaqan magalada Muqdisho. "waxaa taas cadayn u ah isagoo hada ka mid ah mas,uuliyiinta dowalda, nin aan qaran rabin ma ka mid noqon karaa dowlada somaliyeed....???" ayuu mar kale is waydiiyay ninkan, isagoo tusaale u soo qaatay Maxamed Qanyare oo mar ay hogaamiye kooxeed isla ahaayen Maxamed Dheere balse cadeystay qaran-diidnimadiisa isagoona ka biya diiday in uu ka mid ahaado dowlada somalia. "Qanyare isagoo Xildhibaan ah ayuu diiday in uu ka qayb galo howlaha barlamnaka, Maxamed Dheerena waa kan isagoo aan waxba ka ahayn dowalda ayuu la soo shaqeyay ilaa uu ka noqdo gudoomiyaha gobalka mudulood ee banadir" sidaana waxaa yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta somaliyeed ee hada dalka ku sugan. Si kastaba ha ahate Maxamed Dhere waa mas,uul qiimo gaar ah ku dhex leh bulshada somaliyeed oo si wayn ula dhacsan sida geesinimada leh ee uu u maamulo howlaha nabad galiyada ee gobalka mudulood ee banadir, tan iyo markii uu howsha la wareegayna waxa uu waxbadan ka qabta amaanka magalada muqdisho isaoo ka hortagay kooxaha Qarandiidka oo ku sugnaa magalada Muqdisho.

No comments: