Friday, July 11, 2008

Halyeey Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ACCAZAHULLAH oo la wareegay maamulka Degmada Kaaraan ( yaa kaga wanaagsan…??)


Xaaji Muuse Suudi Yalahow oo ka mid ah Halyeeyada Somaliyeed ee ku caan baxay jeceylka nabada iyo qaranimada dalka ayaa la wareegay mamulka degmada Kaaraan oo uu ka soo jeedo ka dib markii Maamulka gobolka Mudulood ee Banadir uu garwaaqsaday in aysan jirin cid kaga wanaagsan maamulada deegankaasi.
Halyeey Xaaji Muuse KARAMAHULLAH ayaa horay waxa uu gacanta ugu hayay deegankan Kaaraan oo magalada Abgaal Town ee Muqdisho ka tirsan waxaana xiligaas oo aysan dalka ka jirin wax Dowlad ah uu ku guulaystay in uu ka dhigo deegankaas meel amaan ah oo dadka ku dhaqana ay siday doonaan u shaqeysan karaan.
Hadaba waxaa jira dhinacyo aan marna dan ka lahayn nabada iyo daganaashaha magalada Abgaal Town ee Muqdisho, kuwaas oo karaahsanaya in shaqsiyaadka Xaaji Muuse oo kale ah loo dhiibo wax xil ah iyagoo ka baqanaya in qibradooda ay adeegsadaan oo ay wax ka qabtaan amaanka magalada Abgaal town ee Mugdisho.
Sidaas darteed ayaa Maamulka gobolka Mudulood ee Banadir isagoo arintaas ka hortagayo waxa uu ku dhaqaaqay in shaqsiyaadka Halyeeyada ah ee dalka ku sugan isla markaana neceb qaran diidka iyo qabiil u doodka ay u dhiibto xilalka ugu adag ee lagu heli karo amaan Muqdisho ay hesho, waxaana ka mid ah Halyeey Maxamed Dheere oo ah duqa magalada Abgaal town ee muqdisho.
Maxamed Dheere oo la ogyahay wax uu u taray shacabka iyo sida uu u sugay amaanka ayaa waxaa la arkayaa dad ka soo horjeeda, kuwaas oo aan ahayn shacabka Somaliyeed balse ah shaqsiyaad danestayaal ah oo nabada dalka ka doortay bililiqada ay waa hore ku dhargeen .
Marka aan Xaaji Muuse u soo noqono waxba kama badalna Halyeeyga kale ee ay isku haybta yihiin waa Maxamed Dheere, waxana ay ka midaysan yihiin in meel looga soo jeesto kooxaha umada Somaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho waa hore haligay ee doonaya in xaaranta ay haystaan ay u xalaalowda.
Deeganka Kaaraan waxaa mudooyinkan ka jiray kacdoon shacab oo ay dadka ku doonayeen in ay ku muujiyaan sida ay ula dhacsan yihiin Halyeey Muuse Suudi in uu lug ku yeesho degmada si wax looga qabto amaanka sii xumaanayo iyo kororka kooxaha nabad diidka ah oo dhowr jeer weerar ku soo qaaday degmada.
“aniga waxaan u arkaa Xaaji Muuse in uu yahay qofka kaliyah ee wax ka qaban kara amaanka degmada, ma ka wado in isaga gudoomiye looga dhigo, waa xildhibaan lakin in uu meesha oday ka noqdo waa wax haboon” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha maamulka Dowlada Hoose oo aan kula kulmay magalada Muqdisho.
Hadalka ninkan ayaa ah mid muujinaya in dadka degmada Kaaraan ay si wayn u tabeen dhadhankii nabad galiyada ee halkaa ka jiray xiligii uu Muuse kormeerka ka ahaa amaanka iyo gacan ku haynta degmada.
In hada uu ka odayeeyo amaanka degmada Kaaraan Halyeey Muuse waa mid haboon oo ay si wayn u waafaqsan yihiin dadka Somaliyeed ee dhibsanaya amni darida ay qabiil u doodyada ka wadaan magalada Abgaal Town ee Muqdisho.


Nin waliba waxuu galo

Dadkiisaa garanaayee

Allow geesigan noo daa

No comments: