Thursday, July 31, 2008

Dood: Xilka Masuulinta Sare ee DKMG ah Yaa ka xayuubin kara?

Ummad waliba waxay leedahay shuruuc iyo qowaaniin ay degsato ka horinta aysan dhisin maamuladeeda. DMKG ah waxay leedahay oo u degsanxeer KMG ah, kaas oo qeexaya awoodaha, waajibaadka iyo ciqaabaha xillagu waayi karo ama lagu heli karo.

Haddaba sida ku qoran xeerka federaaliga ee KMG ah (Transitional Federal Charter) wuxuu qeexayaa sida hoos ku qoran.

Dooddan ayaa jawaab u ah waresyi u shalay siiyey idaacadda VOA Mr. Abdi Hagi Goobdoon uuna kaga hadlayey – Xil ka qaadis Gudoomiyaha Gobolka Mudulood ee banadir ahna Duqa Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho Mudane Mohamed Omar Mohamed (M.Dheere).

Sida uu qeexayo Qodobka 44aad ee xeerka kmg ah (waajibaadka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya): Qodobka 44aad, lamber hoosaadka (e) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee xukuumadiisa iyo Madaxda Haya'daha dowladda kolkuumarkii ay soo jeediyaan golaha wasiirada.

Qodobka 44aad, lamber hoosaadka (f), Madaxweynuhu wuxuu magacaabidoonaa Jagooyinka Danjirayaasha, Diplomaasiyiinta, Qunsuliyadaha,Maamulada Gobolada (Gudommiyayaasha) – akhris kolkii ay soo jeediyaan golaha wasiirada iyo wasaaradaha sida gaarka ah ay u hoos tagayaan,sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xil ka qaadis ku sameynayaa kolkii ay soo jeediyaan Golaha wasiirada, ama wasaaradda ay hoos tagaan xilalkaasi.

Hadaba sida ku cad, qodobka 44aad ee xeerka DKMG ah, Raysal Wasaare Nuur Adde iyo Golaha Wasiiradu xil kama qaadi karaan, isla markaasna uma magacaabi karaan. Awooduudu waa soo jeedin qudh ah. Ugu dambeyn, Mudane Goobdoon waxaa ku haboon inuu akhristo xeerka DKMGah, isla markaasna iska ilaaliyo inuu fidiyo, baahiyo, ka tarjumo doodaan ku salaysnayn xeerka KMG ah.

Dr Abdullahi Hashime-m: drahashim@gmail.com

No comments: