Wednesday, July 16, 2008

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay in Dhimasho Bur bur hantiyeed ay ka dhasheen roobkii ka da'ayay Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho


Iyadoo ay 24-kii saac ee ugu damabaysay ay magaalada Abgaal Town ee Muqdisho ka Da'ayeen roobab miihaagaan ah, ayaa waxaa jira in roobabkaasi ay gaysteen qasaare isugu jira Dhimasho iyo bur bur soo gaaray guryihii ay daganaayeen qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Abgaal Town ee Muqdisho.Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir oo manta Shir Jar'aaid ku qabtay xarunta gobolka Mudulood ee Banaadir ayaa ka warbixiyay sida ay waxyeelada u soo gaaratay dadka iyo guryaha.Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudulood eeBanadir Maxmed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa shaaca ka qaaday in roobabkii ka da'ayay ay geysteen dhimashada 3-caruur ah iyo laba ruux oo waa weyn, wuxuuna sheegay in Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir uu samayn doono intii tabartiisa ah tirakoob la xiriira qasaaraha uu gaystay roobku.Md. Dhagaxtuur waxa uu intaasi ku daray in kulan deg deg uu ka yeeshay Maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir arintaasi, kulankaasi oo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa gacana loo siin lahaa dadkii dhibaatada gaaratay.Kulankaasi kadib ayuu maamulka Gobolka banaadir magacaabay guddi ka kooban 5-xubnood oo soo sameeya daraasad iyo qiimayn goobihii ay wax ka dhaceen, kuwaasoo la faray in 48-saac gudahood soo gudbiyaan daraasaadka ay soo samaeeyaan, waxaana gudigaasi ka mid ah

:1-C/Rashiid Ibraahim Maxamed Gudoomiye

2-Mukhtaar Maxamed Axmed Xubin

3-Muxyadiin Maxmed Rooble Xubin

4-Muxyadiin Nuur Cali Xubin

5-Canshuur Cali Nuur Xubin

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudulood ee Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur) oo la hadlayay saxaafadda ayaa cambaareyn dusha uga tuuray Hey'adaha Samafalka iyo kuwa Maxaliga ah ee gudaha Dalka, wuxuuna sheegay in 680-NGO-s ay ka diiwaangasahn yihiin Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho, balse 10-ka mid ah la arko iyagoo u adegaya Shacabka, waxqabadkooduna u muuqdo, wuxuuna sheegay in inta soo hartay ee kale ay ku dawarsadaan magaca NGO_yadaasi.Sidoo maamulka Gobolka Mudulood ee Banaadir waxa uu sheegay in Hey'adaha caalamka aysan waxba u qaban shacabka ku dhaqan Magaalada Abgaal Town ee Muqdisho, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inaysan waxba ugu soo dhiibin Hey'adahaasi mar hadii aysan gaarsiinayan dadkii loogu tallogalay.

No comments: