Wednesday, July 16, 2008

Kooxda K/Cagta Banaadir Telcom ee Soomaaliya oo galabta ka badisay Kooxda Fitalo ee Dalka Burundi



Isniin, July 13, 2008(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Banaadir Telcom oo heysata Horyaalka Kubadda Cagta Dalka Soomaaliya ayaa galabta waxay ka badisay Kooxda Fitalo oo iyadana heysata Horyaalka Dalka Burundi.
Labada Kooxood oo isaga hor-yimid ciyaar ka tirsaneyd Tartanka Kooxaha Horyaallada Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacaya Dalka Tanzania ayaa waxay labada kooxood qeybtii koowaad ee ciyaarta isla dhaafi waayeen 0-0.
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta Cali Saciid oo HOL u waramayay in markii ay labada kooxood isugu soo laabteen ciyaarta qeybteeda labaad ay Kooxda Soomaalida daqiiqadii 14aad dhalisay goolkii ugu horeeyay, kadibna ay kooxda Fitalo ee Dalka Burundi ay daqiiqadii 88aad dhalisay goolkii barbar dhaca, balse labo daqiiqo kadib ay Kooxda Soomaalida dhalisay goolkii guusha, sidaasna ay guusha ku raacday Kooxda Banadir Telcom ee Somalia. Labada Gool ee ay Kooxda Soomaalida la timid waxaa u kala dhaliyay labo ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo Edwardo iyo Nuune oo ay Kooxda Banaadir Telcom ka soo wadatay Dalka Kenya.Cali Saciid waxaa uu sheegay in ay Kooxda Soomaalida muujiyeen ciyaar wanaag, isla markaana ay awood iyo karti la soo baxeen intii ay ciyaarta socotay, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay Kooxda Soomaaliya meteleysa ay ciyaaraha soo socda guul ka keeni doonto.


Waxaa xusid mudan in Kooxda Banaadir Telcom ay guusha ku gaartay 9 ciyaaryahan kadib markii ciyaarta oo socota kaarka cas loo taagay ciyaaryahanYaasiin Cali Cigaal, waxayna taasi muujineysaa sida ay isu soo diyaarisay Kooxda Kubadda Cagta Banaadir Telcom.Kooxda Banaadir Telcom ayaa waxay kulankeeda labaad la yeelan doontaa Kooxda Simba ee dalka Tanzania, waxaana la rajeynayaa in ay iyadana guul ka soo hoyn doonto, inkastoo Kooxda Simba dalkeeda lagu ciyaarayoguul-darro-na ay qabto oo horay looga soo badiyay.

No comments: